SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

AF-SOOMAALIGA: LAANGAAB MISE LAANDHEERE?



Adduunkan aynu ku noollahay ummad kasta afka iyo hiddaheeda ayaa lagu asteeyaa ama lagu baadi-soocaa, umaddi afkeeda agloosho ee agaasintana waa lagu ammaanaa, waana astaan horumarineed oo ay ku tallaabsatay bulshadaas.

Haddaba, xeeldheerayaasha u dhuundaloola afka iyo eraybixintiisa una kuurgala dayactirka iyo dardargalinta ambaqaadka luuqadda ay bulsho ku hadasha dhallaankeeduna ku hadaaqa, waxey si cilmiyeysan heshiis ugu yihiin in isbaddalka waayuhu ay afka saameyn ku yeeshaan, waxaana jiray luuqada badan oo maanta dirgo'ay kaddib markey dhalanrogmadeen ku-hadlihi ugu dambeeyeyna uu geeriyooday sida luuqaddi la oran jiray Eyak ee looga hadli jiray bartamaha-koonfureed ee Alaska, oo la sheega in Marie Smith Jones (May 14, 1918 - January 21, 2008) ay aheyd qofki ugu dambeeyey ee luuqaddaasi ku hadli jiray dhalanti iyo dhiig-buuxana u lahaa, afkaasina wuu gablamay.

Haddaba, ma laga yaabaa in luuqadda Soomaaliga ay dirgo'da? Warcelinta weydiintan waxaan u deynayaa aqoonyahanada ku tacdaaran saadaasha turunturrooyinka tiifa afka hooyo iyo turxaanbixintiisa tix iyo tiraabba, hadal iyo hawraarba, maanso iyo maahmaahba, una heellan u hiilintiisa iyo horumarintiisa hadda iyo mar-horaba, habeen iyo hiirta waabariba - haqabtiree haga.

Waxeysa masuuliyad naga saaran tahay abaabinta abaydinka Soomaaliyeed ee maanta iyo murugada bulshada ku xeeran, wiiqdayna oollimaadki-afeed ee aynu ku hubeysneyn faragalinta shisheeye ka hor. Marka aan shisheeyaha farta ku fiiqaya, ulama jeeda oo kaliya kuwi ciiddeenna boobay ee nagu soo duulay ee uu majaraha u hayey aabbihi aafooyinka Africa, Ingiriis, iyo dabadhoonnadiisi, Faransiis iyo Talyaani IWM, ee waxaa iyana luuqadda Soomaaliga dibindaabyo ku haya Carabta oo doonaya iney bulshada Soomaaliyeed Carabeeyaan laba sababood dartood: waa midda koowaade, Diinta Islaamka ayaannu wadaagnaa, anna kama biyadiidsani in luuqadda Carabiga bulshada Soomaaliyeed ay barata, waayo, qofka Muslimka ah ee aan luuqadda Carabiga aqoon caamanimo kama baxa, anna luuqadda Carabiga waan ku hadlaa, waxna ku qoraa, waxaanse u aqoonsanahay luuqad shisheeye maadaamooysan aheyn luuqaddeydi hooyo, Soomaali, waxaanse qof kastoo Soomaali ah ku boorrinayaa inuu barta Carabiga si uu u fahma xikmadda iyo dhambaalka Diinteenna macaan, mudan ee muqaddiska ah, Islaamka iyo ilbaxnimo iyo aqoon-wadaag awgood. 

Waa marka labaade, Soomaaliya iyo Jabbuuti oo ah laba waddan oo looga hadla luuqadda Soomaaliga ayaa xubno ka ah Ururka Jaamacadda Carabta. Waxaase jira dalal Afka Soomaaliga looga hadla aanse xubin ka aheyn ururka Sare; tusaale ahaan, Ogaadeeniyada la dhawraya, oo hadda Ethiopia ku hoos-jirta haddii ay xorowdana shacabka ay u taallaa ku biiridda Carabta iyo ka- banjoogiddeeda, ayaa ah dhul luuqadda Soomaaliga hidin ku ah wali. Sidoo kale gobolka ay Soomaalida dagta ee Kenya raacsan maanta, NFD, oo ah gobol looga hadla af-Soomaali aad u arradan, ayaa isna dhooroof dhaqameed mudan, una baahan in luuqadda Soomaaliga maadda ahaan manhajka loogu dara si da'yarta afkooda hooyo laaga haqabtira laaxin-luuqadeedkana looga saxa. 

Waxaase dhugasho mudan in Soomaalida ay diinta Islaamka qaadatay wakhti guun ah - hore, waxaana jira baareyaal Diinta Islaamka sooyaalkeed darso oo qiray in diintu ay na soo gaadhay ka hor inteysan Maka Almukarrama iyo Madiina Almunawara midna gaarin; Afrikana aynu aflixinnay waana baal-dahab ah. 

Sugidda Islaamnimadaada iyo kobcinta afkaaga hooyana waa la wada xaqiijin karaa, waase maangaabnimo inaad afkaaga hooyo yasta kan shisheeyana barashadiisa ilbaxnimo moodda sidey qoraayaal badan oo Soomaaliyeed qireen uuna ka mid yahay Cabdiqaadir (Aroma) oo dhawaan maqaal ka qoray arrintan. Waxaan qabaa iney sharaf noo tahay ku dhaadashada dhulka iyo dhaqankeenna, ilaalinta iyo arradtirka afkeennuna yahay dhigaalka dhaxyaalka noo wada ah.

Haddii aynu ku sikanna dulucda maqaalka oo ah hodannimada afka Soomaaliga, bal milicsadow ila eeg erayadan hoose ee isku midka ah ama iska-ag-dhaw macno iyo maangal-ahaanba mug iyo cufba, adna miidaami maankaaga:

1 Aragti - dhaayo-ka-qaad ama arkid (2 -marna ra'yi.)
2 Eegmo - fiirin ama eegid fool-ka-fool ah ama babcan.
3 Baalladaymood - dacalada ama hareeraha oo la fiirsho.
4 Bidhaamin - wax kaa fog oo qalab lagu bidhaansho ama geed-dushii.
5 Daymo - dhawrid. (2 - marna wuxuu noqdaa daryeelid ama qeybid.
6 Daymoharareyn - dib u jalleecid waxaad soo dhaaftay oo kuu muuqda.
7 Dihasho - si kalgacal ku jira u fiirin. (2 - marna dhalid/foolasho.)
8 Fiiro/fiirsasho - isha laraacid si maanka waafaqsan.
9 Gaalaabidhoodin - eegidda wax dhaldhalaalaya sida gaalaabidhoodka.
10 Gaardaymood - dhinacyada iska eegid si dareeni ku jira.
11 Ilbaadin - eraygan miyiga ayuu ku dambeeyaa waana arkid kadis ah.
12 Il-gurxin - isha ku cabsiin ay la socota digniin qof kaa tabaryar.
13 Il-kugubid - 12 ayuu la macna yahay naceyb dareen ayaase dheer.
14 Jalleeco/jalleecid - eegidda wax kaa babcan ama xiiso dartii.
15 Jeeqaaq/jeeqaaqid - si aad ah isha ula raacid. (2 - marna darsid.)
16 Halacsi - si hammuuni ku jirta u fiirin jaceylka ayaa loo adeegsadaa.
17 Hubin - si hubsiimo ku labaantahay dhimir iyo dhaayo ugu eegid.
18 Huruuf/huruufid - eegmo ay yasid wehelisa, dhoocilahaa ku caan ah.
19 Milicsi - dib u eegid qoraal ama wax aad isha duldhigta si kooban.
20 Muuqaal/muuqasho - fiirinta wax kaa yare fog. iima muuqda wiilki.
21 Qooraansi - si tuugeysi ah wax meel hoose ama cidhiidhyoon uga eegid.
22 Qoollaalli/qoollaallin - 21 ayey u dhawdahay jaakiraad baase ku jirta.
23 Qoordiinleyn - si dhuumaaleysi baqdinina ku jirta u indha-indheyn.
24 Sheedaalin/sheed-ka-dayid - sheedda ka fiirin wax ka dadban.
25 Ujeedid - wax kaa libdhaya isha ku sii heyn ama dul ka arag.
26 Khaayiraad - indhaha u kala rogid, dumarkaa lagu yaqaannaa guud ahaan, gaar ahaanna gabdhaha. Tusaale, ma arkeysay sidey noogu khaakhaayirtay?

Haddii uu Stanza oo ah reerwaamood iyo reer Waqooyibari-Kenya oo isku milmay intan oo eray ah oo ay Soomaalida aragtida u adeegsata keenay, maxaad ka fili laheyd xeeldheerayaasha afka Soomaalga sida Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo xil gaara iska saara raadinta iyo keydinta afka Soomaaliga, ama aqoonyahan Soomaali ah oo ku dhashay bartama Ogaadeeniya, barta hodanka ku ah afka iyo suugaanta Soomaaliyeed, oo ku baraaruga cilmibaadhiddda iyo badbaadinta afka Soomaaliga oo ay aqoonyahanna badan oo Soomaaliyeed maanta u arkaan inuu yahay mid laangaab ah oo waliba dhicis iyo dhimaad ah? Su'aasha is-weydiinta mudani waxey tahay: afka Soomaaliga ma laangaab baa mise waa laandheere.

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza).

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: