SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Jawaab kusocota C/waaxid Khaliif

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato

Cabdiwaxidoow waan arkay qoraalkaaga, waxuuna iigu muuqdaa mid fekerka dad badan ka soo horjeeda. Waa midda koowaad waxaad daaqadda kala baxday Culumadiii Musaalaxada ee soomaali oo dhan isaga timid, go’aanna kasoo saray xaaladda dalka adiga oo kala mid dhigay Amisom iyo Ashahado la dirir. Runtii xaaladda dalka hadba waxaa ay soo maraysey heerar kala duwan, waxaase ugu wanaagsanayd 6dii bilood ee Maxkamadaha. Kadib Markii ay soo galeen Ciidamada Itoopiya waxaa loo wada guntaday laguna midoobay in dalka laga saaro, iyadoo siyaasad iyo dagaalba aan loo kale reebin. 

Qoloda uu Madaxweynaha Hogaaminyey ee Jabuuti waxaa ay kusoo guulaysteen in Beesha Caalmaka ka dhaadhiciyaan in ay ciidanka itopia dalka ay ka baxaaan, halka Mujaahidintana kuguuleysteen in aad iyo aad ay u xanuunjiyaan cadawgii itoopiya 2daas dadaal dartoodna ay isaga baxaan dalkii.
Markii hore waa lagu midaysnaa Bixinta Ciidanka Itopia, lakin qolo kasta waxaa ay wadatay qorsho ugaar ah, taas oo soo shaacbaxday kadib markii ay baxday Itopia. Adiga Cbadiwaxid ahaan muqaawamada wixii kula fakir ah waxaad ku kicisay in ay laayaan xubnaha Jabuuti ee dawladda runtii sida warkaaga ka cad waxaadba qalinkaaga ku dishaa kulana dagalaanta shacabka ku nool muqdisho adiga oo qeyb ka qaata gumaadkooda. Waayo waatii uu horey u yiri Abwaan “ Afka waxaa uu la xoog yahay magliga xawda kaa jara e “

Weliga inta aad wax qoraysey bal isfiiri kama aadan shaqeyn nabad,waxaad un qortaa colaad hurin, adiga oo markasta isxijiya dhanka Negative-ka.
Umalayn mayo shaqsi ama dawlad dhamaan wadatoosan in la arkayo bal u fiirso Anas Bin Maalik markii looga dacwooday xajjaaj waxaa u yiri “ Inta uu Tukanayo faraha ka qaada, seben ma jiro ilaa midka ka danbeeyo ayaa ka shar badan e “ . Adigoo awoodo in dawladda qaladaadkeda faraha badan aad dadka u ufiso sida saxiixa badda, ciidamada shiiye saaristooda, hirgelinta shareecada islaamka, in aad dadka ku kiciso oo aad dhahdo dawladdu waa gaalo ee ha la laayo, bal u fiirso qoralkaaga kadib inta qof ee Muhiimah ahaa ee lagu dilay fekerkaaga iyo dadkii kula qabo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ay iila muuqataa inaad alle ooga cabsato oo aad joojiso qoraalka aad isaga horkeenayso shabaabka iyo culumada iyo garabkii jabuti ee dawladda wax kas soo dhisay oo dhammaantood kawada mid ahaa Muqaawamada, ogawna in dhiigii ku daato sababtaada aad qeybtiisa ku leedahay. Waxaana horey loo yiri “ Qofka wax Dulmiya waa uu ka shalaayi doonaa …. Dadkuba ha ammaanaan e “ “ Athaalim Yandim … Wa in madaxa hunnaas “ Midda kale ogow in maanta ay dagaalamaan dadka aad isku soofaynaysid ay ka fiican tahay in ay heshiiyaan heshiiskoodana laga wada shaqeeyo waatan uu alle leeyahay “ Wassulxu Kheyr”.

Waxbadan ayaan wax soo dhisnay welina ma hirgelin sidii wax loo dumiyo waa la yaqaan laakiin sida wax loo toosiya loona hagaajiyo hala barto iyadana. Waxaa dhib ah oo aan aadna uga xunnahay in maamulkii islaamka ee kismaayo iyo kii shabaabakaba isku haytaan arrimo xagga maamulka ah. Marka laftooda sidee ayey u qaban karaan maamul midkaa kasii weyn, saw ma qumana midka aan hadda haysanno ee dawladda ah inaan isla dhamaystiranno wixii khalad ah hadba xabad saxno, ilaa aakhir ka wada saxno, mise waxaa kula gudboon inaan duminno dad haddaba ishayta ku tashanno.

Cabdiwaaxidoow hadan su’aal yar ku weydiiyo markii hore waa lawada midaysnaa, haddase sida aad la socoto waa lakala baxbaxay, Alshabab, Raaskambooni, Caanoole, Culumada Musaalaxada, Guddiga Culumada, Golaha Hawiye, Dawladda Midnimada Qaran qeybta dhanka Jabuuti, Midawga Maxkamadaha, Xisbul Islaam A, Xisbul Islaam B, waa inta diin iyo dadnimo laga urinayee garabkee ayaad usoo jeedinaysaa in Bulshada ay raacdo Maamulkana uu qabto, ileen diinta iyada isma waddo e????

Muqaawmada waxaad usoo jeedisay in ay afgembiyaan maamulka lagu dhisay Jabuuti………Maxad kula dardaarmaysaa Muqaawamadu in ay kula dhaqmaan Maamulada Somali Land iyo Punlnad?? Culumadii musaalaxada waxaad kalama mid dhigtay kuwii Andulus ama spain ee markii la qabsanayey ka doodayey Naag haduu gar usoo baxo ma la xiirayaa mise lama xiirayo?? Waxaadna ku tilmaantay kuwa la dhinac ah Amisom markaa Culumadee ayaan warkooda qaadannaa oon raacnaa??? 

Dagaalka aad iclaamisay ee u dhaxeeyaa  MMI + Dowladda Garabka jabuti + Xisbul islam B oo dhinac ah iyo Alshabaab + Xisbul-islaam A oo dhinaca kale ah. Ma la dhihi karaa waa Jihaad. Mise waa xarubul Fitna.??? Hadda shalay waa dagaalameen 3 kuwa hore ah mid kuwa danbe ah ayaa ku dhintay ?? xukunkooda waa maxay yaan weydiinnaa ? Almuhiim yaa culimo noo ah oo aan usha u dhiibannaa ??? warkooda qaadannaa ??? soomaali waa istaqaanaa ee soo caddee culumada ay bulshada raacayso. 

walaalkeey Cabdiwaxid yuusan iga xuman isaga ayaa yiri qofkii wax ka qabo ha kasoo jawaabo e

Gaboobe Cali 
gaboobecalinuur@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: