SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wariye Jaamac Ayaanle Feyte oo dib Xoriyadiisii u Helay.

Waxa Maanta oo Apri 15-2009- la soo daayay Wariye Jaamac Ayaanle Feyte oo mudo 20-Maalmood ah ku Jiray Xabsiyada Magaalada Bosaaso, Wariye Jaamac Feyte ayaa Maamulka Punyland 26-March ee aan ka soo Gudbnay ku eedeeyeen inuu Maamulkaasi War ka Faafiyay kuwaasi oo Xabsiga isla maalintaasi u Taxaabay.

30-Isla Bishii March 2009- ayaa Wariye Jaamac Ayaanle Feyte Maxkamad deg deg ah oo Labo sano ah lagu Riday isaga aanay Wakhtigaasi Jirin wax Cadayn ah oo lagu Hayay sidoo kale aanay iyana Meesha Joogin Qareen ama Loyer markaasi u dooda, Jaamac Feyte.
Xadhiga Wariye Jaamac Feyte waxa Canbaareeyay dhamaab Ururada Saxaafada Aduunka iyo Caalamka intiisa, kale, iyada oo ay Baaqyo Caalami ah soo saareen Ururadaasi ay Maamulka Pl kaga dalbanayaan in Feyte dib loogu soo Celiyo Xoriyadiisa.

Sii dayntii Wariye Jaamac Feyte ka dib ayuu Saxaafada la hadlay isaga oo sheegay inuu aad ugu Faraxsanyahay sii dayntaasi, Jaamac Feyte ayaa si Gaar ah ugu Mahad Celiyay Ururka Saxafiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ, sidoo kale waxa uu u Mahad Celiyay Ururka Map, iyo Jar uu sheegay inay ka qayb qaateen sii dayntiisa.

Jaamac Ayaanle Feyte oo lagu Tiriyo inuu ka Mid yahay Wariyaasha safka Hore kaga Jira Wariyaasha Pl ayaa sii dayntiisa waxa soo dhaweeyay dhamaan Ururada Saxaafada.

Somalitalk.com
Bosaaso

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: