SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

LABADA DUQ HA LAYSKU DAAYO!!! (Faallo)

Way is hayaan, khilaaf siyaasadeed ayaa u dhexeeya…, dhaqaalihii dowladda loogu deeqay ayey isku haystaan… Addis ababa ayaa looga yeeray…khilaafkoodii shalay la xaliyey haddana waa jiraa iyo hadalo kale oo qarqaraar ayaa ka soo yeeraysay mudaba madaxda dowladda, hase ahaatee haatan waxaa ishaya labada duq ee ugu xilalka sareeya haddana ugu waaweyn da’ ahaan oo lagdankoodu ka culus yahay kuwii hore.

Markii 4 sano ka hor dalka Kenya lagu dhisay dowladda TFG la yiraahdo ee marxaladii kala guurka midda colaadeed ka dhigtay, intii aysan ka bixin caasimadda Nayroobi waatii la ogaa inay maalin dharaar ah isku garaaceen kursiyo iyo feer sidaas ayey dalkiina tageen iyagoo isku wada ciilqaba wallow ay bilaabeen markii gudaha la gaaray inay kala baqaan, waayo ciidan shisheeye oo dilaa ah ayaa la keensaday.

Koox Cabdullaahi Yuusuf taageersan oo markii horeba ka soo jeeday golihii SRRC ayaa xoog iyo cudud yeelatay markii Baydhabo la degay oo la helay taageerada ciidanka Itoobiya iyo tan Maraykanka ee siyaasadeed, markaas ayaa sida ay duufeen la yaabay iyagoo kala garan waayey inay Itoobiyaan yihiin iyo inay Soomaali yihiin, waana la ogaa wixii dhacay.

Haddana, muddo labo sano ah kaddib iyagii (garabka Cabdullaahi) ayaa labo u kala jabay waxayna koox ka mid ahi la xiratay kooxdii kale oo iyana markoodii hore ka soo jeeday xubno ka yimid dowladdii Carta iyo kooxihii kale ee SRRC aan ahayn oo laga awoodda badnaa, waxaana meeshaas ka dhashay labo garab oo aan kala cod yarayn haddii baarlamaanku codayn u istaago.

Garabka ku lidka ah kuwa uu ku tashado Cabdullaahi Yuusuf ee mudanayaasha baarlamaanku waxay soo ifbaxeen ridistii Cali Geedi iyo wixii ka dambeeyey, waxaana hadda qilqiil ku jira in madaxweynuhu uu kalsooni ku qabo in uu baarlamaanka ka heli karo cod ku filan haddii ay noqoto in xukuumadda cusub la rido ama ra’iisul wasaaraha in xilka laga qaado loo codeeyo.

Marka la eego tayada xildhibaanada ee ku adkaysashada mowqif siyaasadeed laguma tashan karo haddana odayga Cabdullaahi ah oo horaanba ugu tiirsanaa taageerada Itoobiya ayaa hadda u muuqda inuu taasna waayey.

Cabdullaahi Yuusuf oo ah xidig dhowr jeer qaaday koobka guusha tartamada dowladda dhexdeeda, hadda wax xoogaa ciriiri ah ayuu galay walow ciyaari tahay gelin dambe oo laga yaabo inuu odaygu dib ka karaar qaato.

Khudbadii madaxweynuhu jeediyey markii ugu dambeysay waxay ahayd mid quusi ka muuqatay oo madaxweynuhu sursuur inuu ku jiro ayuu qirtay hadaladiisii caanka ahaana meesha kama sheegin maalintii dhaweyd, waayo madaxweynuhu wuxuu caan ku ahaan jiray inuu faano ama arrimo uu ku guulaystay ama horseeday ka soo sheekeeyo.

Cabdullaahi Yuusuf, si kasta oo ay hadda uga ciirsan tahay, haddana sidii horeyba uu ugu celceliyey waa ma quuste oo inuu samri waayo ayey u badan tahay, waxaana haddeerba la leeyahay wuxuu madaxweynaha Liibiya u aaday in Meles Zenawi iyo isaga uu dhexdhexaadiyo, maadaama uusan sinaba uga maarmin Itoobiya, haddii uu waayana ay dhigan tahay isagoo xilka ka degay.

Odayga kale ee Nuur Cadde wuxuu horey ugu bareeray in Tareen socda oo darawalo badan oo aan xirfad lahayni wadaan uu raaco, isla markaana tareenkaas inuu wax uun ka qabtay in la badbaadiyo dadkii badnaa ee saarnaa ayaad muudaa, hase yeeshee hadda taasi uma sii socon doonto haddii uusan guusha koobka ka qaadan duqa kale.

Labada oday waa niman hal adag oo aad moodo inaysan isku tanaasulayn sidaas darteed shacabka naxashka saaran ee dowladdii Imbagati lagu dhisay ay dishay in la duugi waayo inay gaarsiiyaan ayaa cabsidu tahay, markaas sidaas leeyahay shacabka Soomaaliyeed oo dhowr iyo toban sano ku jiray dhibaato halakaysay ayey dowladdani u horseeday dhib kii hore ka ashahaatay.

Jiritaanka dowladdan jacayl looma hayo oo dadka Soomaaliyeed inay kala tagaan kuwani oo la raadsho cid kale oo hoggaamisa dalka ayaa ay xiisaynayaan kumana rajo weyna in dowladda labada duq hoggaanka u hayaan ay dhibka haysta ka saarto.

Tartanka xagga awoodda ee u dhexeeya labada duq oo ku salaysan in nin walba xubno saaxiibo la ah uu ku soo daro xukuumadda cusub, si dowladda uu isagu saameynta ugu weyn ku yeesho cid dowladda dhexdeeda ah oo isku howlaysa dhexdhexaadintooduna ma jirto, hase yeeshee taas bedelkeeda xildhibaanada baarlamaanka ama hay’adda sharci dejintu waxay u arkaan intooda badan khilaafkaan mid fursad ah oo shaqshaq lacageed ugu jiro, taasi ayaana keenaysa in dowladdu u ekaato qawlaysato laysku keenay.

Mar haddii aysan muuqan cid gudaha ah oo labada duq u garsooraysa, dowladii Itoobiya ee dusha ka lahaan jirtay maamulka TFG-na ay u dayrisay waa in labada duq laysku daayo kii ku soo baxa tartankuna uu maamulka dowladda sii wado.

Cali Diini Geedi

diinicarab@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2008

cwaaxidWasiirka Federaalka, Dastuurka, Dibu-heshiisiinta iyo Horumarinta Gobolada
Cabdi waaxid Cilmi Cumar ee Dhowaan la magacaabey oo Somalitalk wareysi siiyey... Akhri...

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid {Jinni Boqor} "Xaalada Cabdullaahi Yuusuf waxay ku dhamaan doontaa, halkii uu ku dhamaadey saaxiibkiis Mingiste Xeyle Maraam".... Akhri....

bankaxPuntland oo ka Jawaabtey Qoraalkii Kusoo baxay Warsidaha AGE NEWS
iyo Gen. Cadde Muuse oo ka hadlay Burcadda badda
Dhegeysi/akhris

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS