SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

 
Tacsi tiranyo leh :Dr maxamed siraad dolaal-

ولا تحسبنّ اللدين قتلو فى السبيل الله أمواتا بل أحيآء عند ربهم يرزقون


Dhamaan odayaasha, wax garadka, aqoonyahanada, dhalinyarada iyo haweenka reer Swedan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, iyo dhamaan dadka reer Soomaali galbeed ( Ogadeeniya) geeridii murugada lahayd ee ku timi Dr. maxamed siraad dolaal. Waxaan ilaahay uga baryaynaa in u naxaaristii janno ka warabiyo. Amiin amiin amiin.

Dr. Maxamed ma ahayn aqoon yahaan qurba joog ah oo qudhaa lakin wuxu ahaa halgama geesi ah oo u tagan xoraynta, xaq u radiinta iyo maxfal ka matalida umada Somaliyeed ee dagaan S/Galbeed ( Ogadeeniyaa.)

Dr. Maxamed oo daganaa mudo dheer dalka england ma usaan wayiin nolool wanaagsan oo nabad galyo leh, lakin waxa u muqanaysay in aysan nolol ahayn in ruxu kaligi ku nolaado nolool raxo leh, umudisuna ku nolato cadadis, xasuuq, iyo ciqaab joogta ah.

Dr ku . wuxuu amiinsana in geeridu dhanto nolaasha u ku noolyahay dadkisu:

Ø Hadaan dhimano geeridu kolbay nolasha dhantayee
Ø Dhaqasho iyo mar bay kaa yihiin dharagtu xaaraane
Ø Rag dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye
Ø Dhashaday sugta xaajadaad dhawrataa abide,

Ugu dabayntii geerida Dr. maxamed waxay farin iyo tusaale camali ah u tahay dhamaan shacaabka iyo wax garadka reer Soomaali galbeed(Ogadeeniya) in ay gutaan wajiibkooda ku aadan dalkooda hooyo una diyaargaroobaan nolol dhimasho iyo dhaawacba leh.
Waxa kalo oo ay daliil u tahay in ay jiri karan dad ka run sheegi kara waxay amiinsan yihin iyo in qadiyada halganka reer S/Galbeed (Ogadeeniya) ay weli nooshahay maadaama madaxdeedu ay u shihiidayso.
Waxase is waydin leh mala heli kara ruux ama nin gudan karayaa doorkii u gudanayay Dr ku? . sida isku wadka dadka walalaha ah, isku qadiyada ah, isku danta ah ee kuwada shihidayaa goobta qudhah.

Ø Haday dunidu khayr leedahay oo la isu daynayo
Ø Dadki xaawo laga uumay iyo duudkii nabi Adaan
Ø Darajada kuwi loodhala laga dareersheene
Ø Seben-aakhir in u daahir yahay suurna daba joogo
Ø Doqon iyo ninkii nacas ah iyo daldhaan garane
Ø Cadaabaha dabkoodiyo allow naar hanagu dadiin

Amiiin amiin amiin

mahamud hashi <cabdirabi70@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS