SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kumanaan kun oo qof oo ku dhintay dalka Shiinaha.

Maalintii Isniinta ahayd ayaa waxaa dalka Shiinaha ka dhacay dhul-gariir quwadiisa lagu qiyaasay 7,6 oo ay ku geeriyoodeen ugu dhawaan (12,800) oo qof.
Halka uu dhaawacu kor u dhaafay ugu dhawaan 17 000 halka aan wali dhaawac sugan laga hayn, laguna jiro baadhista meelaha dumay.

Dhul-gariirkan oo ka bilaamay magaalada lagu magacaabo CHENGDU oo u jirta 92 KM dhinaca Koonfurta ee magaalad SEZCHAUN, magaaladaas oo ay ku noolaayeen Malayiin qof, balse caasimada Bekin u jirta 1300 KM.

Dhul-gariirkan ayaa waxa ay sheegeen qolada ku xeel dheer cilmigan ee dalka Shiinaha in uu ka kacay ka dib markii ay 180 Tareen mar kaliyah shaqada wada galeen, ama ay ku socdeen dhulka dushiisa, halkaas oo sababtay Dhul-gariirka quwadan wada.

Skool isagu ku yaalay magaaladaas oo ay dhiganayeen ardayda u dhaxaysa 13-19 ayaa waxaa la sheegaya in ay 900 oo arday ah laga soo saaray burburka skoolka ka dib, iyaga oo ku hoos aasnaa dhismaha Skoolka oo runtii aad u quwad waynaa, qayb ka mid ah ardaydaas waxay isku dayeen inay ka soo baxaan meeshaa, qaar kale waxay aad ugu qayliyeen erayga HELP oo afka Soomaaliga ah Caawimo, balse nasiib wanaag ardaydii waxaa laga badbaadiyay 800 ka mid ah halka intii kale ay ku dhimatay oo ah 100 arday.

Waxay wararku xaqiijiyeen in uu dhul-gariirku bilaamay markii ay ahayd saacad Shiinuhu 14:28 maalinimo, wakhtigaas oo ku aadan wakhtiga Skoolada ay ardaydu wax ku dhiganayeen oo ay ka buuxeen, Ofisyadana maamulayaashi Skoolku ku jireen.

Magaalo iyadu ku taala dalkaasi oo lagu magacaabo SEZCHAUN oo ku taala Koonfurta Shiinaha ayaa waxaa wararku xaqiijiyeen in ay ku dhinteen magaaladaas oo kaliyah ( 8 553 ) oo qof, walow aan lahayn warar sugan oo laga hayo inta dhimatay, balse ay kolba sii kordhayaan tirada dadka halkaas ku dhintay.

Waxay wararku sheegayaan in boqolaal kale ay ku geeriyoodeen ka dib markii ay laba shirkadood oo halkaas ku yaalay isku dumeen, oo ilaa imika dhimasho sugan lagama hayo halkaas.

Dawlada Shiinaha ayaa isku dayday in ay gurmad gaadhsiisio iyo ciidamo dadkeeda kor usii dhaafay kumanaanka qof ee dhintay, balse ay u suurto gali wayday ka dib markii ay tirada dadkaasi kor usii dhaaftay 13 000, walow aan la hayn kumanaan kale oo ku hoos aasan burburka ka dhacay halkaas.

Ciidama loo diray caawimada waxay gaadhayaan 50 000 oo askari oo ka mid ah xooga dalka Shiinaha, si ay gurmad balaadhan ugu fidiyaan dadkas ku halaagsamay burburkaas.

Waxaa la sheegaya in aan wali la gaadhin magaalooyinka qaar oo ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan iyo xeebaha dadkii ag dagana oo aan lagaba hayn iyaga wax war ah
Hadii la isku wada daro inta ku dhimatay dhul-gariirkas waxaa lagu qiyaasay ugu dhawaan 13 500 oo qof. Dhimashadaas oo ay ugu badan tahay inta ku dhimatay magaalada SEZCHAUN ee dalkaasi oo ah 8 553. Halka dhaawacuna kor usii dhaafyo 18 000 oo qof.

Ma aha markii ugu horaysa ee uu ka dhaco dalka shiinaha dhul-gariir noocan ah oo kale.
Qaarada Asiya oo iyadu ugu dhul-gariir badan aduunka ayaa waxaa ka dhacay dalalka Pakistan Vietnam iyo Thailand dhul-gariiro kala duwan, balse aan ahayn xadkan oo kale.


Skool dhan oo isagu burburay oo ardaydii ku jirtay badankoodi badbaaday


Guryo u badnaa dhismayaasha is dul saaran oo wada burburay dhul-gariirka ka dib


Ciidanka oo iyagau ahaayeen 50 000 oo soo guraya dadka dhaawaca ku noqday


Boqolaal qof oo iyagu wali ku hoos jira dhismaha dumay oon caawimaad helin


Skool kale oo isagu ay ku dhinteen ku dhawaad 50 qof halka dhaawucu yahay 200

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS