SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

 
Faallo : Gorodaasee ! By Gendisch 
 

Tan iyo iyo maalintii la doortay , madaxewaynaha soomaliya Sh  shariif sh. Axmed waxaa  bilaawday  xusul duub loogu jiro cidii noqon lahayd raisal wasaaraha soomaliya ee cusub. Waxaa  la isla dhexmaray rag badan oo somaliya aad looga yaqaano iyo kuwo aan masraxa siyaasada aad loo aqoon , arintaan waxaa ay noqotay arinta ugu hadal heeysaka badan ee masraxa siyaasada dalka soomaliya gaar ahaan gobolada loo maleeynayo in ay ka yimaadaan  PM ee hogaamin doona jamhuuriyadii 7 aad ee soomaliyeed. Arintaan oo ah  in aad looga fiirsado, una  baahan taxadar ayaa waxaa ay noqon doontaa goaankii siyaasadeed oo gaaro sh. Shariif  sh. Axmed  tan iyo markii la doortay Tan ugu culus, oo hadii aanu aad ugu fiirsan noqon doonta iinuu ka gudbi waayo imtixaankii ugu horeeyey .  

Maadaama dad badan u arkaan in guushiisu  ay ahayd mid rigoore loo dhigay kadib markii ay ka soo shaqeeyeen urukii ARS iyo dowladii uu hogaaminayey Noor cadde in dalkaan laga qabto kuwa xagjirka qabiil iyo diimeed ku gaamurtay. Kuna guuleeystay in   Siyaasadaas  furfuran oo aduunka looga dhaadhiciyey in dowladii cabdilaahi yousef ay fashilantay waxaa ka soo shaqeeyey rag aqoon u leh siyaasada reer galbeedka  iyo tan gayingan afrika, waxaa soo baxaya in ay siyaasiyiin soomaliyeed  iyo itoobiyanka ay dabada ka riixaayaan rag soomaliyeed ka mid aha kuwii  fashilka masuulka ka ahaa  kuna dhowaa dowldii  cabdilaahi yousef axmed . Taasi Somali ma qabtaa mar kale ? 

Xagee ka iman karaa PM ? 

Markii soomaliya dal tahay , oo ay joogto Somaliland, Puntland waxaa lagama maarmaan ah inaan u fikirno dhismaha dowlad soomaliyeed  ee guud , lana siiyo tixgelinta ay leeyihiin goboladaasi,  laakiin maanta somaliya labadaas autonomous states   nabad ayeey heestaan dib u heshiisiina waa ka hir gashay, inkasta midna leedahay somaliya waa ka go’nay tan kalaba waa joognaa laakiin madaxwayne ayaan leenahay, Waxa dhacayana dibadaan ka eeganaa , hadana hadii laga dhigo shaqsi ka soo jeeda labadaas gobol waqtigan la joogo waxba kuma soo kordhin doono xalka reer koofureedka .

Waana dhibaatada ugu weeyn ee reer koofureedka ugu guuldareeystaan  in la helo qorshe siyaasadeed oo ka shaqeeya in marka hore dhulka dagaalku ka socdo la nabadeeyo kadibna loo gudbo in la isu keeno inta dhiman ee goonida isu abaabulay dowladnimadana sheegta. Hadii uu sh. Shariif sh axmed ka soo jeedo Bartamaha soomaliya ilaa sh. Hoose , Sh. Aadan madoobana ka soo jeedo bay iyo bakool ilaa Jubada dhexe , miyaanay ahayn in PM imanaya ka soo jeedo jubba land iyo Gedo ?. oo aan waqti la isuga dhumin Maanta Somaliland iyo Punland in PM laga keeno . 

Waxaa jirta sedex kaambo oo la doonayo in sh shariif ay siyaasadiisu raali geliso marka hore inta aan laga hor tegin ururka alshbaab oo noqon doona dhibaatada ugu culus ee ka hor iman doonta mustaqbalka lama huraana ay noqon doonto in dagaal culus uu la galo n hadii aan ilaah rag u bixin . waa tan  koowaade sh. Sharif waa in uu raali geliyo hogaanka ARS/Muqaawamada ee soo doortay , waxa jira in ay doonayaan in ay PM laga soo doorto ragga/dumarka ururka ka tirsaanaa  ee halganka halkaan soo gaarsiiyey, Ragii cabdilaahi yousef riday, amxaaro bixiyey, si ay usii wadaan geedisocodka nabada dibna loogu mideeynayo wixii ka dhimanaa geedi socodka nabada iyo In nabad lagu soo dabaalo gobolada koofureed marka laga soo bilaabo Mudug –Jubba. 

