SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006



Xubin ka tirsan Goolaha Isbahaysiga dib u xoraynta oo Shir Jaraa'id ku Qabtay Nairobi...

Maxmed Aadan Barre oo ka tirsan Golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo Khamiistii May 29, 2008 Shirjaraa'id ku qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya islamarkaasna taageeray Mowqifka Shieklh Shariif Shiekh Axmed uu ku doonaya in uu DFKMG kula hadlo...

Soomaalida barata Culuumta Siyaasada oo ku baaqay in la taageero doorashada lagu madalsan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo 2009.

Maxmed Xuseen oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Culuumta Siyaasada ka barata Jaamacadaha wadanka Shiinaha ayaa ka codsaday Bulshada Caalamka in la taageero doorashooyinka lagu sanadka 2009 lagu wado in ay ka qabsoomaan Soomaaliya.

Isaga oo la soo xariiray Wakaalada Wararka ee Maaryaa News Agency
Ayuu Maxmed Yiri "Shacbiga Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka waxaan waa iney taageeraan siyaasiyiinta aqoonta leh ee jecel iney ka qeyb galaan doorashada soo socota".

Maxmed Xuseen oo ka mid ah koox Soomaali ah oo culuumta Siyaasada ka barata Jaamacada Shiinaha ayaa xusay in dhibaatooyinka ka aloosan Soomaaliya looga bixikaro hogaan ay qabteen Siyaasiyiinta aqoonta leh ee masraxa Siyaasada aan kusoo fuulin awood sheegashada balse wato qalinka oo ah aqoonta ay ku hubeysan yihiin.

Siyaasiyiinta aqoonta leh ee gudaha iyo dibada Soomaaliya ku sugan ayuu ugu baaqay in aysan ka leexleexan isku taagista xilalka sare ee dalka, inkastoo uu muujiyay in awooda qalin sidaha ay aad ugu sareeyaa kuwo ku hubeysan Qoriga oo in ka badan 17- sano ku tagrifalayay dalka.

Mr Xuseen waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyay qabsoomida doorashada sanadka nagu soo fooda leh ee 2009 lagu madalsan yahay in ay ka hirgasho Soomaaliya, taas oo uu ku sheegay mid haatan beesha caalamka ay si xoogan u dardargalineyso, isagoo dhinacyada Siyaasada Soomaaliya ugu baaqay in ay muujiyaan u tanaasulida Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu rajo ka muujiyey in ay qabsoomeyso doorashada sannadka soo socda, ee caalamku uu haatan sida xoogan u hadal hayo, wuxuuna u soo jeediyey qeybaha siyaasadda ee Soomaaliya iney u tanaasulaan sahacabka dhibaateysan.



Max'ed Xuseen wuxuu ka mid yahay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Shiinaha, isagoo dhigta kulliyadda Siyaasadda iyo Luqadaha, wuxuuna sheegay inuu daneeyo siyaasadda, uuna si toos ah ula socdo xaaladda dalka Soomaaliya.


Muxyadiin Axmed Rooble (Saadaat)
Somalitalk – Nairobi
Email: saadaam_7@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2008

Hayadda Ospad oo qabatey Siminaar ku saabsan Cudurka AIDS-KA

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS