Mawaaqifta Culimada iyo marxaladdan kala Guurka. Qore: C/kariim
Xirsi Salaad
Ummad kala didsan oo wada damqanaysa, dhaqtarkii daweyn ahaa xitaa
way dagaalaysaa.
Anigu Culimada mid baan ku dhaliilayey laakiin waa mid ka duwan tan in
badan dadku ku eedaeeyaan iyo in ay cid u xagliyaan.
Laakiin waxaan leeyahay ummaddu way u hanweyn tahay cid muctabar ah oo
dowrkooda ku haysataana maanta ma jirto ee arrin iyaga looga marti yahay
yaysan cid marti uga noqon.
Waxaan qabaa maanta waa marxalad taariikhi ah, Ummaddana fursad baa hor
taalla, haddaan maanta laga faaideynna barri jiri mayso. Waxaan muuqata
in aad jeceshihiin in waqti lasiiyo waxan jbuti lagu soo sameeyey.
Dhanka kalena waxa iyana sidaasoo kale qaba in alla iyo intii inoo
cadoga ahayd, ahaaftuna waa inoo kala duwan tahay.
Waxay inaqu dayeen xoog iyo awood, Ilaah baana inoo hiilliyey. Hadda
tani waa qorshahoodii 2aad ama plan B. Hadafkuna waa isla kii ay qoriga
iyo awoodda ku waayeen.
Dhanka kale inaguna hadaf iyo ujeeddo ayeynu u dagaallameynay muqaabil u
ah midkaas ay doonayaan. Haddii kale waxay noqonaysaa in aynu isku meel
wax ku wanay laakii aynu isla fahmi weynay haddana aynu isku soo dhacnay,
taasina dabcan waalli iyo miyir qab toona sax kuma ahan. Waxaa haray oo
kaliya in aan dhahno waxaas oo dhan waan ognahqay, laakiin maxaa inoo
diidaya in aan danteenni iyo hadafkeennii ku gaarno sida iyaguba ay
doonayaan"nimba dhan u badi".
Waxaan filayaa fikirkan ayaa ugu dhow in mawaaqif fara badan oo saaxada
ka muuqataa ay salka ku hayaan, waxaanan is leeyahay Culimaduna fikir
ahaan kama foga (FG. ma qabo in Shariif, Janaqow iyo Daahir M. Geelle ay
leeyihiin maslaxad tan reerka iyo qabiilka sidaa uga durugsan,
doodahooda iyo fagaare ka hadalkooda ayeyna in badan ku cabireen). Si
kastaba ha ahaatee, waxaa la oron karaa fikirkani maahan mid ku salysan
dhab iyo waxa jira, sababtuna waxay tahay:)
1- Labadii hadaf ee lakala lahaa waxaa nidaamka shariif u dhow yahay kii
Itoobiyaanka iyo xulafadoodu doonayeen, waana nidaam calmaani ah oo
laakiin shareecada la ina maqashiinayo in ay ugu dambaynta "markaan
miyir sanno ku gaarayno" waxaad mooddaa in ay ina leeyihiin Maraykanka
iyo Itoobiya "hadda xayraan ayaad tihiin oo haddii shareecada aad ka
bilowdaan waad ku xad gudbaysaan samaaxada shareecada, dadkana in aad
nacsiisaan baan idiinka baqaynnaa" waana waxan jirin. dastuurka sheekhu
ku dhaartay in uu dhowrayona waa kii uun C/hi Yuusuf aynu ku diidnay,
hebellana ilama ahan in ay macno kala leeyihiin maadaama Sharcigoodu mid
yahay.
2- Qolada kale waxay haysataa awood iyo imkaaniyaad dhaqaale, aqooneed
iyo mid millateri iyo waliba doonitaan dhab ah oo u saamaxaya in ay ku
hirgashadaan barnaamijkooda keennana ku baabi'iyaan. dhanka kale innagu
intaa midna ma haysanno, xittaa doonitaankeennu marka kooda loo eego waa
tamanni iyo lab lakac aan sii qoto dheerayn, waxyaalo badan oo
tilmaamayana waa muuqdaan. Intaa waxaa dheer, taariikhda muqaawamaadka
ee casriga ah, mar kasta oo ay guushu (caskariyan) soo muuqataba
dagaalka siyaasadda ayaa kar-kaarka lagu wedaariyaa oo lagaga taqallusaa.
3- Khaladka kale ee uu fikirkaasi salka ku hayo waxaa weeye: innagu
waxaan u dagaallamaynay in aan xabashida dalka ka saarno iyo in sharciga
Ilaahay dalka laga hir galiyo, haddii kale been baynu waligeen
sheegaynay, khalqiga intaa le'egna dhibka soo gaaray waa in la inaga
xisaabiyaa oo Heeg iyo xero hoog la ina horgeeyaa. Maadaama aysan sidaa
wx u jirinna hadafkii shareecaduna uu maanta ugu dhow yahay labadii sano
ee u dambaysay in la ij-haadiyo oo la dhiciseeyo ma ahan dowgeennu.
Mararka qaarkood talada iyo go'aammadu waxay ka dhashaan saamaynta
xaalad markaa jirta, daruurina ma ahan in taladaasi ama go'aankaasi sax
yahay.
Waxaa jira falsafad la sheegi jirey laguna eedayn jirey Al-qaacida in ay
aaminsan tahay in aanay maanta suurto gal ahayn in dowlad Islaam ah
caalamka ka hirgasho inta Maraykan ku amar ku taaglaynayo, tusaalana
waxay u soo qaataan dowladdii Taalibaan iyo sidii loo riday. Sidaa
awgeed baa falsafaddaasi ku qotontaa in aan dowlad dhalin la isku
mashquulin ee maraykan daalin la wado. Isla fikirkii ayaa waxaa si cagsi
ah u qaatay Janaqow iyo raggiisa oo waxay leeyihiin maraykan wax uusan
raalli ka ahayn maanta lama hir galin karo, sidaa awgeed waa in aan
yeelno waxa uu rabo si aan u jirno. Nasiib xumana waa falsafadda uu ku
qotomo fikirkii aan kor kaga soo dooodnay. Shakina kuma jiro in labada
dacalba ay khaldanyihiin. Waayo waxay labaduba khilaafsan yihiin sunnada
allah ee kowniga ah iyo tan sharciga ahba. Shuruudaha Allaah uu u
dajiyey in uu addoomadiisa ugu gargaarayona midna kuma salaysna.
Walibana garta looma sinna e, labada qolo waxaa fasafad khatarsan kuwa
dambe oo iyagu oo ogaal iyo ogaal la'aanba safka maraykanka ku biiray.
Haddaba maxaa inala gudboon:)
§ Waxay iigu muuqataa in culimadu dowr intaa ka weyn oo u bannan baa
jiree ay soo buuxiyaan.
§ In ay arrinta ookiyaalo kuwa ay hadda xiran yihiin ka waaweyn ku
eegaan.
§ In Bulshada gaar ahaan muqaawamuna ay u dhego nuglaadaan culimada
daacadnimo iyo nasiixana aysan kala bakhaylin.
§ Culimada iyo Muqawamada oo wada jirana ay diyaariyaan barnaamijkii ay
ummadda iyo dalkaba ay ku hagi lahaayeen. Taa oo micnaheedu yahay in ay
dhisaan dowladdii dalka hoggaamin lahayd xitaa iyaga oo aan xafisyo
lahayn amaba aan meelna haysan.
§ Kalsooni iyo mabaadii' cad cadna lala soo shirt ago.
§ ugu dambayntana in Allaah la talo saarto.
Waxaa qoray:
C/kariim Xirsi Salaad
abduulkaariim67@gmail.com