Dawladnimo iyo Dagaal Oogayaal
Diineed Mid Doorta
Marka laga hadlayo bulsho dawlad
la’aan ah, in badanna kujirtay fawdo, baahi, dil iyo dagaal joogta ah, qax,
qoxootinimo, bara kac iyo macaluul joogta ah, dadka maskaxdooda waxaa usoo
degdega Soomaaliya. Dhibaatooyinkan kor kuxusan waxaa keenay markay burbureen
ama aan burburinay hay’adihii dawaladda Soomaaliya. Hadda waxaa jira fursad
ah in dib loo yagleelo hay’adaha dawladda, si loo soo celiyo qarannimada
Soomaaliya, loona soo afjaro dhibaatooyinkan ragaadiyay bulshada Soomaaliyeed.
Si looga gudbo dhibaatooyinkan
dheeraaday ee wajiyada badan leh, waxaan siinayaa talooyin xoogagga
iskacaabinta Soomaaliyeed ee sutida uqabtay duulaankii gardarada ahaa ee
nidaamka Meles Zenawi kusoo qaaday Soomaaliya. Dawladda Midnimo Qaranna waxaan
siinayaa talooyin, bulshada Soomaaliyeedna waxaan siinayaa talooyin.
Xoogagga dawladda kasoo horjeeda ee magaca diinteena Islaamka ee qiimaha badan
wata waxaad moodaa in ay leeyihiin dhaqankii dagaal oogayaalkii hore ee ahaa
“xabad iyo qori baa xal ah”. Xoogaggii Itoobiya ladagaalamay ee ku qasbay
in ay ka cararto Soomaaliya, qaybta qorshaha nabad raadinta iyo dib
uheshiisiinta ogol ma’ahee qaybta kale ee diidan dib uheshiisiinta, xabad
joojinta iyo wadahadalka waxaa laguboon inay labadan jid midkood raacaan: midi
waa wadada dawladnimada loomaro, tan kalana waa wadada Dagaal Ooganimo Diineed
loomaro. Labadan jid, midi waa wadada guusha iyo qaran soo celinta, tan kalana
waa wadada sii burburka, baaba’a iyo bohol uqodidda bulshada Soomaaliyeed.
Wadada dagaal ooganimo loomaro waa jid dheer oo dhib badan, oo isku murugsan
oo aan waligii dhamaanaynin, guulla laga gaadhaynin, kan dawlad nimada
loomarana waa mid ka gaaban, kana dhib yar wadada dagaal ooganimada. Waa jid
meel layaqaanno usocda, lana gaadhi karo, natiijaduna ay tahay nolol, nabad
iyo nagaansho waara.
Wadada Loomaro Dawladnimo:
- Wadahadal iyo dib uheshiisiin
ogalaansho
- isutaansul
- dhaleecayn fayoow (constructive
criticism)
- Ilaalinta danta guud
- ka danqashada ama
kadhiidhiyitaanka dhibaatada bulshada
- ogolaanshaha aragtiyada kale
- ogolaanshaha in xukunka lawadaago,
dhibaatadana isqancin lagaga baxo
- garashada ama kasidda inaan
dagaalada Soomaaliya lagu kala adkaan karin
- garashada xaaladda ka jirta
Soomaaliya, Geeska Afrika iyo Aduunka
- la imaanshaha qorshe iyo
istiraatiijiyad cad oo leh mid dhaw iyo mid fog si loo soo afjaro fawdada
dheeraatay
- abaabullidda qaybaha bulshada oo
dhan iyo dhisidda hay’adaha dawladda (mobilizing the society towards
measurable and achievable goals and the institutional building)
Wadada Loomaro Dagaal Ooganimo
Diineed iyo Dabeecadaha uu Leeyahay Dagaal Ooge Diineed:
- wadahadal ogolaansho la’aan (wadahadal
diid)
- gaalaynta dadka kaa aragtida duwan
- u’aragga dadka kaa aragtida
duwan in aynan Muslimiin wanaagsan ahayn
- fududaysiga dilka
- fasirka diinta sidaan anigu u arko
kaliya ayaa sax ah
- cabudhiska iyo cabsi galinta dadka,
gaar ahaan aqoonyahanada, wax garadka, hogamiyayaalka dhaqanka, dumarka
iyo culimada diinta
- waxyaabaha aan muhiimka ahayn oo
xooga lasaaro (sida xusidda mawliidka oo lahoristaago iyo xabaalaha oo
laburburiyo)
- xaafado qabsasho iyo aagan anigaa
xukuma (kataliya)
- ka danqasho la’aanta dhibaatada
iyo rafaadka haysta bulshada (sida, qaxa, cunto la’aanta, biyo
la’aanta, hooy la’aanta, daawo la’aanta iyo rajo baabi’inta)
- dagaal ku degdegid iyo wadahadal
diidid
- in aan isu arko aniga kaliya in
aan saxsanahay dadka kale oo dhanna ay qaldanyihiin
- danta guud oo laga hormariyo danta
gaarka ah ee qofka iyo kooxda
- badinta eedaynta, far ku fiiqidda,
shakiga iyo shir jaraaid qabashada si la’iibarto
- garasho la’aanta xaaladda ay
Soomaaliya iyo caalamku marayo maanta
- rayadka iyo xaafadaha dhexdooda ku
dagaalanka in lagu magacaabo jihaad
- in Muqdisho oo nabad ku seexatay
seqda dhexe hoobiyayaal iyo gantaalo lagu gaaraco, kadibna shir jaraaid
laqabto oo lagu doodo cawgii Ilaahay iyo ciidamo shisheeye ayaan
ladagaalamaynay, kadib markay dagaalka ku nafwaayeen ama ay ku dhaawacmeen
boqolaal rayad ah
- in aan dad nabad ku baryay/ku soo
toosay gantaalo lagu garaaco, la laayo, dhiigooda la daadiyo, sababna loo
noqdo dad aan dambi galin in lagumaado, gantaalo habaw ahna guryahooda ku
habsadaan, masuuliyadda dilkoodana cidna aynan qaadanin, waxa lagu
hadlaana uu noqodo oo kaliya “jihaadka waan siiwadeynaa”
- in dawladda lagu eedeeyo inay
ciidamo shisheeye ku hayso dalka, laguna faano waxaa noo yimid walaalo
Muslimiin ah oo ajnabi ah oo mujaahidiin ah, kuwa noo imaan doonana waan
soo dhawaynaynaa
- Musliimiin isdirirtay in lagu
faano oo layidhaahdo cawgii waan jabinay, cadawgii Ilaah baa guushii naga
siiyay
- badinta erayada jihaad,
mujaahidiin iyo shareecada ayaga oo aanan midna macnahooda dhabta ah
garanaynin, aqoonteedana lahayn.
- Waxaan sifiican u aqaanaa (hadaan
ahay dagaal ooge diineed) sida dagaalka, rabshada, dilka iyo cabsida iyo
argagaxa loo sii wado, loona abaabulo, ma aqaano, qorshaheedana mahayo
sida nabadda loosoo celiyo, bulshadana qalbigeeda loo hanto iyada oon
waxba xoog lagu marsiinin
- ku badinta carabka dagaaalka waan
sii wadaynaa, dagaal baan diyaar unnahay, iyo ka ilaalinta carabka nabada
waan soo celinaynaa, nabad baan diyaar unnahay.
- ruux aan dabmi galin ama aan dambi
lagu cadeynin intii la gawraco sida xoolihii in layidhaahdo waxaan dillay
munaafaq, gaal, jaajuus, cadawgii Ilaahay iyo wixii lamid ah
- waxyaabaha dhabta ah (realities)
ee jira oo laga boodo
- aniga oo xaafad xaafadaha Xamar
kamid ah haysta, dhawr tignika ahna wata in aan isu arko in aan ahay qofka
ugu awooda badan aduunka
- in aan umaleeyo xidhashada
cumaamadda guduudan ee bariga dhexe laga xirto iyo surwaalka Hindida iyo
Pakistanidu ay xirtaan in ay yihiin labiskii diinta Islaamku nafartay in
laxirto
- ku dayashada nimanka buuraha
Afqaanistaan ku dhuumanaya iyo kuwa Ciraaq ka dagaalamaya, sida
gowaricidda dadka, qarxinta suuqyada, argagixinta bulsho nabad kusoo
toostay iyo dilka dad aan wax dambi ah galin
- waxaan khabiir ku ahay, in dadka
la karbaasho, muranka, ka doodidda arimaha diinta aniga oo aanan aqoon
ulahayn iyo badinta erayada “waa xaaraan, waa gaal, waa murtad, waa
faasiq, waa jaajuus, waa mulxid, waa cadaw Ilaahay, waa cilmaani”
- waxaan ku caan baxay khabiirna ku
ahay qori ku hadalka (qori ku dagaalanka)
- waxaan ku xumahay, rabinna, kana
gaca jiidayaa wadahadalka iyo xabad joojinta
- waxaan ka dhago la’ahay dawladi
waxa ay tahay, sida ay dawladi ushaqayso, wada shaqaynta, wada hadalka,
maamul samaynta, nimaadinta, isdhexgalka bulshada, isutaasulidda, iyo la
imaatinka istiraatiijiyad fog si looga boxo fawda dheeraatay
- waxaan caan ku ahay aragti gaabni,
fududi, khibrad yari, aqoon yari iyo islawayni ismana ogi (ma garanayo in
aan sidaas ahay)
- waxaan caan ku ahay tayda umbaa
sax ah
- waxaan caan ku ahay cunidda
kaalmada gaaladu keento, waxaa kale oo aan caan ku ahay eedaynta galaada
oodhan iyaga oo aanan lakala reebin
- waxaan caan ku ahay waxaas iyo
waxyaabo kale
Dawladda Maxaa Lagudboon/Laquman?
Maa daama ay hay’adiihii dawladda
Soomaaliya oo dhan burbureen waxaa dawladda looga fadhiyaa inay geed gaaban
iyo mid dheere ufuusho, talaabo kastana uqaado sidii xoogagga kasoo horjeeda
miiska wadahadalka loo keeni lahaa, looguna qancin lahaa dagaal sii socda in
aynan bulashada Soomaaliyeed wax dan ah ugu jirin. Dawladda waxaa looga
baahanyahay in ay afar aag ka howl kagasho, si loosoo celiyo kala dambayntii,
iyo hanaankii dawladnimo. Afartaa aag oo kala ah: dib ushiisiinta, dardar
galinta ciidanka dawladda, wacyi galinta bulshada iyo taageero dhaqaale
uraadinta barnaamijyada dawladda.
Dawladdu waa inay ku talaabsataa dib
uheshiisiin qorshaysan oo joogta ah. Dawladdu waa inay diyaar unoqotaa in ay
lahadasho qof kasta iyo koox kasta, dawladdana laga qayb galiyaa kuwa qaata
nabada joojiyana colaadda. Did uqaabaynta iyo qalabaynta ciidanka qaranka waa
in ay noqotaa laf dhabarta barnaamijyada dawladda, si loo helo ciidan suga
nabada iyo kala dambaynta. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah abaabulka iyo
wacyi galinta bulshada, gudo iyo dibadba. Dawladdu waa inay qorshadeeda ku
saaban dib uheshiisiinta iyo guud ahaanba barnaamijyada kale dadka usheegtaa,
ka codsataana inay dawladda isgarab taagaan, taageeraan, lashaqeeyaan,
kaalmeeyaan lataliyaan, si siwada jir ah dawladda iyo bulshadu gacmaha isu
qabsadaan, si dhibaatada culus ee jirtana siwada jir ah looga gudbo.
Xoogagga Dawladda Kasoo Horjeeda Maxaa Lagudboon?
Xoogagga dawladda ka soo horjeeda
waxaan kula talinlaahaa inay sifiican indho dheer ugu eegaan dhibaatada dawlad
la’aanta ah ee Soomaaliya ku habsatay 18-kii sano ee lasoo dhaafay.
Bulshadeenu maanta dhiig joojin bay ubaahantahay ee dhiig daadin uma baahna.
Dib udhis bay ubaahantahay ee burburin uma baahna, dib udajin bay ubaahantahay
ee barakac iyo qax horleh uma baahna, dawlad iyo kala dambayn bay ubaahantahay
ee fawdo, dagaal ooganimo, duqayn aan dhamaan, dil joogta ah iyo dad macaluul
udhimanaya umabaahna. Jihaadka dhabta ah ee ay tahay inay qaadaan kooxaha
kasoo horjeeda dawladda waa jihaadka did u heshiisiinta, nabadaynta, dhiig
joojinta, macaluul baabi’inta iyo qarannimo soo celinta. Hadii aad
ogolaataan qorshaha nabad raadinta, ka qayb qaadataan did uheshiisiinta,
joojisaan dhiiga daadanaya iyo dilka, qorshaha qarannimo soo celintana aad
taageertaan, bulshada Soomeeliyeed abaal aad uwayn bay idiin hayn doontaa,
taariikhdana baal dahab ah ayaad kagalaysaan, Allaah na ajir aad uwayn buu
idinsiin. Aduun iyo aakhiraba waad guulaysanaysaan, maxaa yeelay bulsho
burburtay oo 18 sano dagaalo ku jirtay ayaad qarannimo soo celinteeda kaalin
weyn ka qaadateen, magaca Soomaali-na korbaad uqaadeen. Hadii aad wadadaa
mariwaydaan oo idinka oo magac diineed wata dagaal oogayaal u xuubsiibataan,
halis hor leh oo aan la qiyaasi karin baxaddeeda oo isugu jirta faragalin
shisheeye oo hor leh, dagaal sokeeye oo hor leh oo udhexeeya kooxo magac
diineed wata oo dhamaan magacooda uu kujiro magaca Islaam, koox kastana kooxda
kale gaalaysiinayso, koox kastan sheeganayso inay iyadu xaqqa ku taagantahay,
macaluul joogta ah iyo burbur hor leh ayaad dalka iyo bulshada usoo jiidaysaan.
Meeshaas waxaa ku baabi’i magacii diinta Islaamka, magacii culimada iyo
magacii Soomaali nimada.
Bulshada Soomaaliyeed Gudo iyo
Dibadba Maxaa Lagudboon?
Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo dadka gudaha dalka ku nool labada waxaa looga
baahanyahay inay taageeraan qorshaha nabadda, u ololeeyaan isgarab istaagaanna
qorshaha nabad raadinta, abaabulaanna malaayiinta nabadda u ooman ee iska
aamusan ee aanan haysanin fursad codkooda ay ku maqashiiyaan xoogagga wali
gantaalada dadka ku garaacaya. Waa inay codkooda ku biiriyaan codadka isa soo
taraya ee nabad raadinta iyo dib uheshiisiinta ku baaqaya. Cod wada jira waa
in aan ku dhahnaa, dagaal diidnay, nabad doonnay. Dagaal ooge diin sheegan oo
nabad diid ah diidnay, dawladnimo doonnay. Duqaynta dadka diidnay, dadaalo
wadahadal iyo dib uheshiisiin doonnay. Dhiig daata diidnay, nin aan danta
dadka doonaynin diidnay. Duqaynta Xamar diidnay, daris walaalo ah oo nabad ku
dagan doonnay. Dalkeena oo nabad ah doonnay, dagaal sokeeye diidnay. Diidnay,
diidnay, diidnay, dhiig daata diidnay. Diidnay, diidnay, diidnay, duqayn aan
dhamaan diidnay. Diidnay, diidnay, diidnay, dawlad la’aan diidnay. Diidnay,
diidnay, diidnay, dagaal aan dhamaan diidnay. Doonnay, doonnay, doonnay,
dalkeena oo nabad ah doonnay. Doonnay, doonnay, doonnay, dawladnimo iyo
dadkeenoo nabad ku degan doonnay.
Sadiiq Yuusuf
Email : soomaali100@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009
|