SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Maxaa ka jira in Cabdulaahi Yuusuf uu codsadey in Xilka loogu kordhiyo Muddo Saddax Sanno ah

iyadoo maalmahan Magaalada Muqdisho uu ku sugnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aaadan Madoobe ayaa warar aan ka helney Rag si aad ah ugu dhow Madaxweynaha DFKMG Cabdulaahi Yuusuf ayaa inoo sheegey In Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Kulan qaatey muddo dhowr maalmood ah la yeeshey Shiikh Aadan Madoobe waxaana kulankaas la iskula soo qaadey arimo fara badan oo ay ugu horeeyaan waxa laga yeelayo Mooshinka ka dhan ah Raiisul wasaaraha Nuur Cadde oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid xubnaha Baarlamaanka ka dib markii Nuur Cadde ay sheegeen in uu ka soo bixi waayey balamo fara badan oo uu hare u sheegay sidoo kale Cabdulaahi Yuusuf iyo Shiikh Aadan Madobe waxaa kale oo ay isla soo qaadeen qaabka ka qaybgalka Shirka dib u heshiisiinta ee ka furmaya 31 Bishaan Magaalada Jabuuti waxaana la sheegay in Cabdulaahi Yuusuf iyo Nuur cadde ay isku khilaafsan yihiin waxaana lagu waramey in Madaxweyne Yuusuf uu soo diyaariyey liis ka duwan midkii uu hore uu ugu diyaariyey Nuur Cadde

Arrimaha kale ay isla soo qaadeen Cabdulaahi Yuusuf iyo Shiikh Aadan Madoobe ayaa waxaa ka mid ah markii Cabdulaahi Yuusuf uu ka codsadey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe in Xilkiisa loogu darro Muddo Sadax sano ka dib markii Cabdulaahi Sheegay in Dowladda ay ka khasaartey Muddo Sadex sanno ah gaar ahaan Xiligii uu Raiisul Wasaaraha ahaa Cali Maxamed Geedi sidoo kale madaxweyna ayaa u sheegey Shiikh Aadan Madoobe in shacabka Soomaaliyeed aysan 2009-lka aysan ka bixi karin Doorasho xor ah , wuxuu kaloo sheegey in waxaas oo dhan ay ka horeeyaan sidii shacablka loogu baarbaarin lahaa Destuurka Federaalka waayo ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf 2009 shacabka uma bislaan in ay galaa Doorasho Dastuur isagoo sheegey in ay u baahan yihiin in la baro Dastuurka Federaaka

Arimaha uu soo jeediyey Madaxweynaha DGFKMG Cabdulaahi Yuusuf ayaa la sheegay in ay ku adkaatey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh aadan Madoobe waxaana lagu waramey in shiikh aadan uu u sheegay in uu la tashi la soo sameeyn doono Baarlamaanka hase yeeshee qorshaha uu soo jeediyey Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxaa lagu waramey in ay ku taageersan tahay Dowladda Itoobiya waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Cabdulaahi uu u baqoolo Magaalada Adis- Ababa si uu qorshahan uu ugala soo hadlo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Milas Zanawi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xubin ka tirsan Goolaha Isbahaysiga dib u xoraynta oo Shir Jaraa'id ku Qabtay Nairobi...
iyo Soomaalida barata Culuumta Siyaasada oo ku baaqay in la taageero doorashada lagu madalsan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo 2009. Dhageysi/Akhris.. May 30

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS