Birmingham Iyo Xaaladaha Soomaalida ku Nool.
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
___________________________________________________________________________________
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib waxaan leeyahay dhammaan
akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).
Birmingham waa magaaalada labaad ee UK xagga weyninka, waana caasimadda
labaad ee England. Tirada dadka ku nool waxaa lagu qiyaasa illaa iyo 5 -7 Milyan
oo shacab ah. Waxaa ay leedahay dhammaan tansiilaadkii lagu yiqiin magaalo weyn
oo Yurub ah, haddey noqoto Suuqyada waaweyn ee casriga ah, Warshadaha waaweyn,
Isbitaalada casriga ah, Jaamacadaha ugu waaweyn Midlandiga , schoolo aad iyo aad
u tiro baddan, Colleges iyo waliba goobo aad iyo aad u fara baddan oo wax lagu
barto. Dhanka madadaalada iyo isboortiga isagu warkiisa iskaba daa, waa magaalo
dhinac walbaa ka hormarsan, oo ay yaaliin fursado aan caadi aheyn. Fursadaha
shaqadu waa ay ku baddan yihiin, inkastoo ay ku xiran tahay nin walbaa iyo
aqoontiisa iyo calafkiisa.
Birmingham waxaa ku nool tiro aad iyo aad u baddan oo Bulshooyinka Ajaanibaka
ah, oo ka kala yimid dhammaan caalamka, gaar ahaan Asia, Yurubta kale, Carabaha,
Soomaaliya iyo waliba Afrikada kale. Bulshooyinka ay indhuhu aadka u qabanayaan,
oo iyagu sameeyay horumarka la taaban karo waa bulshooyinka asalkooda kasoo
jeeda India, Pakistan iyo waliba Bangaladesh . Bulshooyinkan oo ay ka muuqato
dadaal aad iyo aad u fara baddan oo ay sameeyeeyn iyo waliba horumar xagga
nolosha ah, ayaa waxaa la oran karaa waxa ay ku gaareen, iskuxirnaan,
kaladanbeyn iyo waliba aqoontooda ay aad u kordhiyeen. Bulshooyinkan oo u baddan
dad Muslimiin ah ayaa waxa ay Birmingham ka dhisteen, Masaajidyo waaweyn oo
waliba u dhisan qaab casri ah, Goobo Waxbarasho oo Islamic ah, Tiyaataro loogu
talagalay muslimiinta inay ku dhigtaan Shirarkood iyo waliba aroosyadooda, goobo
ganacsi oo aad iyo aad u horeeya,, warshado iyo waliba iyagoo ka dhex muuqda
maamulka sare ee magaalada.
Soomaalida Birmingham ku nool oo runtii aad iyo aad u fara baddan, ayaa
baddankoodu waxa ay soo degeen Birminghan laga soo bilaabo 2002dii, markaasoo
aad iyo aad looga soo guuray dalalka Yurubta kale, gaar ahaan Holland, oo aad
looga soo guuray, lana oran karo Soomaalida ugu baddan ee Birmingham degan waa
reer Holland. Sidoo kale waad arkeysaa Soomaali kale oo baddan oo ka kala yimid
waddamada Denmarka, Sweden, Norway, Findland iyo waliba kuwo toos uga yimid
Soomaaliyaba. Guud ahaan Soomaalidu waa dad u baddan qaab nololeedka kali kaliga(
Individualism ) , oo waxaad arkeysaa qof walbaa inuu iskiis u ordayo, taasoo aan
meel fog lagu gaareyn haddaan iskaashi jirin.
Soomaalidu waxa ay aad iyo aad uga muuqdaan waddada la yiraahdo Coventry Road,
taasoo ay ku leeyihiin goobo Ganacsi oo fara baddan, masaajidyo iyo walibo
xarumo Community centres. Waddadan Coventry ayaa markeedii hore ama berigii hore
aheyd meel aad sidaa u hormarsaneen, laakiin Soomaalidu markey ku soo badatay
Birminghan ayaad moodaan inay boorka ka jaf jafteen. Waddadaas waxaad ku
arkeysaa maqaayado iyo baarar aad iyo aad kuu soo jiidanay sida Salaama,
Mubaarak, Xamarweyne, Dheeman, Golis. Waxaad arkeysaa goobo sida mall centres oo
kale ah sida Salaama Business Centre, iyo qaar kaloo baddan. Waddadaas waxaad ku
arkeysaa guud ahaan shacaa’irta soomaalida oo aad u heer sareysa, gaar ahaan
labiska islaamiga ah. Galabnimadii waxaad ku arkeysaa Caruuro fara baddan oo
Soomaali ah oo laga keenayo Dugsi Quraan.
Xagga waxbarashada Soomaali fara baddan ayaa wax barta, oo qaarkood illaa heer
Jaamacadeed wada. Dhanka shaqada waxaad ku arkeysaa Soomaalida inay waddaan
Basaska magaalada , Taksiyada, waliba wey jiraan qaar fara baddan oo shaqooyin
wanaagsan ka shaqeeya.
Soomaalida marka la eego Tirada ay ku joogaan Birmingham iyo waxqabadkooda maaha
mid leys bar bar dhigi karo. Xilliyada shaqada la aado ayaad arkeysaa Soomaali
aad iyo aad u fara baddan oo iska fadhida maqaayadaha iyo goobaha leysugu
yimaado, halkaasoo aad ka garan karto in ay yar tahay bulshada inta shaqeysaa.
Waxaad kaloo arkeysaa ganacsiga Soomaalida oo u baddan kuwo isku mid ah, oo
baddankoodu uu ku dhisan yahay iskudayasho iyo Koobi, kaasoo horseedi kara in
qofkii uu si dhaqso ah suuqa uga baxo, madaama uusan ganacsigiisu ku saleysnayn
mid laga soo baaraan degay oo cilmiyeysan. Soomaalidu sidoo kale kuma badna
goobaha waxbarashada marka laga fiiriyo tirada ay ku joogaan magaalada. Waxaa
kaloo iyadana xusid mudan Soomaalida oo aan isku xirnayn, taasoo ay ku waayaan
xuquuqo fara baddan oo ay soo dhacsan lahaayeen. Mida kale ee aad looga naxo
ayaa ah iyadoo Goobaha ay isugu yimaadaan, loo kala fariisto reer reer iyo
qabiil qabiil, taasoo ah mid aad u fool xun, lana oran karo waa arimaha u keenay
Soomaalidu inaanay wax baddan la tartami karin bulshooyinka kale. Sidoo kale
Soomaalidu wali ma gaarsiisan inay ka dhex muuqdaan Systemka waddanka ama
magaalada, taasoo ay ugu wacan tahay iyagoo aan isku xirnayn, isna dhiiragalin.
Dhanka kale Qaadka ayaa isagana ah waxyaalaha Soomaalida waqtigooda dhaafiya,
kaasoo si weyn usoo gala magaalada Birmingham, aad ayaan looga qayilaa.
Waxaa kaloo jira xaafado kale ay Soomaalidu ku leeyihiin Meherado sida
Straatford ooay ku leeyihiin dukaamo iyo maqaayado baddan, laakiin inta baddan
halka ay sida quruxda baddan uga muuqdaan waa Coventry Road ama Small Heath.
Guud ahaan Soomaalida Birmingham, waxa ay u muuqdaan dad dadaalaya, laakiin aan
isku xirnayn, cilaaqaad weyna la laheyn bulshooyinka kale. Wax wealboo ay
Soomaalidu qabsan laheyd waxaa dhaafinaya caadifada qabiilka iyo iyagoo aan wax
isu ogoleyn, taasoo ay kala siman yihiin dhammaan Soomaalida kale ee ku kala
nool adduunka daafihiisa.
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009
|