Socdaalkaygii Soomaaliya 2008 - Qaybtii 2aad
Ma ogtahay ka aad tahay: Musharax mise Meel-xun-mare! Shirkii shaydaanka
29. november 2008
Waxaan galabta soo booqday Jaamacada Bariga Africa (EAU), waxaan ka soo noqday
aniga oo faraxsan, laakiin nasiib darada farxadaydii waqti dheer siima socon.
Magaalada ayaan ku soo laabtay qiyaastii markii ay saacadu ahayd 17:30, waxaa la
adimay maqribka. Salaada ka dib waxaan wacay saaxiibkay oo aanu balan sanayn
“xagee joogtaa iyo halkaa... waan kugu dhawahay iyo waan kuu imahayaa...” ayaanu is waydaarsanay. Intuba intii ka dhaw, markii aan sidaa usoo istaagay
meeshi aanu ku ballanay waxaa la riixayaa baabuur qurux badan oo ah nooca lagu
raaxaysto (first glass in Somalia)! Dhalinyaro caruur u badan ayaa ku buuqsan,
waxaan u qaatay in ay la yaaban yihiin baabuurkan qaaliga ah ee la riixayo,
taabashadiisaa “laga yaabee inuu xiisa gaar ah u leeyahay” ayaan iskula faqay,
waayo marka luuqyada ay wada la’aantu ka jirto uu marayo dabada ayey qabsadaan,
marka uu laamiga marayana finiinka dhagaxa uu tuurayo ayey ka gabadaan. Si kastaba ha ahaatee meesha uu taagnaa waa dhul aad u rafaadsan oo ay ku
yaaliin buushash, boholo iyo dhaxaan taagtaagan, mooska (kebis) wadada oo aad
loo dheereeyey ayaa dhinaca kale ka xiga, way adagtahay in si sahlan loo riixo,
laakiin baabuurku meel far la saaro ma leh... sidaas oo ay tahay “waar maad
gacan nasiisaan oo baabuurka nala riixdaan..” ayaanu ku war helnay darawalkii oo
leh. Waxaanu nahay daacad iyo xog mooge dhinaca ayaanu ka galnay, muddo ayaanu
marba dhan u dilin dilaynaynay oo marba dhagax iyo bohol ka dul haatinaynay,
markii aanu daalnay ayaa qofba meel ku hadhay, halkaas ayaa iigu war
danbaysay[1]... Ninkii aan raadinayey ayaanu is helnay, laakiin wuxuu u muuqdaa nin hawli ku soo
korodhay. Markii aanu is bariidinay wuxuu ii sheegy in maanta si degdeg ah loogu
soo war geliyey inuu musharax Ducaale Tab-ka-toose uu imanayo, arintaana uu
isagu oday ka yahay, hawshuna ay tahay mid culus. “...goorma iyo saadanbe ayaanu
is waydaarsanay...), hadana sidii loo soo dhawayn lahaa ayaanu ku guda jirnaa,
shir lagaga arinsanayo sidii musharaxa loo soo dhawayn lahaa ayaanu u balan
sanahay hadda... Sida muuqata saaxiibkay ma hayo waqti badan oo aanu ku sii wada hadli karno,
wuxuu i waydiiyey “ma shirkaad noo raaci mise waqti kale ayeynu isu
nimaadnaa...?”, waxaan iskula faqay oo maad caawa musharaxa iskala soo
ololaysay! “shirka ayaan idiin raacayaa” ayaan ugu jawaabay... Meel kale lagama
gaadho “war bal xaafadaha inagu leexiya”. Waxaanu tagnay guri si degdeg ah loo
diyaariyey. Waxaa goobta ku kulmay wakiilo, dad waayo aragnimo gaara u leh
arimahaas sida ay sheegeen, qaban qaabiyaal, dilaaliin iyo gurdan raac sidayda
oo kale ah. Wuxuu hadalkii ku bilawday sidii loo soo dhawayn lahaa musharaxa,
waxyaalaha loo baahan yahay, qaabka iyo meesha laga heli karo iyo cidii loo
xilsaari lahaa. Waxaa markiiba soo baxay kala aragti duwanaan, waayo cidina isma
waydiin markii hore “sidee u soo dhawaynaa musharaxa...” sidaa awgeed waxaan u
qaatay in hawshu tahay mid la isla soo meel dhigay oo dhamaystirkii uun u
baahan. Waan ku qancay hadii ay jiraan wax si gaar ah loogu soo heshiiyey,
hadana waxaa markiiba ii soo baxday dhaliilo badan iyo inay jiraan is barbar
yaac, aragtiyo iyo ujeedooyin kala duwanaan, durbaba dhawr dalab (order) oo aan
la isla ogayn isla markaana isku mid ah ayaa soo baxay. Waxaa soo baxay nadaama
xumo, qorshe la’aan, beel u hadal, koox u hadal iyo anaga qaban qaabada wax ha
nalaga siiyo... Hadalkii baa dheeraaday, laakiin wuxuu dhaafi waayey asaaskii ay dejiyeen laba
farsamayaqaan oo sida iiga muuqatay iyagu hawsha inteeda badan mar hore soo jaan
gooyey odaygana kula soo gabaday. Waxaa isku soo hadhay baahidii iyo soo
dhawantii sidan ayaana xaalku u dhacday: Qaybaha bulshada iyo hilbaha musharaxa:
- Rag waa garabe, wixii la arkaa waa inaga wixii la dhegaystaana waa isagaa.
- Ururka haweenku wuxuu sheegtay xirfad iyo waayo aragnimo dheeraada, weligeedna
lagama xaragoon meel aanu isagu agaasinkeeda majaraha u hayn.
- Uruka dhalinyarada, la yaab ma leh, waa dhalin qori iyo qabiil, duruufta ayaa la
gashay inay soo bandhigaan wixii lagu canqariyey, lagu ababiyey, laguna
quudinayo.
- Dhaqanka qabiilka ayaa ahaa mid goobta si wayn uga dhex muuqda, dhamaan kooxaha
ayaa ahaa kuwo aan lagu abaabulin qaab xisbi iyo feker toona, taasina waxay
hal-abuurka, hadalka, xidhiidhka (communication), abaabulka, anfaca
(accommodation), kulamada iyo qorshayaashii ka dhigtay kuwo si la yaab leh oo
xidhiidh ah u dhex marayey gacmo gaara oo qabiilaysan (systematic clan
corrupting SCC).
Qaabka soo dhawaynta musharaxa
- Qadiifad guduudan oo ay hareeraha ka tuban yihiin safaf dhalinyaro kala duwan,
iskuna midab iyo lebis ah.
- Farsamayaqaaniin dhinaca durbaanka iyo sacabka ku xeel dheer ayaa xulashadoodu
waqti qaadatay.
- Waxaa iyana la isla meel dhigay cod-baahiyayaasha, kooxaha, heesaha iyo
warbaahintu sidii ay jaanta isula heli lahayd.
- Dhinaca gaadiidku wuxuu ahaa mid muhiimadiisa leh, isla markaana uu ka dhacay
wada hadal dheer iyo gorgortan aynu qaarkood xusi doono, wuxuu ku geba geboobay
sidii loo heli lahaa 30 baabuur oo xarago ah (first glass), 10 derajada labaad
ah, 10 bas, waxaa intaa dheer gaadiidka asxaabta, qaraabada, qaban
qaabiyayaasha, gurmadka baabuurta waawayn oo iyaga aan tiradooda la xadidin iyo
gaadiidka ciidanka iyo nabadgelyada, waxaa intaa ka sii xiiso badnayd qaabka
diyaarada looga soo dejinayo... (diyaaradu waa tee?).
- Waxaa la isku raacay hal ku dhiga soo dhawaynta sida dal yaqaan, dad yaqaan,
aqoon yahan... in wax la qoraa fududaa, masuuliyad la isu taagaa raqiisana
(cirka iyo dhulkaa diiday).
- Dhinaca daryeelka wax badan lagama taataaban, balse hoteelka, nabadgelyada iyo
walaclayntu (xaragada) waxay ahaayeen kuwo aan meesha ka madhnayn.
- Dhinaca amba-baxa, sida muuqata wadadu waxay ahayd mid dano gaar ah ay ku xidhan
yihiin, qaabkuna wuxuu u ekaa sibraar la weerjinayo (sibraarku marka ay wax ku
jiraan dhulka lama dhigo sababo badan awgood...).
Qaabka shaqada: Qiimeeyey qaabka kulanka, guda galka shaqada, mudnaanta, qiimaynta (costs, time
and results) waxay ahayd shaqo aan horay looga soo fekerin, aan lahayn hogaan
lagu midaysan yahay, arimuhu marka ay sidaa noqdaana waxay saameeyaan hab
dhaqanka dadka, socodsiinta shaqada iyo maxsuulka ama wax soo saarka (behaviour,
studies and analyses). Wax waliba waa kiro haday ahaan lahayd kooxaha kala duwan
ee hawsha qabanaya, warbaahinta, gaadiidka, ciidanka iyo xataa kuwa shaqaynaya.
Xaaladu marka ay heerka gaadho waxay abauurtaa asaraarka unuga sida go’aan
qaadashada, dhaqaalaha, nabad gelyada, iyo gaadhista hadafka la doonayo, waxaa
ka abuurmi karma falaago..., taasina waxay siyaabo kala duwan u saamayn kartaa
maslaxada guud iyo deganaanshaha. Meel marinta qorshayaasha shaqo Meel marinta qorshayaasha waxaa qayb muhiima ka qaata sidii loo qeexi lahaa
ujeedada iyo istaraatiijiyada la qaadanayo (intelligent behavior). Hadaba waxaan
goobta ka muuqan wax qorshayaal ah oo ka baxsan sidii musharaxa loo raali gelin
lahaa. Waxaan meesha ka muuqan ujeedada iyo sida laga yeelayo arimaha ugu
muhimsan sida qaabka maamuuska (the real one) hogaaminta, kulamada, gorgortanka,
ballan qaadyada iyo wax kala iibsiga, waxay ku dhisnaayeen aynu sidaa yeelo iyo
waayahay... Jawiga shirka: Saddex saacadood ku dhawaad oo shirku socday, wuxuu hadalku u socday qaab
gorgortan, baayactan iyo waxyaalo aan dani ku jirin, alla kursigu adakaa,
samirku dheeraa, dheguhu dulqaad badanaa, indhuhu gabaxlayn badanaa, illeen (yaa
ilaahii) dareenka adigu ma xukuntid. Waxaa laga hadlay qaabka doorashada (cida
wax dooranaysa) waxaa la sheegay in kooxda isimada wax doortaan, xaga kulamada
waxaa lala kulmayaa cuqaasha qabaa’ilka, isimada iyo siyaasiyiinta, iyaga ayaana
gorgortanka lala gelayaa oo doorashada ugu danbaysa leh. Waxaa dhacaya dhacaya
baayactan badheedh ah oo ku saabsan mid maaliyadeed (wax kala gadasho cadaan
ah), mid martabadeed iyo ballan qaadyo (lobby) gaar ah. Waxaan ilaaway dhamaan wixii aan galabta maskaxda ku soo qortay, goobtana waxaan
u qaatay inaan shir shaydaan ka qayb galay. Waxaan dhex jibaaxay fekero kala
duwan aniga oo is waydiinaya waxa arimahan kaliifay. Waxaan u arkay in dadku
yihiin dad wax maqla oo aan waxba akhriyin. Waa dad loo iib gayn karo hadba
ujeedada la doonayo in laga fushado. Sida ii soo baxday waxaa arintaa lagu
sababayn karaa laba arimood oo waawayn, kuwaas oo kala ah: Ugu horayn in dadku
yihiin, khaasatan kooxaha isku xidhan ee xaga dhaqanka (hogaanka iyo shacabka
caadiyaga ah) iyo golayaasha siyaasadu kuwo aan lahayn aqoon dheer oo isbedel ay
ku keeni karaan, sidaa awgeed waxay ka siman yhiin inay adeegsadaan ama ka
duulaan dhinacyada dacaayada iyo qabaa’ilka. Dhaqdhaqaayadooda gorgortan ayaa ah
kuwo had iyo gooraale loo iib geeyo suuqyada iyo meelaha fadhi ku dirirka.
Arinta labaad ayaa ah mid la xidhiidha dhinaca xidhiidhka (communication) sida
is gaadhsiinta (warbaahinta iyo dhinaca kulamada ama xidhiidhka) iyo dhismaha
mujtamaca, dhinaca xuquuda ayaa iyana la odhan karaa dadku waxay u badan yihiin
kuwo aan fahan sanayn waqtigan waxyaalaha ay xuquuqda u leeyihiin.
Tusaale waafi aha waxaynu u soo soo qaadan karnaa suuqa ganacsiga ee boosaaso,
oo ah mid muhiima ah, sida muuqata ganacsatadu waa mid aan lahayn urur ganacsi
oo taaba gal ah, kaasoo danahooda ka shaqayn kara. Waxay si midaysan ugaga
faa’iidaysan lahaayeen xuquuqdooda, waayo waxaa maalintii magaalada soo gala
kumanaan baabuur ah oo badeecad keenay ama qaadaya. Hadaba maxaa ganacsaduhu
xuquuq u yeelanayaa ama loogu yeelanayaa si ganacsigiisu u koro, dabcan
nabadgelyo, garsoor cadaalad ah, wadooyin uu adeegu ku socon karo, iyo adeega
kale sida dayactirka, daryeelka, isgaadhsiinta, ilaalinta deegaanka iwm. Marka aan u soo noqdo shirkii shaydaanka, gebagebadii ayaan hadalka qaatay,
iyadoo aan si wayn ula socdo jawiga, masaalixda gaarka ah iyo go’aan qaadashada
shirka: Waxaan soo jeediyey hal qodob oo odhanaya “walaalayaal mar hadii aanu
dadwaynuhu waxba dooran karayn looma baahna inaan hawl intaa le’eg galno, arinta
meel kale oo laga geli karo ayaa jirta oo ah; in aynu musharaxa si wanaagsan oo
caadi ah garoonka ugu soo dhawayno, meel dejino, inta hawlahaasi socdaan waxaynu
u diyaarinaynaa gudi isugu duba rida meelaha dantiisa musharxnimo ay ku xidhan
tahay. Intaa kadib dadka wejigiisa ayaan eegay, waxaan dareemay sida arintaasu dad
badan u welwel gelisay, kadibna waxaan dib ula noqday qodobo kale oo aan
doonayey inaan goobta ku soo bandhigo... Muuqaal ka mid ah Boosaaso:
Sida aan xog ku helay waxaa magaalada oo dhan ka hawl gala 17 shaqaale ah, sadex
baabuur iyo hal wiish oo dhamaan leh muuqaal iyo wax qabadka aad sawirka ku
aragto, waxaa magaalada ku yaal 5 meelood oo loogu talo galay in qashinka la
geeyo, malaha dayr, dayactir, qalab looga shaqeeyo, qaab iyo siyaasad u degsan
oo qashinka loo basriyo, shaqaaluhu waxaa dadka soo barakacay waxayna ku nool
yihiin meelaha qashinka la dhigo, waayo boodhka, hadhaaga (qashinka) iyo wixii baahan waa ku derbiyada... dadka
magaalada degan cidina ma taqaan tira koobkooda, laakiin dawr boqol oo kun (3-4
bol oo kun) ayaa lagu qiyaasaa... Hal ku dhiga maanta iyo Ururka Horumarinta Hawd
(Hawd Developmental Agency HDA)
(Hawd Developmental Agency HDA) Email:
hdacentre@yahoo.com , kala xidhiidh Buhodle.
Ma leedahay khibrad aad ku odorisi karto xaalada Soomaaliya, kaga faaloon karto
habdhaqanka musharixinta, maamulada iyo masuuliinta fadlan ka qayb qaado,
runtana ka sheeg...
__________
[1] Arinta baabuurka, waxaan gadaal ka ogaaday in baabuurka la riixayey arintiisu u
ahayd xirfad ku salaysan sidii lagu heli lahaa qarash caawa suuqa lagu gelo,
balse iswaydiintu waxay tahay baabuurka yaa lahaa, dadku maxay ahaayeen,
qarashka yaa la laga rabay, maxaa sababay in arin sidan oo kale ay dhacdo iyo...
iyo ... iyo ... iwm. Arimaahaas oo dhan waxay noqdeen xog ay ii suuro gashay
inaan wax ka ogaado, kadibna waxaa igu dhalatay inaan maqaalkan qoro....
Waxaa diyaariyey Hassan Nuur
jointgroup@gmail.com Faafin: SomaliTalk.com |
December 1, 2008 |