SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Telecom Puntland oo Sameysay Qeyb Gabdha Ah iyo Gabdhaha oo Soo Dhaweeyey

Xafladaan oo ahayd Xafladii ugu Horeysay oo Ay soo qaban Qaabiyaan Halo ka howl Gala Shirkado Ganacsi oo Ka howl Gala Puntland Ayaa ka dhacday Xarunta AMAL PLAZA ee Boosaaso.

Xafladaan Ayaa waxaa kasoo Qeyb Galay Masuuliyiinta Haweenka Ka Howl gala Gobolada Puntland ee Kusugan Magaallada Boosaaso ururada Haweenka Haweenka' Kuwa ka Shaqeeya Hay'addaha Caalamiga ah iyo Waliba Haweenka Ganacsatada ah ee Ku dhaqan Boosaaso waxaa sidoo Kale Xafladaan ka Qeyb Qaatay Masuuliyiin Katirsan Maamulka Puntland oo ay Kamid ahayeen Wasiiro Inkasto ay Goobta Ka maqnayeen Hadana Khadka Telefoonka Goob jooga ka aha.

Dhinaca Kale Masuuliyiinta Shirkada Telecom Puntland ee Kusugan Magaallada Boosaaso Ayaa kasoo qeyb galay Xafladaan Waxaana Halkaasi Ka hadlay Maareyaha Shirkada Telecom Puntland C/rashiid Wacays oo Sheegey Xafladaan ay galabtay Soo qaban qaabiyeen Waaxda Haweenka Telecom Inay Tahay Waax Muhiim ah oo ay ugu Talo Galeen Inay kaga Warbixiyaan Doorka ay Haweenka kasiyeen Telecom Puntland iyo Shaqooyinka ay Hayaan Mr Wacays waxaa uu sheegey Shirkada Telecom inay tahay Shirkada Kaliya ee Ganacsi ah ama Isgaarsiin ah oo Hablo ka Shaqeeya Puntland ''' Waxaan Waaxdaan Haweenku ka shaqeynayaan U furnay Markaan Aragnay Fikradaha Haweenka iyo Cabashooyinkooda Waana Muhiim Xafiis ay Ka Adeegtaan oo Cabashooyinkoodana u Gudbiyaan Inay ka Helaan Telecom Puntland Haweenku ' ayuu Yiri Mr Wacays oo Halkaasi ka Hadlay' waxaana uu Intaasi ku Daray Maareyaha Shirkadu Sanad Walba waxaa Waxbarasho Dhameystay Hablo Badan oo Reer Puntland waxaana ay u Baahan yihiin Shaqooyin Mana ahan inay Iska Fadhiyaan iyagoo Waxbartay waxaa ay wax u Baranayaana waa inay Dadkooda u Shaqeeyaan ayuu Yiri Mr Wacays Sidaasi Darteedna ayaanu Shaqada u siinay Hablaha'

Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadlay Hablaha ka shaqeeya Shirkada Telecom Puntland iyo Waliba Qaarkatirsan Haweenka Kasoo Qayb galay Munaasabadaan waxaana ay soo dhaweyeen Shirkada Telecom Hormarka ay soo Siyaadisay oo Waliba Dhan kasta ay ka Fiirsay iyadoo u Daneynasa Shacabkeda Waxaana ay ku Tilmaameen Shirkada Telecom Puntland Shirkada Kaliya ee Xasuusatay Hablo Badan oo Waxbarasho Dhameystay Shaqo la'aan ahaana inay Shaqo Siiso Arinkaasi oo ay Garan wayeen Shirkadihii ka horeyey ee Shaqooyinka ku Koobay Raga oo kaliya.

Shirkada Telecom Puntland oo ah Shirkadii ugu Danbeysay oo Isgaarsiin ah lagana Furo Gobolada Puntland ayaa Mudadii Yareyd ee Ay jirtay waxaa ay qaaday Talaabooyin Hormar leh oo soo jiitay Shacabka' waxaana ugu Horeyey waxyaabaha ay soo Bandhigtay Isgaarsiin Jabay oo walib Tayo leh oo inta Badan Saacadaha Qaar Free aad ku wacayso meelo Badan iyo Waliba Arimo kale oo Muhiim ah kuwaasi oo ay Kasameysay Shacabka Dhexdiisa waxaana u Danbeysay Asbuucaan Dhexdiisii Barnaamijkii ay soo Bandhigtay oo ahaa Barnaamij loogu Magacdaray Wacyigalinta Nabada ee Shirkada Telecom Puntland.

Gaba Gabadii Xaflada ayey Hablaha ka katirsan Shirkada Telecom Puntland waxaa ay Abaalmarin Gudoonsiinyeen Qaarkatirsan Haweenkii Kasoo qabay galay Munaasabada oo ay Shegeen Inay Door Lixaadleh Ka qaataan inta Badan Shaqooyinka ay Hayaan Islamarkaasina Marar badan usoo Gudbiyeen Fikrado Wax ku ool ah Hadana ay u Garteen Abaal Marintaas in Lagudoonsiiyo Shaqsiyaadkaas.

Waxaa soo tebiyey: salmaan0000@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: