Zuma oo la kulmay Madaxda Soomaalida K/Afrika , kana hadlay
Dhibaatooyinka Soomaalida
Jacob Zuma “ Soomaaliya inta aan tagay tirokoob ma leh,
sida eey dalkeena u saacideyna xisaab ma leh, xittaa sirdoonka
ANC ayaa ku safri jirey baasaboorada Soomaaliya, hubna waa eey
nasiib jirtey”.
Madaxweynaha
ANC ee dalka K/Afrika ayaa markii ugu horeysey shaaciyey sir
qaran oo ku saabsan gacantii eey Soomaaliya ka geysatay
halgankii lagu xoreeyey South Afrika, Zuma ayaa la hadlayay
Kumanaan dadweyne ah oo isugu yimid kulan ka dhacay jaamacad ku
taala Pretoria, kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshey madaxda
jaaliyada Soomaalida dalkani, kaas oo yimid xilli rabshadaha
shisheeye naceyb ka ah eey sii faafayaan.
Kulan balaaran oo kumanaan dadweyne ah eey kasoo qeybgaleen,
ayaa waxa uu ka dhacay xaafada ka tirsan caasimada dalka
K/Afrika ee Pretoria, halkaas oo uu dadka kula hadlay
madaxweynaha xisbiga talada haya ee ANC, kulanka ayaa looga
hadlayay sidii loo xalin lahaa rabshadaha sii faafaya ee
ajaaniibta ka dhanka ah, gaar ahaan Soomalida oo ah
dhibanayaasha ugu baddan.
Carte iyo Ugaas M shugri
Inta uusan Zuma kulanka ka hadlin waxa uu kulan albaabada u
xiranyahay la yeeshey madaxda Jaaliyada Soomaalida dalkani oo uu
horkacaya Axmed Dawlo iyo Dr. Cabdullaahi Carte, iyo Maxamed
Shugri, kulanka oo eey goobjoog ahaanyeen madax kale oo dawlada
ka tirsan, ayuu Zuma madaxda Jaaliyada kaga warqaatay baaxada
Dhibaatada Soomaalida heysata iyo sidii wax looga qaban lahaa,
waxaa halkaasi warbixin faahfaahsan oo dheer Zuma siiyey
Agaasimaha guud ee Jaaliyada (Somali Association of South
Africa), Axmed Dawlo , oo ku dheeraaday baaxada Dhibaatada
Soomaalida heysata iyo sida sannooyin baddan eey dhibaatadaasi u
taagneyd oo aanan waxbo looga qaban,Axmed Dawlo waxa uu mahad
celin balaaran u jeediyey dawlada dalka oo uu sheegey in marka
la eego siyaasadaha muhaajiriinta quseeya eey yihiin kuwa
aduunka ugu wanaagsan, balse waxa uu ka cawday in fulintii iyo
hergalintii siyaasadaasi uu dhib ka taaganyahay oo aanan la
fulin, taas oo uu Zuma garwaaqsaday, Axmed Dawlo ayaa Jacob Zuma
u sheegey in tirada Soomaalida ah ee muddo 10 sanno lagu diley
dalkani eey dhantahay 472 qof oo uu ugu dambeeyey wiil
dhalinyaro ah oo shalayto lagu diley magaalada Cape Town, Zuma
ayaa arrintaasi aad ola tacajabay, wuxuuna muujiyey murugo iyo
qowmamo uu arrintaasi ka qabo oo wajigiisa laga dheehan karay,
Dawlo aya hadalkiisa kusoo koobey in eey oga fadhiyaan dawlada
dalkani iyo xisbiga talada haya in wax laga qabto dhibaatada
heysada Soomaalida iyo guud ahaan ajaaniibta.
dawlo vs SABC
Jacob Zuma ayaa hadalkii qaatay, wuxuuna u mahad celiyey madaxda
Soomaalida ee goobta joogtey, wuxuu dadkii kulanka fadhiyey
xasuusiyey taariikhda Soomaaliya eey la leedahaya dalkani, oo uu
sheegey in doorkii eey Soomaaliya ka qaadatay halgankii xoreyta
midab takoorka uu yahay wax lama hilmaamaan ah, wuxuu yiri
“marar aad u baddan ayaan Muqdisho tagay, xitttaa inta goor eey
aan tagay ma garanayo tira badnideeda, Madaxweynihii iyo
Shacabkii Soomaaliya waxa eey noo ogolaadeen in aan hubkeena ku
keydsano gudaha Soomaaliya, fagaarayaasha aduunka ayay naga
taageereen, xitttaa waxay sameeyeen arrin uusan dal kale la
wadaagin oo ah in xittaa saraakiisheena sirdoonka eey ku safri
jireen baasaboorada Soomaaliya oo taasina eey ogoleyd dawladi
Siyaad Barre, Soomaaliya abaal weyn ayaan u heynaa, waxa aan ugu
abaalgudnana ma ahan in aan dilno, dhacno oo aan noloshooda
cariiri galino, maanta waxa eey nooga baahi badanyihiin ma
jiraan”. Zuma oo sii hadlayay ayaa sheegey in tirada Soomaalida
dalkani ku dhimatay eey tahay mid aad looga naxo, isla
markaasina eey tahay in talaabo quman laga qaado sidii cadaalada
looga fali lahaa arrintaasi, wuxuu sheegey in gudi heer qaran ah
uu u saaro doono.
Zuma iyo Dr. Carte
Kulanka oo albaabada u xirnaa saxaafadana aan loo ogolaan, ayaa
waxaa sidoo kale fadhiyey saraakiil ka socotey UN-ka, kuwaas oo
dhaleeceen kala kulmay Zuma, wuxuu weeydiiyey “horta idinku
sidiinaba qaxootiga maxaad u qabataan ?, wax is weeydiini ma
xumee, aduunka meelo baddan ayaad joogtaane, oo aad waxyaalo
baddan qaxootiga u qabataane, dalkan qaxootiga ku nool maxaad u
qabataan, bal noo sheega oo noo sharaxa?”. Hadalkaasi ayaa si
weyn usoo jiitey ergadii meesha fadhidey, Dr. Cabdullaahi Carte
oo kulanka fadhiyey ayaa ii sheegey in kalmadaasi uu Zuma UN-ka
ku yiri eey aheyd mid xilli dheer loo baahnaa, isla markaasina
uu yahay war dhiilo leh xaga UN-ka oo eeysan jirrin wax eey u
qabtaan qaxootiga, wuxuu ii sheegey in Zuma uu shir la
balansaday UN-ka oo uu sheegey in uu rabo in uu kala hadlo
arrimaha qaxootiga.
Markii uu kulankaasi qaaska soo dhamaaday, Zuma oo si weyn
amaankiisa loo sugayay, ayaa waxa uu usoo dhaadhacay
Istadidyuumka (garoonka ciyaaraha), oo eey buux dhafiyeen
kumanaan dad weyne oo ah dadka degaanka xaafada Mamelodi oo
aheyd meesha kulanka uu ka dhacayay, isla markaasina billo ka
hor aheyd meeshii rabshadaha ajaaniib naceyb ka uu ka bilowdey
oo Soomaali baddan eey ku barakaceen. Markii uu Zuma Hoolka soo
galay waxaa markaliya qoob iyo qeeylo farxadeed isku daray
dadweynihii oo iyagu ku heesayay heeso lagu yaqaanay xiligii
halgankii midab takoorka lagula jirrey, dadka ayaa markaliya
istaagay, saxawaxanka dadka ayaa dhagaha ku tirayay,, iyagoo
sacab tumaya , qarkoodna eey lugaha dhulka la dhacayaan, qofkii
xariiriyaha ahaa ee sameecada ku hadlayay ayaa cod sarre ku
qeylinayay isagoo leh (AMANDLA=AWOOD) oo ah kalmad uu caan ku
yahay xisbiga ANC, daqiiqad ka dibna waxaa la bilaabay in la
qaado heesta Zuma uu caanka ku yahay ee (Mshini waamo= mashiin
gaankeeygii ii keen, ama qorigeeygii ii keen).
Dadweynaha
Ugu dambeyntii Zuma ayaa makaroofanka qabsaday, iyadoo sacab
xoog baddan lagu soo dhaweeyey, waxa uu dadweynaha u sheegey
dhamaan waxyaalihii eey ka wada hadleen madaxdii Soomaalida
kulanka qaaska ah uu la yeeshey, wuxuu hadal ku bilaabay “ waxaa
jirra waxyaalo baddan oo aana waligeen fursad u helin in aan
idiin sheegno, waxaa ka mid ah doorka eey wadamada Afrika ka
ciyaareen in aan anaga xorrowno, waxaa tusaalaha koowaad aan
usoo qaadan karnaa Soomaaliya, Soomaaliya waxaa caasimad u ah
Muqdisho, waxaana madaxweyne ka ahaan jirey mudane Siyaad Barre,
hadda waa la afgambiyey, waxay u malaynayeen in uu nin xun
yahay, laakiin ma aheyn, anigu Muqdisho waxaan tagay in baddan,
garan maayo inta jeer, soomaaliya waxay na siisey saldhigyo,
waxay noo ogolaatay in aan dalkeeda galno kana baxno xiliga aan
doono,iyadoo waliba nidaamkii midabtakoorka dalkani ka jirrey
eey markasta ka codsanayeen in eeysan dalkooda noo ogolaan,
balse codsigaasi Soomalaiya eey iska dhago marisey, waxay noogu
deeqdey qalab ciidan, si kasta oo taageero aan u rabnay ayay noo
taageertay”. Ayuu yiri Zuma oo mararka qaarkood hadalka ay ka
dhex galaysay qeylida iyo sawaxanka dad weynaha hadalkiisa la
dhacsanaa, iyadoo dadka qaarkood buun iyo seeri eey yeerinayeen,
wuxuu Zuma dadka u yeeshey, gaar ahaan kuwa uu la hadlayay oo
ahaa dadkii deganaa caasimada dalka, in Tshawane (Pretoria) eey
tahay wajiga dalka, haddii xumaan eey ka jirtana aduunka eey ola
micno tahay in dalka oo dhan eey xumaani ka jirto, wuxuu sheegey
in danojirayaasha oo dhan eey fadhiyaan Pretoria, sidaasi
darteedna in fariin qaldan laga gudbiyo caasimada eey tahay wax
aanan loo dul qaadan karrin, wuxuu dadka ka codsaday in eey ka
baaqsadaan waxyeeleynta ajaaniibta, ciidanka Police-ka ayuu
canaan u jeediyey, oo uu u sheegey in howshooda eey kasoo bixi
waayeen, talaabo adagna uu ka qaadi doono.
Zuma ayaa
naqdiyey nidaamka cadaalada iyo xeerbeegtida dalka oo uu sheegey
in uu yahay mid u xaglinaya dambiilayaasha, wuxuu intaasi ku
daray in eey tahay in la’iska arko wax ka badalka dastuurka
dalka , gaar ahaan qodobada qeexaya xuquuda qofka, dadweynaha
ayaa aad u qosley markii uu Zuma yiri “bal qiyaas hadda inagoo
halkan taagan ayaa qof qof dilaya anagoo arkayna, markaasaa
waxaa la dhahayaa waa eedeysane, maxay yihiin waxaasi, aniga ma
ahan wax aan u bogey, haddii lasoo qabto garyaqaan ayaa u imnaya
oo dhahaya qofkani xuquuqdiisa meel ha oga dhicina, waa in la
siidaayaa, waa la siideyn, kolkaasuu dambigii hore mid ka baddan
geeysani, aduunka meel kasta oo aan tagay waxa kaliya oo la’i
weeydiinayay waxa eey aheyd heerka dambiyada dalka, arrintani
waa in wax laga qabtaa, waxaan tusaale usoo qaadanayaa, markii
aan ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka waxaa jirtey mar aan tagay
Cape Flats, waxaa ii yimid nin askari ah oo darajo leh, si daran
ayuu iigu cawday, wuxuu igu yiri “waxan soo qabtay nin dambiile
ah, hadda waa uu xirayahay waana markii 4 aad, mar kasta oo aan
soo xiro oo maxkamad la geeyo, isla markamada ayaa siideyneysa,
markaasuu geysanayaa dambigii mid kaba sii daran sidaasi darteed
aniga shaqadani ma ahan mid aan wadi karo waanan ka tagayaa”
sidaas ayuuna shaqadii askarigii kaga tagay, waxaasi ma wax
haboonbaa?. Sow is dhihi meeysaan dadka gacan ku dhiigleyaasha
ah, iyo kuwa haweenka kufsada in si gaar ah loola dhaqmo oo
aanan wax damiin ah loo ogolaanin?” ayuu yiri Zuma oo hadal
kasta oo muhiim ah oo uu dhahaba uu sacab weyn u dhacayay.
Xiliga uu Zuma isu imaantinka ka hadlayo, waxaa meelo kale oo
isla gobolkani Gouteng ah ka socday boob iyo dil baaxad weyn,
ugu yaraan 5 qof oo ajaniib ah ayaa la diley, 50 kalana waa la
dhaawacay, markii dad caraysan isla xiligaasi eey ku xoomeen
ganacsiyo iyo deegaano dad ajaaniib ah eey leeyihiin, waxaa
meelahaasi ugu caansanayd faras magaalada, magaalada xarunta
ganacsiga dalka ee Johannesburg oo inta baddan eey ganacsiyo ku
leeyihiin dad xabashi ah, halkaas oo aan ka fogeyn xaafadaha
Soomaalida eey u baddantahay ee Mayfair iyo Fordsburg, waxaa
iyaduna wali kacsan xaafadaha Thakoza, Tambiza iyo meelo kale oo
iyaguna eey rabshado xoogan ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay.
Iyadoo rabshadaha eey sii fidayaan , naf baddan iyo hanti
baddana eey galaafanayaan, ayaa dhanka dawlada waxaa jira in
kumanaan ciidamada rabshadaha ka hor taga eey ku daad gureysey
meelaha uu dhibka ka jirro, laakiin wali waa la xakamayn
la’yahay, maanta waxaa amuurta markii ugu horeysey ka hadlaya
madaxweyneha dalka Thabo Mbeki oo sheegey in arrinta gudi heer
qaran ah loo saaro doono.
Markii uu kulanka dhaamaday, ayaa saxaafad aad u baddan oo
meesha joogtey, waxa eey kusoo xoontey halkii eey fadhiyeen
madaxdii Jaaliyada Soomaalida, kuwaas oo meesha shir jaraa’id oo
gaaban ugu qabtay qalabka warbaahinta dalka, oo eey ka mid
ahaayeen, wakaaladaha wararka, wargeysyo, idaacado iyo TV yo
qaarkood tabin toos ah hawada ugu jirey, Axmed Dawlo iyo Dr.
Calaahi Carte oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa u mahad celiyey
dawlada dalka iyo xisbiga talada haya, waxauyna sheegeen in
jawaabta culus ee ay ka bixiyeen dhacdooyinkani dhacaya eey
yihiin kuwa loo bogey, laakiin loo baahanyahay in wax baddan
laga qabto arrimaha, isla markaasina dhinacyo baddan laga eego,
iyadoo la adeegsanayo qorsheyaal kala duwan, sidoo kale madax
heer gobol ah iyo heer qaran ah oo dawalada iyo ANC ba ka tirsan
oo goobta saxaafada kula hadlaya ayaa SASA (Somali Association
Of South Africa) ugu mahadceliyey sida eey u agaasimanyihiin,
iyo sida eey dhibaatada dakooda heysata u darseen, isla
markaasina eey hogaan muuqda ka muujiyeen Soomaalida dhexdeeda
muddo 10 sanno ah oo uu ururka shaqaynayay, waxay balan qaadeen
in wadashaqayn dawlada eey arriumaha sida ugu dhaqsaha baddan
wax oga qaban doonto, iyadoo kaashanaysa ururrada matalada
qaxootiga.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo). Email.
Saxansoxo1@hotmail.com, or southafrica@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008