Waa tan labaade ,  Noor cadde, PM ee  kumeelgaarka ahaa Iyo dowladiisii wixii ka haray, ragii ka tirsanaa gaar ahaan wasiiradiisii raggii ugu firfircoonaa oo ka danbeeyey in ay heshiis la galaan ururka ARS ( kudkude, Kutaan iyo Koorajaan) . Waxaa iyana miisan siyaasad leh Siyaasiinta ka soo jeeda dalka dibadiisa oo noqday lafdhabarka  halganka loogu jiro in somaliya ay mar uu lugaheeda ku istaagto.  

Maalintii la doortay sh sharif , waxaa  wax lagu farxo ah in ragii iyo dumarkii  ka tirsanaa ARS , oo soomali cidwalba isu jira ay doortaan  sh shariif  sh xamed , iyagoo u arkayey inuu yahay haogaamiye talo wax ku qaata oo aan garmaqaate ahayn, waxaa lagu farxo ay in ragii la shaqeeynayey madaxwnaha doorashada kadib, intii ay ka fikiri lahayeen masiir awoodeed ay markiiba ka shaqeeyeen tilaabadii ugu horeeysay oo ay ku soo deeyeen  Sh axmed islaan  ( Axmed Maboobe ) , gudoomiyihii maxaakiimta ee Jubada Hoose oo hada ka mid ah goolaha shacabka somaliyeed , kuna xiraa xabii ku yaala itoobiya kadib markii sedex sano ka hor ciidamada dalaayada ku booda ee ameerika ka soo qabteen isaga oo gubtay kaymaha KUDHA, ee jubada hoose, halkaas oo ay ku geeriyoodeen rag badan oo maxaakiimta ahaa oo halkaas lagu halajiyey uuna ka mid Murxuum Cabdilaahi macalin Naxar (A BU –CUTAYBA) , Gudoomiyihii Gobolka banaadir ee waqtigii maxaakiimta  ( de facto  )  

Maalinta uu madaxweynuhu doorto in PM Ka dhigo kuwii itoobiyaanka xamar keenay waxaa iman doonta in uu jaanis siiyo wadaada mayalka adag ee maanta sii luminaya tageeradii shacabka , kuna qasbi laheeyn in ay shacabka meesha ee rabo dib u fiiriyaan . waxaa iman doonta ay kala tagaan kuwii isaga doortay ee labada boqol kor u dhaafayey ( ARS) , waxaa iman doonata in ay yiraahdaan  reer muqdisho ma u jeedaaan Cabdilaahi yousef ayuu naga daba wadaa sidii Cali Mahdi ku fashilmay ee ay uga soo horjeesteen reer muqdisho. Waxaa iman doonta dagaalku qabiilku sii laba kacleeyo , waayo afarta sano ee la soo dhaafay dhaawacii gaaray muqdisho waxaa gaarsiiyey rag ay ka mid yihiin kuwa uu maanta ku haminayo in uu PM ka dhigo waa hadii ay ka yimaadaan Punland.  waxaa wanaagsan in uu ku cilmi qaato in wiil yar oo siyaasada ku cusub aanay Somali awoodin ay tijaabiso. Taasoo hore ayaa loogu fashilmay markii Cali geedi masraxa siyaasada ee qarash doonka ah soo fuulay. Waa kee qofka Somali iyo addunka  ka gadmi kara ?. 

  1. Qof a islaam ah ,oo aqoon ku filan leh mid maadiya, mid islaam, mid dhaqan ,  Mid siyaadeed  iyo  soomalinimidiisa la tijaabiye kana kudbay , caadifada qabiil ee Somali kala reebatay.
  2. Qof ka soo jeeda gobolada kufureed  gaar ahaan kuwa Jubooyinka iyo Gedo, awoodna u leh inuu soo jiito  beelaha degan degaanadaas guud ahaan , gaar ahaan , siyaasiyiintooda , oday dhaqameedyadooda iyo wadaadada .
  3. Maadaama oo sh. Sharif sh axmed yahay in aad ugu xiran wadamada carabta waxaa loo baahanyahay in qofkaasi noqdo mid aad ugu xiran , reer galbeedka iyo America soona xuli kara rag aqoon sara leh oo ka qayb qaata  dadaalka loogu jiro in ummadaha aduunka laga mid noqdo, taasoo aan u baahnayn on the job training ( in la tababaro ) . qof wax bartay ayaa garbihiisa keena kuwo isaga la mid ah ama ka aqoon badan.
  1. In uu yahay qof dhorwsan oo aan ka qayb qaadan , dagaalkii sokeeye , midka gudaha baarlamaankii hore ka jiray , awoodna u lah ka helo ogolaansho , inuu hashiis nabdadeed ka keeno dowladaha dariska ah isagoo u noqon kabaqaade cadow shisheeye.   Dhamaad

    Wabilaahi toowfiiq 
     

Hussein Abdikarim Axmed-gendisch

Gendisch@aol.com

Raleigh, North Carolina, USA

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS