SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararka Toddobaadkan Ugu Xoogga Weyn...

  • Dhulgariir ka dhacay Shiinaha.
  • Shirkii Jabuuti oo noqday bila natiijo.
  • QM oo lagu eedeeyay in ay kala jabinayso IDXS.
  • Somaliland iyo Mucaaradka.

May 16, 2008

Dhulgariir ka dhacay Shiinaha.

Maalintii Isniinta ahayd ee 12/May waxaa dalka Shiinaha ka dhacay dhul-gariir quwadiisa lagu qiyaasay 7,6 oo ay ku geeriyoodeen ugu dhawaan ( 20 800 ) oo qof.

Halka uu dhaawacu kor u dhaafay ugu dhawaan 31 000 halka aan wali dhaawac sugan laga hayn, laguna jiro baadhista meelaha dumay.

Dadka iyagu la waayay ee dalkasi ku sugnaa waxaa lagu qiyaasay in ka badan 15 000 oo qof, lana garan waayay meelay mareen.

Dhul-gariirkan oo ka bilaamay magaalada lagu magacaabo CHENGDU oo u jirta 92 KM dhinaca Koonfurta ee gobolka SEZCHAUN, gobolkaas oo ay ku noolaayeen Malayiin qof, balse caasimada Bekin u jirta 1300 KM.

Dhul-gariirkan ayaa waxa ay sheegeen qolada ku xeel dheer cilmigan ee dalka Shiinaha in uu ka kacay ka dib markii ay 180 Tareen mar kaliyah shaqada wada galeen, ama ay ku socdeen dhulka dushiisa, halkaas oo sababtay Dhul-gariirka quwadan wada.

Skool isagu ku yaalay magaaladaas oo ay dhiganayeen ardayda u dhaxaysa 13-19 waxaa la sheegaya in ay 900 oo arday ah laga soo saaray burburka skoolka ka dib, iyaga oo ku hoos aasnaa dhismaha Skoolka oo runtii aad u quwad waynaa, qayb ka mid ah ardaydaas waxay isku dayeen inay ka soo baxaan meeshaa, qaar kale waxay aad ugu qayliyeen erayga HELP oo afka Soomaaliga ah Caawimo, balse nasiib wanaag ardaydii waxaa laga badbaadiyay 800 ka mid ah halka intii kale ay ku dhimatay oo ah 100 arday.
Waxay wararku xaqiijiyeen in uu dhul-gariirku bilaamay markii ay ahayd saacad Shiinuhu 14:28 maalinimo, wakhtigaas oo ku aadan wakhtiga Skoolada ay ardaydu wax ku dhiganayeen oo ay ka buuxeen, Ofisyadana maamulayaashi Skoolku ku jireen.

Magaalo iyadu ku taala dalkaasi oo lagu magacaabo SEZCHAUN oo ku taala Koonfurta Shiinaha ayaa waxaa wararku xaqiijiyeen in ay ku dhinteen magaaladaas oo kaliyah ( 9 000 ) oo qof, walow aan lahayn warar sugan oo laga hayo inta dhimatay, balse ay kolba sii kordhayaan tirada dadka halkaas ku dhintay.
Waxay wararku sheegayaan in boqolaal kale ay ku geeriyoodeen ka dib markii ay laba shirkadood oo halkaas ku yaalay isku dumeen, oo ilaa imika dhimasho sugan lagama hayo halkaas.

Kumanaan qof oo ku dhintay Shiinaha
dhul-gariir quwadiisa lagu qiyaasay 7,6 oo ay ku geeriyoodeen ugu dhawaan (12,800) oo qof. Akhri.... May 14

Dawlada Shiinaha ayaa isku dayday in ay gurmad gaadhsiisio iyo ciidamo dadkeeda kor usii dhaafay kumanaanka qof ee dhintay, balse ay u suurto gali wayday ka dib markii ay tirada dadkaasi kor usii dhaaftay 20 000, walow aan la hayn kumanaan kale oo ku hoos aasan burburka ka dhacay halkaas.
Ciidama loo diray caawimada waxay gaadhayaan 55 000 oo askari oo ka mid ah xooga dalka Shiinaha, si ay gurmad balaadhan ugu fidiyaan dadkas ku halaagsamay burburkaas.

Waxaa la sheegaya in aan wali la gaadhin magaalooyinka qaar oo ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan iyo xeebaha dadkii ag dagana oo aan lagaba hayn iyaga wax war ah.

Xukuumada Shiinaha ayaa ka dalbtay shacabkeeda inay bixiyaan qalab wax tar leh oo looga gaysto shacbkeeda dhibaataysan, ka dib markii dhul-gariir xoog leh uu dhibaato u gaystay dalkaasi, gaar ahaan gobolka ZECHAUN ee koonfurta Shiinaha.

Dawlada Shiinaha ayaa waxa ay sheegtay in si wayn loogu baahan yahay wiishash iyo doonyaal iyagu ka samaysan caag. Tirada ugu danbeesay ee ay wararku soo xaqiijiyeen waxay gaadhayaan in ku dhaw 20 000 oo qof ay ku dhinteen, halka dhawaacu kor usii dhaafay in kabadn 31 000.

Koox ka shaqaysa gurmadka deg-dega ah oo ka socota dawlada la dariska ah ee Japan ayaa gaadhsiiyay caawimo bani-aadanimo, iyagoo dadaal fiican ka gaysanay gar gaarka degdega ah. Shiinaha ayaa aqbalay in ay dawlada Japan u fidiso cawimo dadka dhibaataysan, halka uu Shiinuhu ka diiday dawlado kale oo iyagu caawimo usiday dadkaas dhul-gariirku ku habsaday.

Dhulgariirka ka dib waxaa ka dhashay daadad xoog leh, oo ay Shiinuhu sheegeen in aysan haysan wax biye xidheen ah oo celinka daadka kusoo food leh halkaasi.

Hadii la isku wada daro inta ku dhimatay dhul-gariirkas waxaa lagu qiyaasay ugu dhawaan 21 500 oo qof. Dhimashadaas oo ay ugu badan tahay inta ku dhimatay magaalada SEZCHAUN ee dalkaasi oo ah 9 000. Halka dhaawacuna kor usii dhaafyo 31 000 oo qof.

Ma aha markii ugu horaysa ee uu ka dhaco dalka shiinaha dhul-gariir noocan ah oo kale.
Qaarada Asiya oo iyadu ugu dhul-gariir badan aduunka ayaa waxaa ka dhacay dalalka Pakistan Vietnam iyo Thailand dhul-gariiro kala duwan, balse aan ahayn xadkan oo kale.

Shirkii Jabuuti oo noqday bila natiijo.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay QM oo ku dhex dhexaadinaysa kooxaha isku haya Soomaaliya ayaa wuxuu noqday mid natiijadiisa aan wali la taaban karin.

Wafdiga ka socda Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaliya ayaa isagu hore u sheegay in aanay jirin wax ay ka wada hadlaan DFKMG, oo ay ku adkeesteen in aan wada hadal dhacaynin inta ciidama Itoobiyaanku joogan Soomaaliya, halka ay dawladuna ku adkeesatay waa in la wada saara ciidamada wada jooga magaalada Muqdisho ee Ajaanibka ah.

QM oo runtii ku wareertay is dhexdhexaadintaas ayaa waxay keentay in QM ay kolba gooni ula kulanto labada dhinac oo runti ay adag tahay sidii wada hadal natiijo leh loo gaadhi laahaa. Arrimaha ugu muhiisan ee halkaas lagaga wada hadlay ay waxay noqdeen, joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka iyo in la keeno kuwa iyagu ka socda QM.

Shirkaas ayaa waxa wararku sheegayaan in bari ama saadaba lasoo gaba gabayn doono iyadoo dib loo kulmi doono, balse kulankani uu noqday mid la isku af garan waayay, ka dib markii qolada Asmari ay muujisay in ay aad iyi aad uga soo horjeedo joogitaanka ciidama Itoobiyaanka ee dhulka Soomaaliya.

Waxaa kaloo la filaya in ay iyaguna yimaadaan Jabuuti xoghayaha IDXS (Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliya) Sh Shariif Sheekh Axmed, iyo xooghaya goloaha dhexe ee Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoon wax faahfaahin ah laga bixin sababaha ay u imaanayaan ama aanay cadayn arrintaasi, halka wafdigii QM ka socday uu isla bari oo Jimce ah ku noqon doonaan meelihii ay ka yimaadeen. Balse isbahaysigu uu ku sugnaan doono Jabuuti. Warar iyagu aan lagu kalsooneen ayaa waxay cadaynayaan in uu kulanka kale noqon doono Bisha Jun labadeeda.

Iyadoo ay Jabuuti ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana wada hadallo la lahaa Qaramada Midoobay ayaa hadana waxaa maalmahan la maqlayay mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga oo sheegaya in xubnaha shirkaas ka qeybgelaya ay yihiin kuwo meesha ku tegay go’aan aan la isku raacin.

( Wax ay Labo iyo Seddex qofood ku heshiiyeen kadib wada hadallo waqti kooban socday xal uma noqon karaan mushkiladda Soomaaliya, waana waqti dhumis ) Sida waxaa yidhi Sheekh Xasan Daahir aweys oo isna ka tirsan IDXS oo ugu baaqay wafdiga ka socda Isbahaysiga in ay kusoo laabtaan xarunta Asmara si arrinta looga wada hadlo.

(Xalka Soomaaliya waa sahlan yahay, waxaa baxeysa Itoobiya, kadib marka aan xornimo helnana waxaan qabsaneynaa shir dib u heshiisiineed ) sidaa waxaa yidhi Sheekh Xasan Daahir Aweys oo isagu ka mid xubnaha ugu sareeya IDXS.

Shiikh Xasan Daahir wuxuu ka hadlay sida ay ku guuleysan karaan wada hadallo loo qabto Soomaalida, wuxuuna sheegay in ay taasi imaan karto marka ay Itoobiya ka baxdo Soomaalida, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed fursad u helaan in ay ku raaxeystaan xornimo iyo cadaalad.

Sidoo kalena waxaa wada hadallada Jabuuti kuwo aan wax ka soo baxeynin ku tilmaamay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in wada hadalladaas ay yihiin kuwo waqti dhumis ah oo aaney ka soo baxeynin wax la taaban karo oo dan u ah Umadda Soomaaliyeed.

waxaa lagu gaadhay qodobo loogu gogol xaadhayo kal fadhiga dambe 1-In ciidamad Itoobiya ka baxaan Somalia 2-Arimha bani-aadanimada 3-Dib u heshiisiin waarta 4-Iyo in maxkamd lasoo taago dagaal oogayaasha Soomaaliyeed, uu Cabdullahi Yuusuf ugu horeeyo.

QM oo lagu eedeeyay in ay kala jabinayso IDXS.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyay in ay kala jebineyso Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxwaynahan oo isagu badanka aan warbaahinadu aad u waraysan ayaa waxaa waraysi ka qaaday wakaalada magaceeda la yidhaah REUTERS, mar ay waydiisay arrintaas wuxuu ku jawaabay madaxweynuhu (Wax fikrad ah kama heysto sababta ay Qaramada Midoobay sidaas u yeeleyso oo aan ka ahayn in ay dooneyso in ay kala qeybiso Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo in ay daciifiso awoodda Kooxaha Mucaaradka, waana mashaakil laga abuurayo halkan iyo xagaba, waxaase laga yaabaa in aaney wax natiijo ah ka soo bixin waxyaabaha ay sameyeneyso Qaramada Midoobay oo aaney cidna dan ka lahayn).

Mareykanka iyo QM ayaa Dowladda Eritrea ku eedeeya in ay sii hurineyso colaadda ka taagan Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loogu eedeeyo in ay hubeyso kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka ciidama Itoobiyaanka, wuxuuna Mareykanku mar ugu hanjabay Eritrea in uu ku dari doono Liiska Dalalka taageera Argagixisada.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa uu ku gacan seyray eedaha loo soo jeediyo Dowladdiisa, wuxuuna been ku tilmaamay in kacdoonka ka socda Soomaaliya uu yahay mid argagixiso ay ka dambeyso, ama argagaxiso gacan saar la ledahay.

Ciidamada Itoobiyaanka oo Tabliiqiin kaxaysatay.

Amina Muday Story

Read: mckoolsmith.com
Video: washingtonpost.com
Video:cbsnews.com
Read: washingtonpost.com

Wararka ka imaanaya magaalada Balad Weyne ee ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa waxaa lagu tilmaamaya in ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan halkaasi gacanta ku dhigeen 17 Tabliiq ah oo ka tirsan culimada ku dhaqan magaladaas Balad Weyne.

Waxay wararku tilmaamayaan in wadaadadaasi ka soo baxeen misaajid ku yaalay halkaas, iyagoo usii jeeda masjid kale, intii ay dhexda ku jireena ciidamada Itoobiyaanku kaxaysteen.

Ciidamad Itoobiyaanku waxay Tabliiqiintii geeyeen Xero ku taalay halkaasi oo iyaga fadhiisin u ah, tabliiqiintaas oo aan la garan karin xaalada ay imika ku sugan yihiin, iyagoo shacabka magaladaasi aad uga war warsan yihiin tabliiqiinta.

Shacabka ku dhaqan magaladaas Balad Weyne ayaa waxay soo xasuusinaysaa gawracii ciidamau u gaysteen wadaadadii Muqdisho lagu gawracay xaafada Waxar Cade ee magalada Muqdisho.

Culimadii iyagu lagu gawracay Muqdisho tiradoodu waxay dhamayd 21 wadaad, oon haba yaraate wax xidhiidh ah la lahayn siyaasada iyo arrimaha Dawlada Federaalka, balse uu ahaa ula kac ay ciidamada jooga Muqdisho u sameeyeen arrinkaas, iyagoo misaajidka ugu galay ka dib gawrac ugu xigsiiyay.

Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa si weyn uga xumaaday sida ay Wadaadadaas ula dhaqmeen Ciidamada Itoobiyaanka, iyadoo la arkayay iyagoo dhowr jeer inta meelo la fariisiyo hadana laga sii kaxeynayay.

Balse wararku intaas waxay ku darayaan ka dib markii ay ciidamada Itoobiyaanku Xeradii ay fadhhisinta u lahaayeen geeyeen tabliiqiintii, laakin waxaa la soo warinaya in ay nasiib wanaag siidaayeen.

Somaliland iyo Mucaaradka.

Iyadoo maalmahanba ay xiisad xaga siyaasad ah oo u dhaxaysa SomaliLand iyo mucaaradka dalkaasi, xiisadaas oo u dhaxaysay muddo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo loogu daray sanad, sanadkaas oo ay maanta bilaw tahay 15/May/08, ayna kaga ekaan doonta 15/May/09, halka mucaradku ka diidan yihiin arrintaas.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Rayaale,Axmed siilaanyo,Fayasal cali waraabe,Xoghayaha Udub,Muuse Biixi,C/raxmaan C/qaadir,Cawil cali ducaale,waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Saladiin,Akadimiga Nabada iyo Komishanka Qaranka.
Dawladan iyadu ka jirta Somaliland oo imika shaqaynaysay 5 sano aya waxaa la sheegaya in ay kaga egtahay maanta oo ah 15/May/08, balse guurtida oo aan qaabilsaneen arrimaha muddo kordhinta ay ugu dareen sanad kale, labada dhinac ayaa xalay wada hadal dhex maray iyagoo maanta galinka danbena isa soo hor faadhiisan doona.

Mar la waraysanayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu BBCda u sheegay in uu wadahadalkasi uu ahaa mid usii gogol xaadhaya wada hadalka galabta dhici doona, balse kani uu ku dhamaaday si guul ah. Intaas wuxuu sii raaciyay ( Waxaan Dadweynaha Somaliland ugu bushaaraynayaa inaanay wax dhibaato ahi dhacayn,hawshayadiina si wanaagsan ayay ku dhamaatay,wixii hadhayna Berito ayaanu dhamaystiraynaa oo soo gabagabaynaynaa,ee Cadawga Somaliland waxaan u sheegaynaa inaanu xalinaya arimahayagii oo aanay waxba dhacayn ).

Kulankan oo aanay ka soo bixin wax qodobo ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen, hadana waxa la sheegay inuu hor dhac u yahay heshiis lafilayo inay labada dhinac ku soo afjaraan khilaafaadkii ka taagnaa mudadii halka sanadood ahayd xilka loogu kordhiyey Rayaale.

Si kastaba ha ahaatee walwal weyn oo soo food saaray shacbiga Somaliland ayaa jirtay kadib markii ay hore u sheegeen labada Xisbi Mucaarid Kulmiye iyo Ucid wixii ka danbeeya marka ay gaadho 15/May oo ay xilka mudad madaxweynuhu kaga eegtahay aanay Madaxweynaha u aqoonsandoonin Madaxweyne Sharci ah.

Sidoo kale sida ay tibaxayaan warar xog ogaali in beri ay kulan qado ah yeelandoonaan Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayasha labada Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID Axmed Siilaanyo Faysal Cali Waraabe, kaas oo qodobo lagu heshiiyo la isla gaadhidoono labada dhinac.

waxa ay arrintani ku soo beegantay waqti ay maanta kaga buuxdo Madaxweyne Rayaale shantii sano ee la soo doortay hasa yeeshee ay golaha guurtida somaliland ugu dareen mudo hal sano ah taasi oo ay diideen xisbiyada mucaaridka ahi.

Sidoo kale sida ay tibaxayaan warar xog ogaali in beri ay kulan qado ah yeelandoonaan Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayasha labada Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID Axmed Siilaanyo Faysal Cali Waraabe, kaas oo qodobo lagu heshiiyo la isla gaadhidoono labada dhinac.

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom
Tel; +46739512789

QORAALADA KALE EE QORAAGA.. AKHRI....

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS