SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shabaabka iyo doorka ay ku leeyihiin ummadda.

shabaabku marxaladkasta oo ay soo martay taariikhda waxay ahaayeen kuwii iugu muhiimsanaa ahaana quwada umad kasta iyo udubdhexaadkii ay ku taagnayd ayaga ayaa u ahaa tiirkii ay ku taagnayeen umadkasta iyo caqligii iyo tusmo iyo tusaaleba u ahaa umda shabaabku waa halka ay umadi ka toosto ama ka dunto shabaabku waa quwada ay ku taagantahay bulshada waana waxa ay ku socoto bulshadu dhismaha iyo shaqada iyo horumarinta bulasha kasta waxay ku xidhantahay shabaabkooda shabaabku waa kuwa loo baahanyahay in ay u noqdaan umada hormuud iyo qaaid ayna badalaan bulshada ayagoo u wada raayada.

jirtay qiso (andalus) markii dagaalka lagu qaadayay waxaa loo diray nin gaal ah oo lagu yidhi bal soo eeg halka dagaalka lagala gali karo iyo dhamaan xaaladaha kadib ninkii ayaa tagay waxuuna arkay inan yar oo geed hoos fadhiya oo oynaaya markaasbu ku yidhi maxaa kugu dhacay yarka markaasbu waxuu ugu jawaabay, geedkaas shimbir ku taagnayd ayaan wadhafkayga ama wax lagu shiido shimbiraha oo somaalida layidhaa (wadhaf) ayaan la beegsaday shimbir markaas waan la wayay markaas waxaan ka ooyayaa bari marka uu cadawga allah yimaado oo 20nin la iga rabo in aan hal mar qudha ka jaro - bal u fiirso hamiga saaran wiilkaas sow sidaan maanta ula wayay shimbirtaas yar ula waayi maayo cadawga allah, ninkii intuu tacajubay oo aad ula yaabay inankii yaraa ayuu bartii ka laabtay markaasbu yidhi wadankaas lama gali karo waxuu ka yaabay inankaas yar halka uu hamigiisu taaganyahay maxaad u malaynaysaa kuwa asaga ka waa wayn . markaas ayaa markay dhawr sano ka soo wareegtay ayaa ninkii hadana loo diray markaasbu yimid inan shabaab ah oo geed hoos jooga oo ooynaaya , waxuu ku yidhi maxaa kugu dhacay inanyahoow markaasbu yidhi Saaxiibadaybaan la balamoo way ii go aysay sidaas darteed ayaan u ooyayaa bal u fiirso halkii ayaana lagu galay magaaladii oo looga soo dhacay shabaabka.

shabaabka samankan ayaa la yaab leh ,

waxaad arkaysaa shabaab hamigiisu yahay kubada shabaabka hada jooga waxay ku fakaraan labiskooda iyo gaadhi iyo iyo gabadh qurxoon oo ay koba meel la istagaan ha la yaabin qoraalkayga hana ka xumaan inta wanaagsani kuma jirto
shabaabka maanta jooga waxaad arkaysaa nin dhan oo rabi siiyay maskax baaxadeeda aan la soo koobi karin oo fakarkiisa iyo hamigiisu meel dhaw ,waxuu ku fakarayaa sideebaad dhar quruxbadan u xidhataa sideebaad gaadhi quruxbadan u kaxaysataa waxuu shabaabka maanta jogaa aad ugu farxaa in la yidhaa hebel heblaayo ayuu la sheekaystaa wal ciyaadu bilaah .

shabaabku waa muhiim umad walbana waxay ku taagantahay shabaabkeeda rag iyo dumarba waa in uu shabaabku noqdaa dad saqaafad leh oo xaafidiin ah oo aqoon diineed iyo mid maadiba leh dad u tartama sideed umad u badbaadisaa sideed jiilka cusub ee so socda ugu noqotaa adigu sabab oo aad u toosisaa sideebay bulshadaadu u hormartaa cilmiga waxaa loo fahmay inta badan waa la bartaa se laguma camal falo cilmigagu waa in uu noqdaa mid aad bulsho ku badbaadin karto oo aad ku fakartaa sidaad naftaadana u ilaalin lahayd bulshadaadana u bad baadin lahayd hadii bulshada ay u hagaagto shabaabka ama dhalinyartu bulshadaas guul ayay gaadhay waxaa jira xathiiskii uu rasuulka lahaa (csw) 7 ayuu allah maalinta aanu hadh jirin hadheyaa waxaana ka mid ah shaab ka
shabaabka waa in ay naftooda daacada iyo qawinimada nafta oo laga adkaado oo lagu taba baro daacad iyo allah ka cabsi waa in uu shabaabku hami wayn yeeshaa ma ogtahay nimanka dayaxa soo arkay ee soo wareegay agtiisa in ayna waxba kaa duwanayn in ay dadaleen oo ay hami sare yeesheen mooyee 9bilood uunbay ku dhasheen. shabaabka maanta fikirkii iyo hamigii sare wuu ka dhacay oo meel hoose ayuu ka tagay waa in la hanwaynadaa oo hamigaagu uu sareeya mar walba aadna ku dadashaa sidaad bulsho dhan u badali lahayd oo aad ugu soo saari lahayd jid cusub oo adigu aad so saartay oo wanaagsan laguna socdo waa in hamigaagu uu sareeya dadaalkaaguna bataa meeshii aad doonto waad gaadhaysaa shabaabku ayaga ayaa u ah bulsho horumarin iyo dib u ridba ayaga ayaa sababa korna u qaadi kara hoosna u ridi kara hamigaagu ha sareeyo dadaalkaaguna ha bato walaalayaal maanta waxaan aad ugu baahanahay shabaab ad adag oo fahmay waajibka diintiisa iyo dadkiisa oo diinta la faafiyo umadana loo noqdo ku dayasho wanaagsan oo tusmo ah .

waxaad aragtaan shabaabka somaaliyeed meel walba oo ay tagaan way u eekadaan macnaha waxaan uga jeedaa hadii ay arkaan dhinac xiiran way xirtaan hadii sirwaalka o la iska rido ay arkaan way ka ridanyihiin ayaguna hadii ay arkaan tv gabadh wax ka xayaysiinaysa gabadhii muslimka ahayd oo sidii ah ayaad arkaysaa walaalayaal sidaas loogama baahna shabaabku waa muhiim waa in aad adigu noqoto ka bulshada badalaaya ee lagu daysanaayo waxaan doonaynaa shabaabkii umadan
rasuulka csw asxaabtiisu shabaab ayay ahaayeen ayaga ayaana maanta diinta heerkaan so gaadhsiiyay waa loo jar jaray waa loo cadibay heer walba way la soo mareen shabaab waxaa loo baahanyahay u istaagta umada oo kor u qaada hamiga marxalada shabaabnimadu waa marxalad aad u saraysa aadna u wayn ee halaga faaiidaysto inbadan oo shabaabka kaalintoodii ka soo baxayna way jiraan oo ah kuwa rabi u naxariistay .

waxaan ku soo gaba gabaynayaa xathiiskii rasuulka (csw)
shan ka faaiidayso shan horteed
1 - inta aad nooshahay ka hor inta aanad dhiman
2 - caafimaadkaga inta aadna bukoonin
3 - wakhtiga aad firaaqa tahay inta aadan mashquulin
4 - shabaabnimadaada inta aanad gaboobin
5 - inta aad xoolaha haysato ka hor inta aad caydhoobin

mawduucan hadii la yidhaa halaga hadlo runtii lagama gayoonaayo kaliyah waxaan ka hadlay intii raxmaanku iiga qadaray intii wanaagsan waa in xaga rabi ka ahaatay intii ka soo hadhay wanaag waa aniga iyo shaydaan waadna ka raali noqon doontaan .

by Dr farduus A.rahman Ibraahim
email - maqsuud202@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com