Ardeygii daadka kuqaaday Malaysia oo Arbacadii lagu aasay qabuura kuyaala
Kuala Lumpur
Allaha u naxariisto waxaa maanta oo ah maalin arboco ah ey taariiqtu ku
beegantahay 15 Oct 08 lagu aasay qabuuraha (TANAH PERKUBARAN ISLAM LEBUHRAYA
KUALA LUMPUR-KARAN ) ee magaaladda kuala lumpur maraxuum MAXAMED XASAN ABU BAKAR
oo kamid ahaa Ardeyda Soomaaliyee ee waxbashada u joogta dalkaan Malasyia oo
maalintii doraato ahee si lama filaan ah uqaadey doox miya mareen ah oo kuyaala
xaafada somalida ubadantahay ee Taman Malati ee Kuala lumpur xili uu roob
mahiigan ah oo onkod wada ka da'ayey qeyba badan oo kamid ah magaalada caasimada
ee dalka malaysia.

Kadib baritaan ey ku sameeyeen policeka qeybta dambi baarka marxuumka oo ey ku
ogaanayeen sabaha keenay dhimashadda iyo dadka la socday markii uu shilka
dhacayey, waxaa marxuum Maxamed Xasan meydkiisa lakeenay masjidka SALAXU DIIN AL
AYUUBI oo kuyaala xaafada Taman Malaati halkas oo ey kula tukadeen salaadii
janaasada dad aad ufara badan oo ey kamid ahaayeen Ardeydii ey wax wada baran
jireen,asxaabtii ey wada noolaayeen iyo somali badan oo kunool dalkaan malaysia
kuwaas qaarkood kayimid xafadaa fog fog .
Guud ahaan dadka ka soo qeyb qalay aaska marxuumka ayaa laga dhehanayey
wajiyadooda tiiraanyo aad u sareysa oo ku aadan geeriga lama filaan ka ah ee ku
timid marxuum Maxamed Xasan Abubakar oo ahaa inan si fiican looga garanayey
xaafada somalida dagantahay, lahaana asxaab badan oo ey wax isla baran jireen
iyo kuwa kale ba
Sheeq C/qadir Colow oo kamid culimada soomaaliyeed ee kunool dalkaan ayaa
qabriga ka soo jeediyey muxaadaro axwaasha qabriga oo dadka ka soo qeyb galay
aaska quluubtooda dhaqaajisay kuna baraarujiyey in ey u diyar garoobaan malinta
aaqiro,sheeqa iyo dhamaan kadka ka aaska joogay ayaa uduceeyey in marxuumka Rabi
janatul firdowsa uu ugu bishaareeyo.
Marxuum Maxamed Xasan Abubakar ayaa ahaa wiil si wanaagsan ey uwada garaneysay
inta badan somalidda malaysia waxaa uu ahaa inan aad u dabci wanaagsan, marxuum
ka ayaa kayimid magaaladda mogadishu kahor inta uusan Malaysia soo gaarin isaga
oo daganaa xaafdda Buulla Xuubeey, halkaas ayuuna ku sooqaaday wax barashadii
isaga oo ka soo baxay dugsiga sare ee AL XIGMA sida ey ii sheegeen asxabta ey
rafiiqa ahaayeen .

Ugu dambeentii waxaa dadaal hagar lahaan ka geystay aaska marxuumka gudoomiyaha
ardeyda soomaliyee ee malaysia mudane C/raxmaan Ahmed muudey oo dadaal lataaban
karo ugalay, odayaal wax garad ah ayaa sidoo kale kaalin kageystay balse
dadaalka aan laqayaasin karin waxaa ka geestay Shirkadda xawaaladda iyo bank
DHAB SHIIL oo kafaalaqaaday dhamaan qarashaadka ku baxay aaska marxuumka taas oo
dhamaan ey aad u so dhaweeyeen dhaman dadka somaliyeed ee malaysia

Waxa halkaan tacsi kadiraya qaar kamid ah asxaabta marxuum ka
1- C/raxmaan Ahmed Muudey (gudoomiha ardeyda )
2- Saciid Xuseen cabdi (Macruuf)
3- C/qadir Mohamed Mahamuud (daadirey)
4- Mahamud Mahamed Xasan (xarbi)
5- Ismail Hussein Ahmed (Ciiloow)
6- Ahmed Bashir Xasan
7- Mohamud C/qadir (wadanolaasho )
8-Cabdul qaadir tamiil
9- Dahir Farax Nuur
Iyo dhamaan Ardeyda Somaliyeed iyo qoysaska ku dhaqan dalkaan malaysia
Saciid Xuseen Cabdi (Macruuf)
Kuala Lumpur- Malaysia
0060173257590
macruuf09@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2008
|