Arday Soomaaliyeed oo uu qaaday doox biya mareen ah oo ku yaala Malaysia.
Mid kamid ah Ardeyda Soomaaliyee ee waxbarashada u joogta dalka Malaysia ayaa
galabta gabal dhicii (Oct 13, 2008) waxaa qaaday tog miya mareen ah oo kuyaala
xaafada somalida u badantahay oo lagu magacaabo Taman Malati ee dalkaan
malaysia.
Tiro dhalin somali ah ayaa ka soo dareertay kubad ey ku dheelayeen garoon aan ka
fogeen meesha u ku yaalo dooxan biya marenka ah kadim markii uu roob mahiigaan
ah uu ku haleelay.
dhalintaa ayaa isku dayday in ey ka talaabaan togan biya mareenka ah, qaar kamid
ayaa katalaabay , balse sadex kamid ah ayuu la tagay markii uu in cabaar ah uu
sii waday ayaa nasiib wanaag waxaa ka badbaaday laba wiil halka midka kale uu
latagay.
Markiiba waxaa lawargaliyey ciidanka booliiska waxaana markiiba la keenay
gaari ambalace ah oo markiiba waxa ey baadi goob kusameeyeen togii ilaa hadda
wax heyb ah (Habeenimo Oct 13, 2008) lagama hayo wiilka nolol iyo geeri.
wiilka uu dooxa latagay oo lagu magacaabo Maxamed Xasan ayaa kamid ahaa dhalinta
waxbarashada u joogta dalkaan waxa uuna dhiganayey collage Englishka lagu barto
wali waxaa socanaya dadaalada sabata bixinta ah ey wadaan ciidan kapolice ka iyo
qaar kamid ah dhalinta somalida oo runtii si aad ah ugu hoowlan sidii ey ku soo
saarii lahaayeen wiilkaan nolo iyo geeri oo aan lahubin wali mida uu yahay
Wixii warar ah oo ku soo kordha akhristayaal waan idiin soo gudmin aniga oo
idiin balan qaadi doona in aan idiin soo gudbin doono sawirka willkaan saacadaha
soo socda iyo halka uu ku dambeeyo dadalka sabata bixinta ah ey iska
kaashanayaan police ka iyo qar kamid ah dhalinta Somalida
wariye Saciid Xuseen Abdi (Macruuf)
kuala lumpure-malaysia
0060173257590
macruuf09@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2008
|