SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 May 2008.

  • JWXO: Bayaan dhaleecaynaya dhiibista dadka Ogaadeenya .
  • Maamulka Bari oo xidhay oday dhaqameed ka hadlay dadka la dhiibay.
  • Bannaanbax wayn oo ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb.
  • Codadka Shacabka Dhegeyso ama mp3
  • Aragtida Halgamaaga: Dhegeyso ama mp3

======================

JWXO: Bayaan dhaleecaynaya dhiibista dadka Ogaadeenya .

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa isniintii shalay ahayd soo saartay bayaan kulul oo ay ku dhaleecaynayso heshiis qarsoodi ah oo dhex-maray gumaysiga Itoobiya iyo Maamulka Gobollada Bari, kaasoo ku saabsan in maamulka Bari uu gumaysiga Itoobiya u gacan galiyo dadwaynaha reer Ogaadeenya ee ka soo qaxay tacaddiga ciidammada gumaysiga iyo masuuliyiinta JWXO.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa iyaduna Maamulka Bari u ballanqaaday inay siinayso hub iyo tababarro millatari, waxayna tallaabadaasi si cad uga soo horjeedaa xayiraadii hubka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay dalka Soomaaliya.

Intii Maamulka Bari heshiiskan la soo galay xukuumadda gumaysiga Itoobiya wuxuu ciidammada gumaysiga Itoobiya u gacan galiyay dadwayne rayad ah oo inta la hubo gaadhaya 5 qof, kuwaasoo ka denbeeyay labo xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee JWXO oo iyagana uu maamulkaasi u dhiibay ciidammada Itoobiya.

Jabhadda Waddabiga Xoreynta Ogaadeenya waxay bayaankan ku sheegtay in qaqabashada ba’an ee ka socota gobollada Bariga Soomaaliya ay nabadgelyo daran ku keentay dadwaynaha Ogaadeenya u dhashay ee halkaas magangelyada u joogay, kuwaasoo ay dhibaatooyin ba’an la soo darseen. Sidaas darted waxay Jabhaddu ururrada caalamiga ah ee daneeya xuquuqda aadanaha ugu baaqday inay arrintaas isha ku hayaan.

Waxay sidoo kale Jabhaddu beesha caalamka ugu baaqday inay xil aad u wayn iska saaraan sidii dadwaynaha Ogaadeenya ee markoodii hore ka soo qaxay ciidammada bahalka ah ee Itoobiya ee ku sugana gobollada Bariga Soomaaliya loogu gudbin lahaa goobo aamin ah.

Jabhaddu waxay sidoo kale bayaankan ku sheegtay in Maamulka Bari uu masuul buuxa ka yahay natiijada ka dhalata dariiqa cadowtinimada ahee uu doortay.

Maamulka Bari oo xidhay oday dhaqameed ka hadlay dadka la dhiibay.

  • Cabdalla Jaamac Jibriil oo ciidanka Booliska Puntland xireen May 3, 2008 ayaa xorriyadiisii helay May 6, 2008 kaddib markii odayaasha Mudug arrinta soo dhexgaleen..

Maamulka Gobollada Bariga Soomaaliya ayaa subaxnimadii axadda ahayd xabsiga u taxaabay oday dhaqameed reer Gaalkacyo ah oo si wayn u dhaleeceeyay falkii nacabnimada ahaa ee maamulkaasi kula kacay dadwayne rayad ah oo Ogaadeenya u dhashay oo khamiistii uu gacanta ka galiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Cabdalla Jaamac Jibriil, oo ka mid ah oday dhaqameedyada sida wayn looga qaddariyo deegaanka Gaalkacyo, ayaa waraysi uu siiyay British Broadcasting Corporation wuxuu si wayn u dhaleeceeyay dadka reer Ogaadeenya ee cadowga loo dhiibay, wuxuuna sheegay in odayaasha iyo waxgaradku ay arrintaas tallaabo cad ka qaadi doonaan, hase yeeshee malleeshiyada maamulka Bari ayaa axaddii gurigiisa kala baxay, isla markaana ku xidhay meel aan la cayimin.

Urur xuquuqul insaan ah oo maxalli ah ayaa si wayn u dhaleeceeyay xidhitaanka odaygan iyo dadkii rayadka ah ee iyagana lagu wareejiyay ciidammada Itoobiya.

Bannaanbax wayn oo ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb.

Ugu yaraan 1000 qof ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalada Dhuusamarreeb ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo ka cadhaysan duqayntii ay diyaaradaha Maraykanku ku dileen hoggaamiye millatari oo ka tirsan ururka ka dagaallama dalka Soomaaliya.

Bannaanbaxan, oo magaalada Dhuusamarreeb lagu qabtay maalintii axadda ahayd, waxay dadwaynuhu ku dhawaaqayeen hal-ku-dhegyo ka dhan ah maamulka Maraykanka, waxayna dadwaynuhu sheegeen inay ka cabsi qabaan in diyaaradaha Maraykanku ay mar kale magaalada duqeeyaan.

Dadwaynahan ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanka oo wali dul-heehaabaya darted ay si wayn uga cabsanayaan in magaaladooda marar kale la duqeeyo.

06 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2008

baaqOdayaasha Gobolka Nugaal oo Bayaan ka soo saaray Dadkii Loo Gacan Geliyey Itoobiya.. Akhris/Dhegeysi

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS