SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 

Burcad badeeda oo gool ka dhalisay caalamka, guulna u soo hoyisay Soomaaliya.

Waxaa hubaal ah in aadanuhu ku socdo barnaamij xeeladaysan kaas oo uu ahdaaf dhow iyo mid dheerba inuu ku gaadho rabo, laakiin qofkii aaminsan inuu jiro abuure aqoon badane ah waxaan marna shaki ka galayn in awood badanahaasi uu leeyahay qorshe ka wayn kan aadanaha, leeyahay junuud iyo askar kuwaas oo mararka qaar laga yaabo inay ka fajaciso caqliga aadahana ee awooda yar, balse waa hubaan in Eebe adoomihiisa mid aaminay iyo mid caasi ku ahba u adeegsan karo hadba siduu doono.

Hadaba akhristow inta aanan ka hadlin dulucda cinwanka waxaan dib u yara jaleeci doonaa taxane an ugu yeeray WAXAA IDMANAYD, taas oo aan uga danleeyahay inay horudhac u noqoto qormada maanta, xusuus iyo taariikhna u noqoto inta garaadka iyo garashada u saaxiibka ah, yaqiina iyo burhaana u noqoto awooda Eebe iyo mucjisooyinka junuudihiisa kala duwan.

Waxaa Idmanayd:

Waxaa idmanayn in Dowladii sadexda Xaraf ee (TFG) lagu soo dhisho Kenya, waxaa kaloo idmanayd in Maraykan xagal daacin ku sameeyo TFG isagoo adeegsaday dagaal oogayaashii Muqdisho kuwaas oo dagaal indho laàan ah ku qaaday maxkamadihii huwanaa magaca Islaamka, waxaa talaabadaas ciribteedii noqotay dhamaadkii dagaal ooge iyo bilowgii Maxkamadaha.

Waxaa kaloo idmanayd in Maxkamadaha hoostooda ay ka dhalato awood dahsoonayd taas oo lagu magacaabo Al-Shabaab, Al-Shabaab iyo rag kale oo magaca maxkamadaha ku qaraabanayay sida Indhacadena goodin iyo caga juglayn ku  aadan TFG iyo Itoobiya sameeyaan, dabadeedna weerar ku qaadaan Kismaayo, Balidoogle iyo Buur-Hakabo,  talabaadaas ciribteediina waxay noqotay Xabashi oo udbaheedii iyo dhigaheedii wadata inay soo gasho Soomaaliya cagtan mariso maxkamadihii, TFG oo gabaad ka dhiganaysa Ciidanka Itoobiyaankuna isku baahiso koonfurta Soomaaliya, awoodii maxkamadahana meeshaas lagu wiiqo. 

Waxaa idmanayd in hogaankii maxkamaduhu dalka ka cararaan una baxsadaan Casmara goobtii dagaalkana u baneeyaan Al-Shabaab , talaabadaas oo ciribteedii noqotay inay ka faaìidaysatay Al-Shabaab sidaasna awoodoodii ku soo shaac baxday. 

Waxaa idmanayd in TFG hogaankeedii is khilaafo, taas oo ciribteedii noqotay, Cabdulaahi oo iscasilay iyo Itoobiyaankii oo baxay. 

Waxaa idmanayd in shirka jabuuti dhaco, maxkamadihii iyo wixii ka soo haray TFG maamulkeedii oo uu hogaanka u hayo Nuur caddena heshiis ku kala saxiixdaan Jabuuti, taas ciribteedii noqotay in Shariifku is sharaxo (heshiis hoosaadkii isaga iyo Nuur Cadde dhexmaray oo ahayd inuusan is sharaxin 2 Sanno ee TFG loogu darayna ka baxo) sidaasna Nuur Cadde iyo lataliyihiisii khaaska ahaa Axmed Cabdisalaan shaqo laàani ugu dhacdo, godkii ay qodeena ku dhacaan, guushiina sidaas ku raacdo Shariifka iyo Xertiisiina oo la wareegaan hogaankii Dowladii TFG.

Waxaa idmanayd in Burcad badeedu laba jibaarto weeraradooda, iyagoo af libaax galay kadib markay Maraykan maraakiibtiisii iyo muwaadiniintiisii afduubteen, taas oo ciribteedii noqotay in suxufiyiintii caalamka oo war ka dhigtay burcad badeeda Soomaaliyeed, dood, sharaxaad badan , waraysiyo khubaro, shirar dowladeed kadinba sadex guulood oo aan la filayna u soo hoyatay Soomaali oo idin sida:

  1. In caalamkii garowsaday dhibaatada lagu hayo Soomaali sida in badooda lagu aaso qashin sun ah, in khayraadkooda badeed si sharci daro ah lagu xaalufiyo.
  2. In Caalamkii garowsaday in hadii aan Soomaliya dhibaatada ka jirta bariga wax laga qaban inaan laga guulaysan Karin dhibaadada burcad badeeda
  3. Iyo in dowlada dhexe iyo mida goboleed ee Puntland loo fidiyo taageero dhaqaale, farsamo iyo ciidanba.

Waxaase nasiib daro ah in Dowlada taagta daran ee Muqdisho ku go`doonsan ay maanta u goodido ragga guushaas u soo hoyiya, ragaas oo badeena in qashin lagu shubo ka hortaagan maafiyada Yurub iyo Aasiya, ragaas oo in khayraadkeena la xaalufiyo hortaagan taas oo sababay in sicirkii kaluunka Tuunadu uu 40% kor u kaco, ragaas oo in Soomaaliya dowladeeda la garab istaago caalamka sandulaha uga keenay.

Waxaa nasiib daro ah in dowladii looga fadhiyay dib u heshisiin, dib u dhis, soo noolaynta adeegyadda bulsho, difaaca bad iyo beriba ay isku badashay koox dulaalay ah, kuwaas oo xaraash ku dhufatay baddii Soomaaliyeed, ogolaato murana gelisay Qalfoofka qaaradeed (continental shelf) ee badda Soomaaliya ku fadhido. 

Marka waxaa iswaydiin mudan yaa istaahila amaan, yaa u dhow wadaninimo, yaa u taagan difaaca qaranimada Soomaaliyeed, yaa soo hoyiyay guul.  Ma ragii masuuliyada iyo mansabka loo dhiibtay oo isku bedelay dulaalayda saxiixa ku duugay hantidii, khayraadkii iyo aayihii dalkaa, mise raga iyagoo aan cidina dirsan isxilqaamay, iyaga oo ana cidana mushahaar iyo mansab midna lagu siin u istaagay ilaalinta, difaaca iyo daryeelka hantidii, khayraadkii iyo aayihii dalkaa mudan amaan.   

Waxaan qabaa guusha ay soo hoyiyeen Burcad badeedu waa mid taariikhda Caalamku xusi doonto, waa talaabo in si taxader leh loo miisaamo istaahisha, waa rag in la soo dhaweeyo mudan, waa rag in wixii ay ku khaldan yihiin laga saxo mudan. 

Fiiro Gaar Ah:  Marna difaaci mayo in maraakiib shacab iyo shixnadeed la afduubto, laakiin hadana waxaan indhaha laga saaban Karin dulmiga qashin shubka iyo bililiqada isugu jira ee lagu hayo badaheena, waxaan damiirka muwaadin kasta oo soomaaliyeed qaadan Karin in dowladii looga fadhiyay difaaca dalka iyo dalka ay wadankii xaraash ku doonayso, waxaan la qaadan Karin dad diin huwan hadana dulaalo isku badalay.

Talooyin: 

  • Caalamku haduu rabo in xal loo helo burcad badeed Soomaaliyeed, waa in xal loo helaa burcad badeeda caalamka ee dulmiga ku haysta xeebaha Soomaaliyeed
  • Waa in dowlad tayo, tacliin iyo tabar leh oo loo dhan yahay la helaa,
  • Waa in Ciidan ka kooban dhamaan Soomali weyn la dhisaa kaas oo  laga ilaalinayo dhamaan gacan ku dhiiglayaasha shacabka xasuuqay, ciidankaasina uu u bataa dhalinyaro, jir fiyow iyo maskax fiyow wadata.
  • Waa in dhalinta Soomaaliyeed  la jiheeyaa, tacliin, xirfado iyo shaqona loo abuuraa, hadii kale mukharibiin dhinacyo kale u jihaynaya ayaa gacanta ku dhigi doonta
  • Waa in dhalinyarda burcad badeeda loogu yeedho maanta loo sameeyaa tababar dhaqan celis, dabadeedna laga dhigaa laf dhabarta ciidanka ilaalinta xeebaha, iyadoo loo dhamaystirayo dhamaan qalabkooda sida doonyaha dheereya, raadaarada, qalabka isgaarsiinta iyo dhamaan aalad kasta oo u saamixi karta dhowrista iyo ilaalinta xeebaaha Soomaaliya  (right man for the right position) maxaa yeelay qofkasta wuxuu istaahilaa shaqo ku haboon, sidaa awgeed cid maanta uga xirfad badan, taatiko badan , geesinimo badan difaaca iyo ilaalinta xeebaha ma jiro.
  • Waa in deegaamada dadka ay saamaysay burcad badeedku talada wax laga siiyaa si loo helo xal waara oo u cuntama jaanibyada kala duwan.
 Farah Aw-Osman 
Ottawa, Canada
awosman@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: