SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Ku:Shacabka somali galbeed.
Ku:Isimada Puntland.
Ku:Shacabka Puntland.

Ka:Isimada, Aqoonyahanada, Culumo'udiinka, dhalinyarada beesha Awrtable ee ku nool caalamka oo idil.

UJEEDO: Canbaarayn falkii foosha xumaa ee ay Puntland ku dhiibtay dadka kasoo jeeda Beesha Ogaden.

kadib markii ay beeshu aragtay falalka foosha xun ee uu ku kacayo maamul goboleedka Puntland, ee lagu dhiibayo dadka kasoo jeedo deegaanka somali galbeed (ogadenia), ayna ku kaceen shaqsiyaad mansab ku raadsanayo shacabka aanan waxba galabsan, kuwaas oo aanan xeerinayn Somalinimo, islaamnimo, xigto dhaqan iyo dhiig toona.

kadib markii uu maamul goboledka Puntland uu weerar aan kala go' lahayn laguna soo qab-qabanyo dad aanan waxba galabsan uu kula kacay, waxay beeshu soo saartay go'aamadan.

1-Waxay beeshu cadeenaysaa sida ay ooga xuntahay falalka lagula kacayo dadka aynu walaalaha nahay ee kasoo jeeda beesha Ogaden.

2-Waxay maamul goboleedka Puntland usoo jeedinaysaa inay ka waantoobaan falalka foosha xun oo cadawga loogu gacan galinayo dad aanan waxba galabsan.

3-Isimada, culumo-udiinka, aqoonyahanada, dhalinyarada iyo dhamaan bulshada puntland waxay beeshu ugu baaqaysaa inaysan indhaha ka qabsan falalka foosha xun ee deegaanadooda kasoo cusboonaaday.

4-Waxay beeshu u tacsiyadeenaysaa eheladii iyo qaraabadii dadkii laga soo xirxiray maamul goboleedka Puntland.

Ugu danbeentii waxay beeshu canbaareenaysaa dhaman dadkii ku kacay falka foosha xun ee lagu soo qabqabtay dadka anan waxba galabsan ee xidid iyo xigaalba ay wadaagaan deegaanka Puntland. Allaha isku soo dumo quluubta Somali wayn.

Wabilaahi Towfiiq.
Waxgaradka beesha Awrtable.
Abdallah Mohamed.
abdallah0@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2008

baaqOdayaasha Gobolka Nugaal oo Bayaan ka soo saaray Dadkii Loo Gacan Geliyey Itoobiya.. Akhris/Dhegeysi

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS