SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sideed U Noqon Kartaa Qof Guulaysta?

mawduucan waa mawduuc muhiim ah qof walbana uu ku hamiyo in uu noqdo noloshiisa qof walbana oo inaga mid ah ku hamiyo mar walbana uu is hor dhigo
Seebaan ugu gulaysan karaa noloshadayda anan u noqon karaa qof guul ka soo hooya wax walba oo uu u dhaqaaqo.

Waxaad ka bilabaysaa naftaada oo noqo ka bilaabaya, waxaad isku daydaa in aad ku gulaysato arimahaaga khaaska ah ee ku khuseeya adigoo naftaada la dhaqmaaya allah swt waxuu yidhi anigo macnaheeda inoo soo gudbinaaya madaama oo aanu webka soo qorin carabiga ( allah ma badalo qoomna ilaa ay ayagu badalaan nafahooda) ku kalsoonoow naftaada ,naftaada oo aad ku kalsoonaato waxay kuu hagaysaa khayraka iyo in aad ku guulaysato wax walba oo aad qabanayso ha u arkin naftaada daciif oo ha liidaysan kuna kalsoonow naftaada adigoo allah swt la kaashanaaya kuna kalsoon wax walba oo ad qabanaysona Allah u tala saaranaaya.
waxaa is waydiin mudan seebaan u noqon karaa qof naftiisa ku kalsoon kalsoonidu waa lagama maarmaan .

Waxaad barataa naftaada miisaan caqligaaga maskaxdaada waxa ku jira gudahaaga miisaan saar oo noqo qof naftiisa yaqaan
ha ku xidhin naftaada wax kali ah in badan waxad furtaa maskaxdaada oo aad bilowdaa in aad kaga shaqaysiiso oo aad waxyaabo badan shaqadeed u dhiibto
waxaad kaashataa saaxiibada wan wanaagsan ee ku sheegaya waxaad ku wanaagsantahay waayo saaxiibkaa waxuu naftaada ka ogyahay wax aad ogayn tusaale ahaan waxuu ogyahay waxyaabaha aad ku fiicantahay ee aad ka soo bixi karto marka horena waa in uu noqdo saaxiibkaa , saaxiib wanaagsan oo khayrka kula jecel wax walba oo xuna kula neceb .

Maxaad ku garataa in uu saaxiibkaa ku jecelyahay oo saaxiib wanaagsan yahay waa ka markaad wax xun ku dhacdo ku qabta ee ku yidhaa saaxiib waxaas waa wax xun waaka mar walba kuula dhaqaaqa oo jecel in aad isku raacdaan meelaha wan wanaagsan waaka kugu naxsteexeeya mar walbana ku xasuusiya Allah swt .

Waxaad kaashataa macalinkaaga ha noqdo midka masjidka wax kugu bara ama schoolka ama jaamacada mar walba la tasho oo ka qaado waxyaabaha wan wanaagsan ee naftaada u kordhin kara in aad gulaysato oo aad gaadho meesha aad rabto kana qaado nasteexooyinka wan wanaagsan.

Waxaad ku cel celisaa hadalada wan wanaagsan ee kugu dhiiri galin kara in aad gulaysato oo aad gaadho meel sare oo aad ku hamiyayso kuna suurta galin karta gaadhisteeda sida ( waan isku dayayaa waan baran doonaa wanan ka fakarayaa in aan barto waan qaban karaa waan awoodaa).

Waxaad iska ilaalisaa in ay naftu ku hagto oo aad daciifto kuna tusto in aad tahay qof awood yar oo aan waxba qabsan karin marnaba hana ku cel celin hadalada aan guusha wadin sida ( ma awoodo ma samayn karo I. W . M).

Waxaad goobo galisaa ama aad qortaa waxyaaba aad qaban karto ee aad awooda u leedahay oo dhan haba ahaato hami fog oo aan la gaadhi karin qor oo isku day in aad sida ugu dhakhsaha badan u rumaysid arintaas hana ku dayn sida dadka qaar ay yidhaahdaan waxaas iyo waxaas hala qabto haa insha allah waanu qaban oo ayna bartiiba ka qaadin waa in aad markiiba ficil galiso waxaad tidhi aadna ku miisaanto naftaada oo aad miisaanka saarto waxaas markiibana aad ku dhaqaaqdo hana isku dayin wax aad maanta qaban karto in aad bari u dhigato .

Isku day in aad jeclaato waxaa aad qabanayso oo aadna ka tagin oo aad ka midho dhalisid naftana ku amartid in ay qabato oo ayna go goayn marnaba arintaas ilaa ay ka midho dhaliso .

Hadii aad waxaas ku fashilanto oo aad qaban kari waydo fashiladaasi way tagtay adna waad joogtaa isku day in aad dhamayso oo aad daawayso oo aad odhan iga daa waxba qaban kari maayee qof walba waxuu leeyahay waxyaabo uuna qaban karin oo ay naftiisu ku fashilmato qofka ibn aadamka ah mar walba ma guulaysto guuldaraduna mar walba waxay balan la dhigataa guusha oo ay garab roortaa .

Waxad aqoonsataa ceebaha naftaada ku qor wax walba oo naftaadu ceeb leedahay oo ay ku fashilantay hagaajinteeda qor oo isku day in aad daawayso oo aad iska reebto markaad qorto kadib dul istaag oo isku day in aad naftaada ka jarto oo aad ka gulaysato oo aad iska dayso ceebahaas oo dhana aad ka suusho .

Waxaad bilawdaa sidii aad u daawayn lahayd wax walba oo aad ku fashilanto ha ka hadhin waa lagama maarmaan qofkastaa in uu ogaado waxay naftiisu qaban karto iyo waxayna qaban karin waxay ku xuntahay iyo waxay ku wanaagsantahay waxay ku fashilantay iyo waxay ku guleesatay waa in aad qortaa kadibna iska daawaysaa oo aad u doonto daawo aduunka wax aan daawo lahayni ma jirto waxuunbaa ugu daran qofka ceebihiisa iska indha qabta iyo tay u sheegaan macalimiinta saaxiibadiisu ee gees intuu iska mariyo asagu qumane isla noqda qofkaasi ma gulaysto waligiis.

Waxaad ogataa waxa aad u nooshahay ee aad u socotaa in ay tahay naftada oo aad wanaajiso iyo ayadoo aad ogaato meelaha dhamaan ay daciifka ka tahay iyo in aad ogaato dhamaan meelaha aad ku guulaysato ee aad ogtahay naftaadu in ay ku tahay mid ka adag maah maah ayaa waxay tidhaa ( waxaad sixidiisa bilowdaa dhamaadkiisuna wuu saxmaa)
waxaad ogaatay naftaadii waxyaabihi ay ku fashilmaysay iyo waxyaabahay ku guulaysanaysay waadna saxday waxii qaldanaa .

Waa in aad ahaato qof dagan ahna la saaxiib dad daganaansho u dhashay taasi waxay kaa caawinaysaa in aad ku gulaysato wax walba hadii aad naftaada ilaaliso oo aad wax walba ku dhamayso daganaansho naftaada aad ka saxdo wax walba oo daciifnimo iyo xumaan ah aadna la saaxiibto qof wanaagsan oo dagan oo kugu dhiiri galiya mar walba hami sare iyo hiigsi dheer waxaad noqonaysaa qof naftiisa wax tara dadkiisa wax tara dalkiisa wax tara waalid noqon kara tusaale iyo tusmo umadna bad baadin kara waxaad noqonaysaa shakhsiyad aad u saraysa oo umada islaamka iyo qoyskiisa iyo qaraabadiisa ka muuqda oo ka magacaaban .

Hadii aad nolosha noqon mid mar walba hamiya oo hadaf leh oo masuuliyad isa saara oo mar ka faiidaysan khaladaadkiisa oo aan naftiisa aqoon ceebteeda iyo manfaceedaba waa sida ilmaha yar ee aan waxba kala garanahayn noloshiisuna waa uun iska noole .

Waa in aad noqoto qof mar walba ka shaqaysiiya naftiisa iyo maskaxdiisa oo isticmaala maskaxda uu rabi ina siiyay oo baaxad wayn leh oo aynaan qiyaasi karin wax tarkeeda waa in aad ahaato qof mustaqbalka ka fakara oo ay ku jirto hami sare iyo horu mar gaadh .

Waxaad mar walba xasuusataa ducada allah swt in aad mar walba in uu ku wanaajiyo ka barido oo aad adna dadaalka badisid oo aad naftaada badali karto ..
waa in aad inta badan waxaad jeceshahay ka shaqayso aadna isku daydo in aad waxaas jeceshahay aadna ku dadaasho kuna hamido sidii aad u xaqiijin lahayd .

waa in aad xariijin hoos dhigto oo aad goobo galiso hadafkaaga aadna hor dhigtaa wajigaaga waa in uu noqdo hamigaagu mid sareeya tusaale ahaan ( waa in aan noqdo Dhakhtar )(waa in aan noqdo mid hawshuu galaayo oo uu jecelyahay noqdo dadka hawshaas haya midka ugu fiican oo uu ka soo baxo hawshiisa).

Waa in aad sawirato hadafkaaga oo aad is hor dhigto aadna ka muujiso guul aad u saraysa ayadoo aad naftaadana tahay mid ku kalsoon hore ayaan ku soo sheegay.
waxyaabaha guusha lidka ku ah .


1 - waxyaabaha aad guul ku gaadhi karin waxaa ka mid ah ayadoo aad waydo wax kugu dhiiri galiya horu socodka oo niyada lagaa dilo oo lagu yidhaa waxba ma qaban kartid waxaa tahay qof aan waxba samayn karin oo lagu yaraysto lagu dulaysto taas waxay keentaa in uuna qofku difaac badan naftiisa heli karin oo dadka kugu xeeran in aad hore u socoto kaalin aad u wayn ayay ku leeyihiin.

2 - sidoo kale qofka ibn aadamka ah waxaa hoos uga ridi kara najaaxa uu gaadhi lahaa faqiirnimo aanu haynin aduun iyo xanuun ku yimaada oo daciif ka dhiga .

Sideebaad u adkayn kartaa kartidaada
1- ayadoo aad ku qanacsantahay waxaad qabanayso
2- naftaada oo aad kalsooni buuxda ku qabto in ay waxan qaban karto
3 - jidh ahaan oo aad u caafimaad qabto iyo nafsad ahaanba
4 - naftaada oo aad u nadaamiso waxay qabanayso oo wax walba aad meeshiisa dhigto wakhtigiisana siiso
5 - horu u socod aan kala joog lahayn
6 - ka jar naftaada waxyaabaha xun ee ay la qabsatay waad awoodaa
7 - badal caadooyinka xun xun kuna badal wanaag waad awooda
8 - la saaxiib dad horu socodka iyo guusha jecel oo ku xidhnoow

Waxyaabaha kugu saacidi kara in aad ka midho dhalisid guushaada
1- waxaad hoosta ka xariiqdaa oo aad (Xaddidaa) hadafyadaad leedahay adigo u qaybinaaya kuwa waa wayn iyo kuwa yar yar kuwa yar yarna markaas aad ugu soconayso xaqiijinta kuwa waa wayn mar walbana is waydii maxaan sameeyaa ? sideen wax u samayaa?
2 - wakhtigaaga nadaami
3 - xooji cilaaqadaada dadka wan wanaagsan oo kasbo saaxiib wanaagsan
4 - noqo mid mar walba isku daya oo ku socda waxu qabanaayo

Waxyaabaha muhiimka kuu ah
qofka aan hore u socon waligiis ma guleesto
fikrada wan wanaagsan ama fiican oo aad keento oo aad camalkooda la imaan kuma gaadhid guul .
caqliga waxaa loo sameeyay shaqo maskaxdaada adeegso way balaadhantahay waana muhiim in aad ku dadaasho horu socodka iyo ka midha dhalinta wax walba naftaadana mar walba ahoow mid ku kalsoon walaal.

mawduucan oo aan ku dheeraaday runtiina ayna fari ka qodnayn waxaan ku soo gaba gabaynayaa intaas hadal hadii uu bato lagama waayo qalad intii wanaagsan waxay ka ahaatay xaga Allah swt intii ka soo hadhay waxay ka ahaata aniga iyo shaydaan raali ka ahoow cafisna insha araxmaan.
by Dr Farduus A.rahman Ibraahim
Email - maqsuud202@hotmail.com

:::Shabaabka iyo doorka ay ku leeyihiin ummadda. | Dr farduus

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com