SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

I soo Falaash aan ku soo wacee!!!

Macnaha eray bixintan (I soo Falaash aan ku soo wacee), waa tusaale gaaban oo aan doonayo inaan wax ku fahansiiyo dadweynaha Soomaaliyeed, balse marka hore aan fasiraad ka bixiyo macnahan.

Eraybixintani waxa ay soo ifbaxday markii uu dalka Soomaaliya soo gaaray Aaladda la iskula hadlo ee Mobile Phones-ka, (Mobile-ka gacanta), kadib markii dadku ay qaateen Mobile-ka si ay iskula xiriiraan, mararka qaar amaba sida badan ayaa waxaa dhacda in qof aysan lacag badan ugu jirin Mobile-ka inuu damco inuu la xiriiro qofka uu doonayo, marka waxa uu sameynayaa (Flash), macnaha hal mar ayuu one Second Ring-gareynayaa qofka uu doonayo, markaas haddii uu qofkaas la Falaashay ay lacag ku filan ugu jirto wuu u soo jawaabayaa qofka Falaashay.

Eraybixintan ayaa waxa ay igu soo maaxatay galabta (13.04.2009), mar ay dhegaheyga si weyn ugu soo dhacayeen Daryanka madaafiic ku hoobaneysa gudaha iyo hareeraha Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah Isha ganacsi ee ugu weyn ee dalkeena Soomaaliya, kaasoo ka imaaneysay xoogaga ciidamada AMISOM oo isugu jira Yugandha iyo Burundi, gaar ahaana kuwooda fariisinka ku leh Garoonka Aadan-cadde International.

Madaafiicda ku soo dhacday Suuqa Bakaaraha ayaa iyadu jawaab u aheyd kuwo ka horeeyay oo tiro yar isla markaana aanan wax qasaare ah geysanin, kuwaasoo loo tuuray dhanka Garoonka Aadan-cadde xilligaasoo uu sii baxayay Senator ka socday dalka Mareykanka kaasoo booqasho hal maalin ah ku soo gaaray Muqdisho.

I soo Falaash aan ku soo wacee!!!

Waxaa macnahan la mid ah, qolyaha aalaaba isku daya inay dadka dhexdooda ka tuuraan Madaafiic hoobiyeyaal ah kuwaasoo aan inta badan gaarin ama hareer mara halkii ay u wadeen, balse jawaabta laga bixiyo ay geysato qasaare weyn oo soo gaara shacabkan taagta daran leh ee iyagu muddo ku dhow 20 sano nasiibka u yeeshay Col u jooga.

Qasaaraha galabta ka dhashay Madaafiicda ay rideen qolyaha Diinta sheeganaya ma aaney asiibin halkii ay la rabeen, haba ahaato inay doonayeen inay ku dilaan Senatorka basle ma dhicin, taas bedelkeedana Madaafiicdii jawaabta aheyd ee ku soo dhacay Suuqa Bakaaraha caddowgu wuu la helay bartilmaameedkiisii, sababtoo ah shacab ayuu laayay, waxaana taasika sii daran kuwii riday Hoobiyaha halkii ay ka rideen, kuma sii hakanayaan hal daqiiqo ee wey ka cararayaan, iyaga oo og inay ka dambeyso jawaab culus oo halis gelin karta naftooda.

Marka su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay adiga oo Soomaali sheeganaya haddii aad ka nixi weysay shacabkaaga oo aad kala nixi weysay in jugtan yar ay ka dambeyneyso Jug-weyn, ma ninka Kampala ka yimid oo calooshiis u shaqeystaha ah ayaa ka naxaya, taasi waa maya, su’aasha kalena waxa ay tahay, haddii aad xaq u dirir tahay, maada si fool ka fool ah dhexda inta u xiratid dagaal bareer ah la aadid Garoonka ileyn waxba kaama xigaan marka laga reebo Askari Yugandheys ah oo sita qoriga aad wadato mid la mid ah, (AK-47).

Maxaa la gudboon shacabka

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana reer Muqdisho, waa inay istaagaan una istaagaan iska dhicinta iyo ku jihaadista caddowga Guntaha ugu jira, waana ninka caadeystay inuu shacabka barqocad ka dhex rido Madaafiic yaryar, oo loogu jawaabayo kuwo ka waaweyn kana qasaaro badan, ayna dhalinyaradeenii iyo caruurteenii ku le’daan, waana inuu ogaado shacabka xittaa haddii uu wiilkiisa yahay midka ridaya Madfaca inay is hortaagan, haddii uu diidana waa xaq inay la dagaalamaan sababtoo ah, haddii aad fiirsato adiguna waad kula jirtaa xusuuqa iyo dhiig daadinta.

Ugu dambeyntiina, waxaan leenahay Alle ha soo hanuuniyo kuwa diidan, Baaqa Culimada, Baaqa Odayaasha, Baaqa Shacabka, Baaqa Nabadda, Baaqa Dib u heshiisiinta, Baaqa Dowlad-nimada iyo Baaqa wada jirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, haddii Alle uusan hanuun la doonina ha na dhaafiyo oo dabeysha ha raaciyo.

Max’ed Cabdi goobe, Cairo, Egypt
cgoobe@gmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: