SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Congress Donald Payne oo Muqdisho Tagay Diyaaradiisiina la duqeeyey.


Wafdi ka socday dowlada Maraykanka oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminayey Senetor Donald Payne kana tirsan barlamanka dalka Maraykanka ayaa wadahadal la yeeshay Madaxweynaha DFK iyo Raysul  wasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali shar,marke iyaga oo ka wada hadlay xaalada guud ee dalka somaliya iyo arimaha burcad badeeda .

Wafdigaan oo uu hogaaminayey Senetor Donald Payne oo ah mudane ka tirsan golaha Congress-ka  Maraykanka iyada oo uu wehliyey lataliyaha Madaweynaha dalka Djabuti Mr Ismaaciil Taani.

Raysul Wasaare Cumar oo kulanka ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Donald xaalada guud ee dalku marayo iyo caqabadaha hortaagan dowlada KMG ah iyo arimihii ugu danbeeyey ee kooxaha burcad badeeda somalida .


Donald Payne & Cumar A.| Isniin Muqdisho Apr 13, 09 AP

Congress  Donald Payne oo isna goobta kulanka ka hadlay ayaa waxaa uushegay in ahmiyada ugu weyn ee dalka Maraykanku ka leeyahay dalka Soomaliya ay tahay in uu taageero dowlada cusub ee  Soomaaliya iyo in ay labada dowladood sameystaan xiriir wanaagsan oo dhinac kasta leh. 

Mr.  Donald Payne ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay sameysato ciidamo qaran oo la dagaalamo kooxaha burcad badeeda oo uu shegay in ay caqabad kuyihiin maraakiibta isaga gooshta biyaha caalamiga ah wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya uu sawir xun ka yaalo aduunka intiisa kale taasi oo uu ku macneeyey arimaha burcad badeedka oo gartay halkii ugu sareysay abid. 

Sidoo kale lataliha madaxweynaha dalka Djabuti Ismaciil Taani oo goobta isna hadal qiimo badan ka soo jeediyey ayaa tibaaxay in dowlada Djabuti ay ku faraxsan tahay sida ay dowlada FKMG  uga howlgasho Magaalada Muqdisho isagoona tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin tagerada ay dowlada Mareykanku siiso dowlada cusub ee Soomaaliya 

Kulankaan ay maata yeesheen madaxda dowlada FKMG  iyo wafdigaan ka socday aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa wuxuu ku so beegmayaa xili dhawaan kooxaha burcad badeeda Soomlida ay afduubteen markab laga lahaa dalka Maraykanka iyo kabtankii waday kuwasoo si qasab ah farahooda looga bixiyey

Muuse Maxamuud Jiisow 
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia 
00252-1-5576666
00252-50-907666 


Donald Payne oo Hoobiye lagu weeray diyaaradiisii.

Muqdisho, Soomaaliya. Hoobiyaal ayaa lagu weeraray Goroonka Muqdisho, Diyaarad siday Mudane Baarlamaan oo Maraykan ah waxay ka duushay Caasimada Soomaaliya maanta oo Isniin ah iyadoo badqabta, sidaa waxaa sheegay askari Booliis ah.

Madaxda Isbitaalka waxay sheegeen 19 qof  oo rayid ah inay ku dhaawac meen  xaafadaha ladaganyahay.

Midkoodna Lixda Hoobiye ee lagu riday mahaleelin  Garoonka iyo Diyaarada siday Mudanaha Gobolka New Jersey ee Xisbiga Dimoqoraaddiga Donald Payne, waxay kacday  iyadoo nabad qabta. Sida uu sheegay Col. Maxamed Idi oo ah Madaxa Booliiska Garoonka. Wuxuu kaloo sheegay inaan cidna wax ku noqon Goroonka dhexdiisa. 

Idi sida uu u sheegay AP qaar kamida  Hoobiyaallka waxay kusoo dhaceen Xaafadaha u dhow.

Maamulka Isbitaalka Madiina Ali Adde wuxuu sheegay 19 qof oo shacab ah una badan Dumar iyo Caruur inay ku dhaawacmeen, marka  Hoobiyaalku ku dhaceen xaafadaha la dagan yahay , Sagaal ayaa Isbitaalka la keenay, sagaal kalena waxay ahaayeen dhaawac fudud. 

Mudane Payne waa gudoomiyaha  Aqalka Matalayaasha arrimaha diba ee gudi hoosaadka Afrika. Wuxuu u sheegay wariyaasha inuu lakulmay Madaxwaynaha Soomaliya iyo Raysulwasaaraha booqashadiisii ku sinayd halka maalin ee muqdisho si ay uga wada hadlaan Burcad baddeedka, Nabadgalyada iyo Xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Tarjumaadii Somalitalk.com | Xigasho AP
Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: