SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Doorashooyinku dhib iyo dheefba waa u leeyihiin Shacabka Somaliland Q-7aad

Xafiiska  cabdi M.Saleiman(Mingiste)    
Baaq Nabadeed
abdi_saleiman@hotmail.com

_________________________________________________________________________________

 

(Doorashooyinka waxaa dib u dhigay Qaraxy,-G.Doorshooyinka,Inter- peac,-Deeq bixiyayaash,Diiwan gelinta,Guurtida iyo Mucaaridka balse wax shaqo ah kuma leh UDUB, Dowladuna waxay taagan tahay yaa mar uu na dhaafiya,sida ugu wanaagsanina waa inaga oo ka wada shaqayna dhamaanteen sidii doorashooyinku inoogu qabsoomi lahaayeen)

Mar kasta waxaad ogaataan in howlaha Doorashooyinku  ay yihiin  howlo  aad iyo aad u dhib badan,marka laga hadlayo qarashka ku baxaya iyo howsha la qabanayo lafteeda,waxaad markasta  maskaxda ku haysaa  Doorashooyin ka dhacay wadan yar oo aan   AQOONSANSI dhaqaale iyo mid  siyaasadeedba   helin ,kuna yaala Qaarada Afrika sida ay ugu  dhib badan tahay howshaasi.Waxaa iyana muhiim ah in aad ogaato in Doorashooyinkii   Somaliland hore u   soo maray,aan wax dhibaato ahi ka dhicin,kuwa soo socdana sidaas oo kale ayaan u rajaynayaa reer Somaliland. 
 
Xilligan xaalada dhabta ah ee dalka ka jirtaa waa xummad Doorasho,haddii aan si kale u idhaahdana waa xummad  Siyaasadeed oo ka dhalatay  Doorashooyinka oo dib uga dhacay xilligii ay hayd in ay qabsoomaan. 

Waxay ila hatay in cid kastaa oo wax fahmi kartaa amase caqli saliima isticmaalaysaa ay ka dheregsan tahay oo fahansan tahay saabta keentay in Doorashooyinku dib uga dhacaan xilligii loo qoondeeyey in ay qabsoomaan.Haddii ay jirto cid aan  ogayn sababta dib u dhaca keentayna, waa cid aad u  caqli gaaban,waa cid aan la socon xaalada Siyaasadeed ee dhabta ah ee ka jirta maanta Somaliland. 

Doorashooyinka Somaliland  in ay dib uga dhacaan xilligii loogu tala galay waxaa u sabab ah amase ay salka ku hayaan dhowr arimood oo kala ah :- 

  1. Mucaaridka oo marar badan la habsaamay in ay si dhaqso ah u soo magaacaabaan xubihii laga sugayey dhinacooda,waynu wada ognahay in ay gaadhay in laga sugo Mucaaridka mudo 6 bilood ah in ay soo magacaabaan xubintii uga mid noqon lahayd  Guddiga Doorashooyinka.(Bal ka feker howsha la qaban lahaa 6daa bilood ee Mucaaridka la sugayey).
  1. Doorashooyinka waxaa dib u dhigay Mucaaridka oo markasta ka  diida amase ka horyimaada waqtiga cusub ee  lagu heshiiyo amase ay soo jeediyaan G.Doorashooyinku(bal ka feker Mucaarid maalin kasta la baryayo).
  1. Guddiga Doorashooyinka oo ka dhamaan waayey isqabqabsi dhexdooda ah ,waana tan keentay in ilaa maanta in guddiga Doorashooyinku yeeshaan 3 Gudoomiye(bal si fiicaan uga feker inta maamul ee iska bedeshay Guddiga Doorashooyinka, sida wax loo qaban karo).
  1. Waxaa Doorashooyinka dib u dhac weyn ku keenay Qaraxyadii ka dhacay Somaliland 29Oct 2008, Qaraxyadu waxay abuureen xaalad siyaasadeed oo hor leh, waxaa dalka ka baxay Khubaradii  ajanebiga ahayd ee gacanta ku haysay  howlaha Diiwan gelinta Doorashooyinka.(Bal ka feker marka howshii la waday oo dhami istaagtay,loona baahday in cid cusub la tababaro inta ay qaadan karto).
  1. Waxaa Doorashooyinka dib u dhaca ku keenay,waxaynu qaadanay   hab ka duwan habkii hore ee Doorashooyinka loo qaban jiray.Waxaynu isku raacnay in la sameeyo Diiwan gelin, si loo helo Doorasho xaq iyo xalaal ah.(Bal ka feker baaxada howsha iyo kharashka ku baxaya  Diiwan gelinta iyo weliba muda kooban ee aynu haysanay).
  1. Waxaa Doorashooyinka dib u dhigay Inter-peace oo aan filayo in aanay jiri jirin doorashooyinkii hore,balse iminka ah hayada ugu awooda badan dhinaca Doorashooyinka,qayb weyna ku leh go,aanada Doorashooyinka Somaliland(bal ka feker marka go,aanka ay kula leeyihiin dhow urur oo kala duwani ,sida wax loogu wada heshiin karo).
  1. Waxaa Doorashooyinka dib u dhigay Deeq bixiyaasha ,waxay mar kasta dib u dhac ku keenaan kharashayadii  ku bixi lahaa howlaha  Doorashooyinka ee ay ku howl geli lahaayeen Inter-peace iyo Guddiga Doorashooyinku(Bal ka feker marka aad cid ka sugayso kharashyadii lagu geli lahaa doorashooyinka aad doonayso in ay dalka ka qabsoomaan.)
  1. Waxaa Doorashooyinka dib u dhigay Golaha Guurtida,ka dib markay si fiican u dhegaystee Guddiga Doorashooyinka-Mucaaridka iyo Muxaafidka –Inter-Peace iyo Deeq bixiyayaasha iyo dhamaanba cidii ay  khuseeyeen howlaha Doorashooyinku(Bal ka feker oo waxaad is weydiisaa haddii Golaha Guurtidu aanu kordhin lahayn,Doorashana aanay diyaar ahayn,maxaa dhici kari lahaa?).
  1. Waxaa Doorashooyinka dib u dhigay waxaa is bedel ku yimid xaaladii Nabad gelyo ee dalka ka jirtay markii ay yimaadeen Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay,waxaana xooga la saaray in laga badbaadiyo dalka Qaraxyo kale oo lagu hoobto sidii kuwii hore, waa la odhan karaa Siyaasadii loogu tala galay Doorashooyinka waxaa xagal daacin ku sameeyey  Qaraxyadii(Bal ka feker haddii Doorasho uun laysku mashquulin lahaa dhibka kale ee  nabadgelyo daro ee iman lahayd).
  2. Ugu dambayntiina waxaa Doorashooyinka dib u dhigay Been abuur badan oo ay sameeyeen  shaqsiyaad Ajanebi iyo Somalilandba isugu jira ,kana dhaadhiciyey Deeq bixiyaasha in  Somaliland dagaal ka dhacayo oo lagu kala yaacayo,kuwaas oo  si fiican loo ogyahay danta ay leeyihiin(bal ka feker raga meel kasta la taagan ha na caawina,amase Somaliland yaan la caawin iyo ha aqoonsanina)
 Hadal iyo dhamaan waxaa Doorashooyinka dib u dhigay arimahaa aan kor ku oo sheegay iyo qaar kale oo badan oo duruufi keentay.Waxaan filayaa haddii ay kaa dahsoonaayeen sababaha  keenay  in dib u dhac ku yimaado Doorashooyinka waa kuwaa ee ku bogso,cidii arimahaa garwaaqsan weydaana waa cid indha iska ridaysa,ninkii 5 sanadood sugayna waxaa filayaa in uu  6 bilood  uu sugi karo.

Waar hooy qof kasta oo reer Somaliland ah  Siyaasi iyo shicib-ba waxaa ina saaran masuuliyad aad u weyn ,oo ah in aynu ilaalino xilna iska saarno sidii ay inoogu qabsoomi lahaayeen Doorashooyin   xaq – xalaal iyo nabad gelyo ahiba.

Waar hooy nabada iyo horumarku  aynu maanta haysanaa waa wax aad iyo aad u qaali ah ,howl badanina inaga soo martay oo weliba dad badan oo Geeska Afrika ku nooli aanay haysanin ee yaan lagu ciyaarin.

  Nina Diric ahaantii daleel guusha kama helo ------ ee dadkaa geesi lagu yahay!!                          (Cali Sugule-Dun-carbeed) 


Mahadsanidin

---La soco qaybta dambe ee Xumada Doorashooyinka----- 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: