SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

Haweenay Muddo 17-Sanno Kooma kujirtay oo dowladda Talyaaniga ay qorsheysay In nafta laga jaro oo dood ka taagan

Dalka Talyaaniga ayaa soo saartay go''aan deg deg ah oo looga hor-tagaayo halis soo wajahday haweenay muddo 17-sanno ah kooma kujirtay, iyadoo ila iyo waqtigaasna lagu quudin jiray faleebo.

Sannad-kii 2008 ayaa aabaha gabadhan lagu magacaabo Eluana Englaro dhalay, ayaa maxkamada ugu weyn dalkaasi kaga guuleystay in gabadhiisa dhibka loo yareeyo lana dilo, hasse-yashee arrintaas waxaa ka biyo diiday xarunta maamul wanaaga ee dalkaasi Talyaaniga.
.
Dikreetada cusub ayaa sheegaysa in cunada iyo biyaha aan loo diidi karin bukaankan oo uu Aabaheed cod saday in la dhaafiyo nafta iyadoo la sugayo madax weynaha dalka Talyaniga Giorgio Napolitano waxaa u ka oran lahaa arrintan isku cakiran, uuna baahan in xaal loo helo maadaama gabadha aabaheed uu ku andacoonayo in gabadhiisa nafta loo dhiib yareeyo.

Eluana Engalaro waa 38-sanno jir, Iyadoo in muddo ahna iskaga nooleed arrin murugo ah taas oo ahayd shil ay gashay sannadkii 1992. ila iyo waqtigan aysan ka soo reysa.

Odayga gabadhan dhalay ayaa in muddo waqtigiisa ugu ku dhumiyay sidee maxkamada ugu weyn dalka Talyaaniga ay gabadhan dilka ugu fududeyn lahayd, maadaama gabadhan ay sida ay iminka ku sugan tahay uu dhaami lahayd in nafta loo fududeeyo.

Sannadki 2008 ee aaynu ka soo gudubnay ayaa maxkmada dalka Talyaaniga ay xugmisay in dhaqaatiirtu ay hakad galiyaan qudiinta gabadhan in muddo ah lagu soo waaday, sidee ay nafta ugu fududaato.

Si kastaba ha ahaatee Maxmakada dalka Talyaaniga ayaa go''aan deg deg oo ka duwan, go''aan kii ay hore soo saartay dib uga noqotey iyadoo dowlada ay sheegtay in gabadhan aan cunada loo diidi karine islamarkaana weli lagu soo baxnaaniyo Cusbitaalka.

Halkan ka akhriso Warbixintan oo faah-faahsan kuna qoran Ingaliish

http://www.google.com/hostednews/ap/article

Hassan YeeY
koonfur-Africa-Johannesburg
Email;- yeey18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS