BOSASO IYO GEESIGII CALAN GUBE, BOQOL SANO (100) KA HOR.
Dad badan ayaa waxay qabaan in taariikhdu soo noqnoqoto (HISTORY
REPEATES ITSELF).
Waxaa hubanti ah, inkastoo ay dhacdo kasta waqtigeeda ledahay, waxaad
moodaa in ummada Somaliyeed ay tahay ma gudubto ama damiin aan
dhacdooyinkii tariikheed ee soomaray ama khaladyadii ay horay u galeen
aan habayaraatee ka faa’iidaysan, waxna aan ka baran. Aadamuhu waa
Khaldamaa. Waxaase jiritaankiisu khatar gashaa markuu khaladkiisa baran
waayo, oo uu dhacdooyinka kuwooda xun soo celceliyo.
Suuro gal iima aha inaan halkun ku xuso am ku sheego dhamaan
dhacdooyinkii waawaynaa oo dhulka hooyo ka dhacay muddooyin iyo xiliyo
kala duwan.
Waxaa jeclaan lahaa inaa ummada Somaliyed xusuusiyo dhacdo, ama arin ka
dhacday wadankeena mudo hada laga joogo BOQOL SANO(100). Arintaas oo
lamid ah ama si’ ugu eg waxyaabaha murugada leh ee hada ka jira
wadankeena sida muwaadininta cadowgooda loo gacan galinayo.
Waa suurogal inaan arintan ama dhacdadan qayb yar of ka mida aan
hilmaamay(iloobay) waxse ku kordhin maayo.
BOQOL SANO KA HOR.
Goobtu waa Bosaso, waa xaruntii boqor Cusman oo markaas ka talinayay
bariga Somalia oo hada loo yaqaan Gobolka bari/ Puntland.
Isla waqtigaas, waxaa qaybo kamida Somalia si xawli ah uga socday
dagaaladii ay Daraawishtu kula jirtay gumaysigii cadaan iyo madawba
isugu jiray oo doonayay inay dhulka hooyo wada qabsado.
Waxaa magalada BOSASO yimid wafdi Talyaani ah, waxay boqor Cusman ku
amreen in CALANKA TALYAANINGA LA SURO XARUNTA MAAMULKIISA. Boqorkiina
amarkaas waa uu ajiibay(ogolaaday) oo si halhaleel ah (dhaqso ah) ayuu
calankii Talyaaniga uga taagay bartamaha Bosaso. Wafdigii Talyaani
iyagoo qanacsan si wanaagsana loo sooray(loo soo dhaweeyay) ayay Bosaso
ka dhoofeen. Arinkaasu markuu dhacay, warkii wuxuu gaaray meel kasta,
miyi iyo Magalaba.
Dadku uma sina wadaninimada, haday usimanyihiina ma aha isku wada karti.
Nin reer miyi ahaa oo daganaa baadiyaha Bosaso ayaa loo sheegay in
calankii Talyan(Talyaani) magaalda Bosaso la suray. Ninkaasu waxa la
sheegay inuu ahaa nin da’a dhexaad ah. Waligiisna hal calan ayuu arkay;
waa calankii Islamka oo Cusmaaniyiintii Turkiga, Bosaso uga surnaan
jiray. Kaasna waa la laabay jabkoodii ka dib (Cusmaaniyiintu waxay
ahaayeen xukun Islaam kii ugu danbeeyay).
Ninkaas reer miyiga ahaa wuxuu layaabay sababta calan gaalo dhul islaam
loo suray. Wuxuu isku dayay oo si walba u waraystay safarradii iyo
dadkii magalada Bosaso ka imaanayay. Ninkaasi ma helin wax u sheega wax
uu ku qanco. Sidaas darteed wuxuu goostay inuu bal indhihiisa ku soo
arko calanka la sheegayo in ciidiisii iyo magaaldiisii nin shisheeye oo
aysan dhalasho iyo diin midna ka dhaxaynu surtay.
Ninkii Bosaso ayuu isa sii taagay(tagay) wuxuuna hoos is taagay calankii
Talyaaniga oo Bosaso ka suran. Magaaldaii ayuu dhexgalay, bal si uu u
ogaado aragtida shacabku ka qabo calakan aysan iyaga iyo xigaalkood
midna uusan lahayn oo ka dul babanaya.
Markuu arkay in cid wax ka qabanaysa arintan aysan jirin, ayuu
go'ansaday inuu gacantiisa wax kaga qabto. Calankii Talyaaniga intuu soo
dajiyay ayuu dab qabadsiiyay kadibna miyi iyo gurigiisii aaday. Wixii
maalinkaa ka danbeeyay waxaa ninkaas halyayga ah naanays looga dhigay
"CALAN GUBE"
Warkii wuxuu gaaray xaruntii Talyaaniga. Aad ayayna arintaasi uga
caraysiisay. Waxay waraaq usoo qoreen boqor Cusman oo ay ka dalbadeen
inuu si dhaqso ah ku soo qabto ninka u bareeray inuu gubo calankooda.
Boqorku sidii la faray ayuu yeelay, oo wuu soo qabtay ninkii calanka
Talyan gubay .
Xiligaas ma jirin diyaarad. Xukuumadii Talyanigu waxay u soo dirtay
Bosaso markab iyo ciidan. Waxayna halkaas ka kaxaysteen halyaygii Calan
Gube. Isla markabkaas waxa la socday wafdi dowlada Rooma ka yimid oo u
jeedadiisu ahayd in ay la soo xaajoodaan SAYID MAXAMED C/LLE HASAN oo
sida la wariyay ay markaas xarun u ahayd agagaarka Eyl oo dhanka bari
Groowe kaga beegan.
Intii aan waftiga Talyani soo gaarin xaruntii daraawishta ayaa waxaa
Sayid Maxamed loo sheegay waxa Bosaso ka dhacay iyo ninka
Talyan(Talyaani) loo gacan galiyay. Aad ayuu arintaas uga carooday.
Wafuudii Talyaaniga ayaa soo gaartay xaruntii Daraawiishta. Waxayna
halkaas kula kulmeen Sayidkii. Waxaana dhexmaray wada hadalo aan guul
laga gaarin. Markii la kala warbogtay waxay u sheegeen Sayidkii inay
markaan diyaar u yihiin inay bad iyo Bosaaso adaan.
Sayidkii ayaa waydiiyay Talyaanigii, inay garanayaan ninka magacaas
leh (Calan Gube). Waxayna u sheegeen inuu yahay dambiile iyaga u xiran
oo uu ku xiran yahay xaruntii Talyaaniga oo markaas ahayd marsada
Mussawac(Eretria).
Sayidku wuxuu u sheegay nimankii Talyan inay isaga u CURAARAN YIHIIN. Oo
macnaheedu yahay inaad ninkaas keentaan maahee meesha ka tagi maysaan.
Tallaa Talyaanigii ku cadaatay. Waxay talo ku dhamaatay inay fariin u
diraan xaruntoodii.
Waa lasoo daayay Calan Gube. Waxaana isagoo faras saran loo keenay
Sayidkii. Waxa la wariyay intuu gacan midig qabtay ayuu tiriyay tix
gabay ah oo aan in yar ka xusuusto.waana tan ee ila dhuuxa. Waxay
tixdani cadayn u tahay jiraanka qisada aan kor ku sheegay.
NINKA GAALKA LA SIISAY
TALYAN(TALYAANI) LOO GARBADUUBAY.
MARKAB GUUDKI LA SAARAY
GACAL SOW MA LAHAYN
WAXA GAALADA SIIYAY
GRACDII -------------- WEEYOO
GARKIISOO LA JARAA
MA GOOYAAN DHAMIDOOD.(DHAMAANTOOD).
Sidaas oo kale ayaa ina Cabdulle Xasan, muwaadinin badan oo soomali ah
Gaalo uga soo dhigay.
Waxaa ragaas ka mid ahaa boqor Cali yuusuf oo Talyaanigu Musawac ku
xiray.
Talyaan koofiyad dheerow
Dabadeed aad kalaantoo(hadashide)
Kadibtii aad shubtee(coffee)
Keenadiid ma wadaa.
Waxaan maqaalkna uga danlahaa inaan isku xiro(connection) dhacdooyinka
waxashnimada ah ee wadankeena ka dhacaya maalinkasta iyo arintaas
dhacday boqol sano ka hor. Taasoo muwaadiniin Somaliyeed loogu
gacangalinayo cadowgooda. Waa arin waligeed gumaysi kalkaalku ku kici
jiray. Waxaase ay tani dheertahay in wiil iyo awoowgiis ay isku shaqo
gumaysiga u qabataan iyagoo ay u dhaxayso dhawr fac ama hal qarni. Cade
Muuse Boqor waxaa awoowe ugu beegan Boqor Cismaan kii Talyaani u
xirxiray ninkii la oran jiray Calan Gube.
Waxaa had iyo jeer gudaha Puntland lagu dilaa ama lagu qafaashaa shacab
Somaliyeed oo halkaas magan u yimid. Waxay intooda badan ka yimaadan
Galbeedka Somalia ama Ogadenia. Waxaan la soconaa sida dadkaas loola
dhaqmay. Igoo aan hubaysnan ayaa inta la xirxiray loo dhiibay
cadowgoodii u haliilayay dhiigooda.
Waxaan xusuusinayaa Cade Muse iyo C/llahi yuusuf in taariikhdu xusi
doonto, sida ay u xustay boqor Cismaan.
Gaala raacyadii Talyaani,Ingriis, iyo xabashi u adeegi jiray waxay
isku dayeen in ay taariikhdaas cad saamayn ku yeeshaa oo ka been
sheegaan halyeeyadii difaaci jiray sharafta iyo diinta umada Somliyeed.
Suuro gal u noqon mayso hada inay taariikda ka been sheegaan. Maxaa
yeelay dadka oo intiisa badan wax qora waxna akhriya. Iyo aaladaha
wararka ama taariikhda lagu kaydiyo oo meel walba taala. Tan sedexaad
Cadde Muuse iyo C/llahi yuusuf iyo kuwa wararka u qora. Waxay sheegaan
ama ay qoraan wax iyaga lid ku ah oo dib ugu soo noqon doona.
Akhristow bal eeg maqaalada lagu qoro shabakadaha wararka u qora Cadde
Muuse iyo C/Laahi Yuusuf . Wararka ugu xiiso badan oo ay ku farxaan waa
sidan: "cidanka Ethiopia oo isku ballariyay xaafad hebla, ciidanka
Ethiopia oo Jawhar galay kana baxay. Nin sheikh ah oo maraykanku
raadinayay oo la helay, Bakaaraha oo madaafiic lagu garaacayo.
Gabagabo iyo gunaanad, waxaan umada Somaliyeed ka codsanayaa inay ka
feejignaadaan shirqoolada ay kaba qaadyadu maleegayaan. Sida
beerlaxawsiga qabyaalada, isku dirka,laaluushka iwm.
Nimankaasi cid ay metalaan ma jirto, qoyskastana nin xun,tuug,
jaajuus,kabo qaad waa ku jiraa. qoys aan cawro lahayn ma jiro. Waa in
aan ka fogaanaa inaan qabano ama fulino waxa ay doonayaan inaan samayno.
Sida is nacaybka, cayda, muranka, is eedayntaan aan dhamaadka lahay. Far
isku fiiqu(is eedaynta) waa calaamadaha lagu yaqaan markuu qofku ku
fashilmo ama gudan waayo waajibaad kii saarnaa.
Halgankuna waa guulaysanayaa. Taariikhduna way sheegi.
Waxaa jirta qaacido(formula) aan marna lagu murmi karin sida;2+2=4. laba
garab oo soomaali ah oo iska soo horjeeda waxaa xaqdaro ku taagan kan
gumasiga la safan.
WQ: A.H. NUUR
Email: g_greenearth@yahoo.com