SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shacabka ku dhaqan deegaanka bangalo oo ay la soo deristay biyo la.aan ,gaajo , iyo cuduro

Maxaa na haayo miyo la.aan ayey ku qeylinayeen. Waxaana u sii dheeraa hoy.la.aan dawo iyo waxbarasho .la.aan iyadoo wajiyada dadkaan laga dareemayey nafaqo dari daal gaajo iyo haraad

Boqolaal qoys oo danyar somaliyeed ah kuna nool deegaanka bangalo oo ka tirsan dagmada dayniile ayaa isugu soo baxay banaan bax aan cidine soo abaabulin ka dib markii ay waayeen mudo 5 cisho ah booyadihii biyaha u keeni jiray oo la sheegay in qaarkood uu soo kala dhexgalay ismaandhaaf sababay in ay hakadaan biyihii

Banaan baxaan oo ahaa mid aad u balaaran isla markaan dadkii dhigayey ay u badnaayeen haween caruur iyo dad waayeelo ah ayaa waxaa ay ku qeylinayeen ereyo ay ku cabirayaan dhibaatada heysata xoogeeda

Dadkaan maanta ka qeyb qaadanayey banaan baxaan ayaa markoodi hore ahaa kuwo ka qaxay guryahoodii oo ku yaal goobihii ay dagaaladu ka dhacayeen mudooyinkaan mana laha meel ay ku tiirsanyihiin iyo cid ku og halka ay u qaxeen toona

Dadka deegaan qaarkood oo saxaafada kula kulantay deeganka bangalo ayaa u sheegay in maalintii 5 aad aysan helin wax biyo ah waxayna sheegeen in ay ceelka oo u jira masaafo aad uga fog ay caagado biyo uga soo dhaansadaan

Dariiqyada deegaanka bangalo ayey dadweynuhu maanta la tagnaayeen caagado faaruq ah oo lagu doonayo biyo nadiif ah oo la cabo shacabka somaliyeed ayaa intooda badan waxaa heysta dhibaatoyin noocaan oo kale ah meel kasta oo ay jooganba


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: