SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

 
Jaaliyadaha G/Awdal oo deeq lacageed gaarsiiyeen Dugsiga Hoose Dhexe Cumar Bini Khadab. +SAWIRO

Sawirada Halkan ka daawo

Jaaliyadaha gobalka Awdal u dhashay ee ku nool dalalka dibada ayaa maanta deeq lacageed gaarsiiyeen Dugsiga Hoose Dhexe Cumar Bini Khadab ee magaalada Borama.

Deeqdaan lacagta ah waxaa Wakiil ka ahaa Maamulaha Shirkada Telesom Cabdiqaadir Aadan Nuur oo ay soo wakiisheen laba qofood oo gobalka u dhashay.

Maamule Cabdiqaadir waxuu sheegay in 1000 Dollar uu soo diray Maxamed Bashiir oo degan dalka Switzerland halka 500 Dollar soo dirtay Gabar uu sheegay inay diiday in magaceeda la xuso Alle dartiina wax ula baxday.

C/qaadir oo ka waramaya deeqdan ayaa waxa uu yidhi “Waxa shalay soo booqday Maamulaha dugsiga Cumar binu khadaab C/wahaab C/laahi Aadan waxana uu ii sheegay in Fasaladii dugsigu ay ku yaraadeen Ardayda waxana uu ii raaciyay inay helaan dhul Cabirkiisu dhan yahay 35mX15m isla markaana uu qiimahiisu yahay $6800, waxa kale oo ay ii sheegeen in dad badan oo Ahlu khayr ah ay waydiisteen inay gacan ka gaystaan waxaanan ku balan qaaday inaan Fariintoodan gaadhsiin doono walaalaha Qurbaha Aniguna aan qaybtayda ka qaadan doono.

Waxuuna sheegay in dugsigaan marxado kala duwan uu soo maray isla markaana guri kiro ah iminka uu ku jiro, dhawaana la siiyay jago uu dhisto lacagtaana ay kamid noqon doonto lacagaha lagu dhiso doono jagada la siiyay dugsigaan.

Maamulaha dugsigan Cumar binu Khadaab Md.C/wahaab C/laahi Aadan ayaa uga mahad naqay Maamulaha Telesom Lacagta deeqda ah ee soo gaadhay sidaasi oo kale waxa uu u mahad naqay Maxamed Bashiir oo Switzerland degan iyo haweenaydan kale ee deeqdan lacageed gacanta ka gaysatay waxana uu ka dalbaday in dadka gudaha iyo dibaduba ka qayb qaataan qaadhaan ururinta Iibsiga dhulka dugsigan.

”Waxaan u mahadcelinayaa Cabdiqaadir Aadan Nuur, oo waxyaabaha kheyraadka gobalka Awdal ku saabsan iyo guud ahaan Caalamka loogu bartay kaasoo mar walba taagan goobaha kheryka lagu hayo, isagaana suurta galiyay inuu isku xiro anaga iyo Jaaliyada oo codsigeena gaarsiiyo Jaaliyadaha qurbaha ku dhaqan ee gobalka u dhashay saakana lacagtaana nasoo gaarsiiyay” ayuu yiri Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe Cumar Bini Khadab ee magaalada Borama.

Munaasibadan ayaa waxa goobjoog ka ahaa C/qaadir Maxamed Barkhadle oo ka mid ah Qurba jooga reer Awdal wadanka Sweden oo munaasibadan ka hadlay ayaa yidhi “ Waxa aan ka marag kacayaa in lacagta ay gaadhay gacanta cidii loogu talo galay waxaana qurba jooga kale ka codsanayaa inay ka qayb qaataan talaabooyinka horumarka leh ee deeqda u baahan ee gobolka oo dhan ka socda.

Dugsigaan oo la furay 1994-tii ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo ay aasaaseen dhalinyaro mutadawaciin ah iyagoo ku bilaabay arday aan ka badneen 10-arday iyo laba qol oo kaliya oo korkooda baco ka sameysnaayeen iyadoo ardayda kuraas u ahaan jiray dhagxaan ay ku fariistaan.

Dugsiga ayaa maanta ka kooban 8-Fasal waxaana la dhigtaa labada galin iyadoo ay dhigtaan arday tiradooda gaareysa 850 Arday oo inamo iyo hablo iskugu jira.

AbdiAziz Mohamed Elmi
Email: xaaji7777@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS