SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

SHAN QODOB DARTOOD "CUMAR IIMAAN" ILAAHAY HA U TOOBAD KEENO
 

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com


Dood dhexmartay Wadaadka iskiis isu magacaabay Yusuf Indha cade iyo Sh.Janaqoow ayaa waxaa ka mid ahaa doodii Indhacade “Kuwii aan la dagaalamayney haday wax ku darsadeen ma kuwii baa soo islaamay mise iyagaa gaaloobey oo kuwaas diintoodii ku biiray”

Xiligaas wax weyn uma arag hadalkaas indha cade kumana fekerin inaan u jawaabo laakiin waxaa mucjiso iyo anfariir noqotay marka hadalkii Indha cade oo aan kelmed laga bedelin uu isticmaalay sheekha dagaalka inuu sii huriyo wadanka ugu soo laabatay Sh.Cumar Iimaan.

Hadaba maadaama aynaan is oran karayn sheekha diin yaraan iyo cilmi xumaa haysa waxaan jeclaan lahaa inaan wadaadka xusuusiyo shan qodob anoo ka dalbanaya inuu ilaahay u toobad keeno

Ugu horayn in qolo qolo ku biirto uun maha waxa dhaca marka laba qolo heshiiso ee waa in wax laysla ogol yahay la gaaro oo meel dhexe laysugu yimaado waana sida ka dhalatay shirkii jabuuti, ma garanayo tanaasul ka weyn oo TFGgu samayn lahayd mar hadii ay madaxweynihiina ARSta siiyeen ciidamadii Itoobiyana wadanka ka saareen.Waxaan filayaa in Suluxul xudaybiya ay heshiiyeen rasuulka iyo kufaartii quraysh iyadoo aan qolana qolo diinteed qaadan.

Inkastoo cida heshiisku dhexmaray ay hada tahay lama garab oo islaam ah hadaana xataa ilaahay SWT wuxuu ogoladay in gaalada nabad lala galo haday ogolaadaan “Wa in janaxuu li silmi fajnax lahaa watawakal cala laah” haday dhinaca nabada u ciiraan ula ciir ilaahayna tala saaro”

Dagaalku waa shar noocuu doonaba ha ahaadee sida ilaahay quraanka ku yiri “Wakafa –lahu-ul mumuiniina sharal qitaal” waxaan idinka joojinay sharka dagaalka, markaa waxaa haboon inaan lagu deg-degin hurin dagaal iyadoo ujeedooyinka aad leedahay aad nabad iyo wada hadal ku gaari kartid

Ilaahay wuxuu quraanka ku yiri “fain tanazactum fi shayin faruduuhu ilalaahi warasulihi” “Hadii aad wax isku qabtaan u celiyaa kitaabka ilaahay iyo sunaha” laakiin nasiib xumo sheekh cumar imaan wuxuu door biday in qorigu ama “rasaastu” kala saaro isaga iyo shariifka halka ilaahay yiri kutubta alle ha idin kala saareen.

Sida ka soo yeertay culimada waaweyn ee Islaamka oo uu ka mid yihiin Sh. Yusuf Al Gharadawi, Sh.Suleyman Al Cawdah dagaal soomaaliya xiligan laga oogaa ma aha jihaad ilaahayna loogu dhowaan maayo, sida ilaahay quraanka ku sheegay “Fas’alu ahla dikri inkuntum laa taclamun” dadka cilmiga leh weydiiya wixii aydaan garanayn markaa ma filayo in Sh. Cuman imaan iyo saaxiibkiis indha cade ay ka aqoon iyo faham badan yhiin culimada caanka ah ee islaamka.

Walaahu Aclam

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

QORAALDII HORE EE XARIRI
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS