SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Puntland oo Soo gebagebeeyey Coladii Ka dhacay Degaanka irdhays ee Gobolka Bari

  • Shirjaraid oo Wasiirka Amniga iyo Gudoomiyaha gobolka bari kaga haldeen Xalada dagaalkii degaanka ufayn Halkan ka dhagayso


Shir jaraa'id

Bari: Wasiirka arimaha Gudaha Iyo Dowladaha hoose General C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) iyo Wasiirka Aniga General C/laahi siciid Samter ayaa soo afmiiray Coladii ka dhacay Degaanka Igdhays ee Gobolka Bari halkaasi oo ahayd meelihii uu ka dhashay khilaafka dagaalka sababay ee beelaha dhexmaray,Golaha wasiirada ayaa waxaa safarkooda ku weheliyey Maamulka Gobolka Bari iyo qaar ka mida masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari.


Cagaf burburinaysa haro

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Amniga oo si guud arintaasi isugu Mashquuliyey isla mar ahaantaasina xiligii dame ka Guul gaaray Xalilitaanka khilaafkii sababay dhimashada iyo dhaawaca ee Ka dhacay Degmada ufayn iyo Degaanka baadiyaha ah ee Irdhays ayaa waxaa Culimadu ku kala Xukumeen oo ay kala dhexdhigeen heshiis ay si wada jira ugu qanacsan yihiin beelaha walaalaha ah ee wada dega iyo Culimada iyo isimada ugu caansan Degaanada PL ay arintaasi ugu duceyeen inaanay noqon mid Mardame dhacda.


Harada la burburiyey

Wasiirradan ayaa waxaa ay Ujeedooda socdaalkani ahayd sidii ay arintaasi waxyaabaha ka qabyada ah u soo afmeeri lahayeen isla markaasina waxaa ay mitiriyeen oo ay u kala samayeen soodani iyodoo 5km Dib ugu noqotay beesha Calisalebaan Halkii ay isku maandhaafsanayeen qolada kale.


haradii oo la duugay

Mudo 3casho ah ayey ku Maqnayeen Wasiiradani Degaankaasi waxaana halkaasi Goobjooge ka ahaa Odayaal dhaqameed ka soo jeeda 2 dhinac ee haatan sida wayn ugu heshiiyey arimihii dhacay,Waxaana arintaasi ay ku shegeen Wasiirada Maamulka Puntland Inay tahay mid ay si wayn ugu guulaysteen iyagoo mahad gaara u celiyey Culimada iyo Waxgaradka kale ee Mudada dheer arintan isku howlay


Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland oo Xusay Maalinta Ciidamada Xooga dalka somaliya

Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ayaa Xusay Maanta Asaaskii Xuskii Ciidamada Xooga dalka somaliya oo ku aadanayd 12-April-1960-kii Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ayaa xuskani ku soo bandhigeen Ciidamada Darwiishta Maamul Goboleedka Puntland oo kal kala socda 8gobol ee Maamulka Puntland.

Ciidamada Daraawiishta Maamul Goboleedka Puntland ayaa Xuskan ku qabtay Xerada Ciidamada ee xeradan 54aad halkaasi oo ah Xero wayn oo ay ku taala Magaalada Garoowe oo lugu tababaro ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland.

Waxaa ay ciidamadu Samaynayeen Gaardis iyo Dhoola cadayn ay Markaasi kusamaynayeen Gudaha Xerada 54 Aad oo ay Maanta si wayn ciidamadu uga Xuseen Maatay oo ku aadan Asaaska ciidamada Xooga dalka somaliya,Taliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta Maamul Goboleedka Puntland Gaashaanle Sare Deer Cabdi Xaaji waxaana uu taliyuhu sheegay inay tahay maalintani mid qiime wayn ku fadhida Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland iyo Guud ahaan Ciidamada Xooga dalka somaliya.

Siciid Dheer oo ah Taliyaha Ciidanka Xooga dalka somaliya isla markaasina ka tirsan ama ka soo jeeda Dad u dhashay Maamul Goboleedka Puntland ayaa si aan caadi ahayn ugaga soo Hanbalyey Ciidamada Daraawiishta Maamulka Goboleedka Puntland Dhinaca talefoonka oo uu kagala soo Hadlay.


Sawirada Irdhays



Maxamed Axmed Ciise
geedi7@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: