Warbixin ku saabsan Qaxootiga Soomaalidda ee ku Nool Dalka yaman
TAHRIIBKII GEERIDA
'warbixin Muruga Xambaarsan'
Daruufaha adag iyo Dagaaladda sokeeye ee ka jira Dalka soomaaliya waxii
ka danbeeyay Markii uu dhacay Nidaamkii Siyaad bare 1991
waxey kumaanan soomaali ah ku qasbanaadeen in ay raacaan hirarka Badaha
una soo cararaan xeebaha Yemen ayigoo ka cararaayo xabad, Qaajo,
Nabadgelyo xumo ka jirto Dalkooda raadinayana Nolol ka wanaagsan tan ay
ku jiraan
Tahriibkan waxuu wataa Qatartiisa waxuuna Noqday Ganacsi ay lacag fiican
ka helaan kooxaha dadka soo Tahriibiyo waxaana lugu tilmaami karaa in uu
yahay ganacsi akhlaaq la,aan ah, maxaa yeelay ka cararka dhibaato waxey
ka dhigaan kooxaha dadka tahriibiyo u carar dhibaato ka fool xun tii
laga soo cararay.
Qaxootiga Soomaaliyeed Qaar kood waxey si dhib ah fursad ugu helaan in
ay soo gaaraan xeebaha Yemen gaar ahaan xeebta Caddan, Abyen iyo shabwa
ayigoo ka faa'iideysanaayo xeebta Yemen ee dhirirka badan ee uu gaaraayo
dhirirkeedda 2400 Km ee Badda Cas ee Carabta, waxeyna noqotay Safaradda
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ay Yemen kusoo aadayaan Kuwa Isbuucle ah gaar
ahaam markii ay Baddu degan tahay.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan ayaa waxey u kala Qeybsamaan
labo Qeybood, Qeybta kowaad waa Qeybta Degan sidexda Kaam ee Qaxootiga
oo Kala ah: Xearada Qaxootiga Kharaz ee xaafadda Laxaj, Xerada qaxootiga
Meefcah ee xaafadda Shabwa, kaamka Basaatiin oo ku yaalo Magaaladda
Caddan.
Qeybta labaad waxey ku noolyahiin kaamamka Ka banaanka waxeyna u
badanyahiin Xayil Basaatiin,xayil Saafiyah ee Caasimadda Sanca, waxeyna
Tahriibayaasha ka fakada Ciidamadda Badda Yemen ay si Toos ah u aadaan
magaalooyinkaan maadama ay ku noolyahiin dad ay Qaraabo yahiin waxaana
labadaan Magaalo lugu tilmaami karaa Magaalooyin soomaaliyeed marka aad
fiiriso sida Soomaalidda u buuxdo.
Qeybta Kowaad ee ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool kamamka ayaa waxey
ku noolyahiin daruuf nololeed oo aad u liidata aadna u adag sida uu
sheegay Wasiirka Iskaashiga Holand Beyruut Konderz oo booqday kaamka
Kharaz, inkasatoo Qaxootigaani ay ka qaataan kaalmooyiin isug jiro Cunto
iyo Daawo Ha'yadda Qamadda midoobey u Qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee
Marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNCHR.
Nuuca labaad ee ku Nool ka banaanka Kaamamka ayaa waxey ku ku tashadaan
Naftooda ayidoo aysan jirin Cid kaalmo siisa waxeyna ka shaqeeyaan
shaqooyin yarar, dhalinyaradda waxey ka shaqeeyaan dhaqinta Baabuurta,
Dhisadda Guryaha Dadka waayeelkana waxey Dantu ku kaliftaa in ay
gacantooda taagtaan (Tuugsi) ama dawarsi.
Gabadhaha ayaa waxey ka shaqeyaan Guryaha, Gabdhaha Qaar ayaa waxey
daruufta adaga ku kaliftaa in ay halaabaan ayigoo jirkooda Ka
ganacsadda.
Mudane.Maxamed Diiriye oo ah madaxa Gudiga Qaxootiga xaafadda Caddan
ayaa waxuu sheegay in Qaxootiga u Qoran Caddan kaliya uu Bilowga
sanadkaan 2008 kor dhaafay 22 kun oo Qaxooti ah waxuuna intaas ku daray
in Qaxootiga Soomaaliyeed markii ay Soo gaaraan Yemen Qaar ka mid ah ay
usoo gudbaan xaduuda Dalka Sacuudiga ayigoo sii raadinaayo Nolol ka
Wanaagsan Mida adag ee Yemen.
Maxamed Diiriye waxuu u kala qeybiyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku
sugan laba Qeybood.
Qeyb kasoo carartay Markii Dagaalka Ahliga ah Soomaaliya ka dhacay lana
Riday Xakunkii Siyaad Barre
iyo Qeyb Kasoo carartay labo sano ka hor Markii ay Ciidamadda Itoobiya
Soo galeen Dalka Soomaaliya,waxuuna sheegay Maxamed Diiriye in ay u
badanyahiin Qeybtan danbe dhalinyaro sanadoodu u dhaxeyso 20-25 kuwaas
oo noqday kuwa ka badan Caruurta iyo hooyayaasha oo uu badnaa xiligii
hore Qaxootiga usoo carari jiray Dalka Yaman.
Maxamed Diiriye waxaa uu sheegay in ay Sabab u tahay in ay u badnaadaan
xiliyaddan danbe Qaxootiga Yemen soo gelaayo Dhalinyaradda, Ciidamada
Dfk Soomaaliya oo dhalinyaradda ku eedeeyo in ay kasoo Horjeedaan
Ciidamadda Itoobiya, Taas oo keentay in aabayaasha Dhalinyaradda kula
taliyaan in ay Dalka isaga cararaan, ayigoo ugu baqaayo in wiilashooda
Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Dfka ka Dilaan ama jeel la dhigaan.
Warbixino la helaayo ayaa waxey sheegayaan in Dumarka soomaaliyeed la
kulmaan Kufsi kaga yimaada dhinaca Kooxaha soo Tahriibiyo inta ay
Tahriibka ugu soo jiraan Xeebaha Yemen, Lakiin Madaxa Gudiga Qaxootiga
Magaaladda Cadan waxuu sheegay in uusan Hubin arinkaas lakiin waxuu
sheegay in jiraan dad ay liis gareeyeen kuwaas oo ay jirdil iyo
dhaawacyo ugu geesteen lashashka Ama Doomaha Tahriibka dhexdooda Kooxaha
dadka Tahriibiyo .
Arinta ku saabsan in Gabadhaha Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Dalka
Yemen jirkooda Ka ganacsadaan ayna u Gudbiyeen Cudurka HIV Aids-ka ah
Rag Yemeniyiinta ah, ayaa waxuu sheegay Mr. Diiriye in ay yahiin xaalado
aad u yar waxuuna sabab uga dhigay Hadii ay jiraan gabdho Soomaaliyeed
ee Jirkooda ka Ganacsadda iyo dhalinyaro soomaaliyeed oo xaafaddaha qaar
lugu eedeeyay in ay ka geestaan dhac ayna xadeen Mobiledda gacanta
faqriga iyo dhibaatadda ku heysata Dalka Yemen.
Xiliyaddan danbe kumaanan Soomaali ah ayaa waxey ku dhinteen badda
korkeeda ka hor inta aysan gaarin xeebaha Yaman, waxuuna sabab uga
dhigaa Gudoomiyaha Jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladda Cadan labo
Arimood mida waa kooxaha ka shaqeeyo Tahriibka oo Doomaha soo saara
Qaxootiga xili ay baddu kacsantahay kuna rara wax ka badan Doonta
Tankeedda taas oo keenta in ay doonto Qalibanto
Arinta Labaad waxaa ay tahay kooxaha Dadka tahriibiyo oo Naxariisa
Laawayaal ah oo dadka ku Qasba in ay bad weynta dhexdeeda ku dadaataan
kana boodaan Doomaha,ayigoo ka baqanaaayo in ay gacanta u galaan
Ciidamadda Badaha Yemen
Qaar ka mid Qaxootiga soomaaliyeed ee Soo gaaray xeebaha Yemen ayaa
waxey sheegeen in ay dhibaan 50 Doolarka Mareykanka ah si looga soo
Qaado Dekadda Boosaaso loona keeno Xeebaha Yemen
Golaha Qaranka Yemen ee arimaha Qaxootiga ayaa waxey ogolaadeen maalmo
ka hor in ay sameeyaan waax Gooni ah oo shaqadeed tahay Dejinta iyo
fulinta siyaaddaha ku aadan Arimaha Qaxootiga
Dr.Cali Mithny Xasan oo ah ku xigeenka Wasiirka Arimaha Dibadda Ahna
Gudoomiyaha Gudigan ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Yemen uu culees
badan kasoo wajahay Qaxootiga soomaalidda hadii ay ahaan laheed culees
dhaqaale,culees bulsho,culees Aqoon, waxuuna Wasiirku sheegay in
maalinba maalinta ka danbeyso uu kor usii kacaayo Qaxootiga soo gelaayo
Dalka Yemen Arinkoos oo uu sheegay in aysan Yemen kaligeed Qaadi karin
Wasiirka ayaa waxuu sheegay in uu aad u yaryahay dhaqaalaha aduunweynuhu
ku bixiyo qaxootiga inkastoo caalamka arinkooda la socdo.
Tirakoob rasmi ah oo ay sameeyeen dowladd Yemen iyo UNCHR-ta ayaa waxaa
lugu sheegay in uu gaaraayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka
Yemen 113,000 Kun oo Qaxooti ah, Lakiin ku xigeenka Wasiirka Arimaha
Dibadda Yemen waxuu aaminsanyahay in tiradad Qaxootiga ku sugan Dalka uu
yahay taas laba jibaarkeed asigoo sabab uga dhigay in Qaxootiga dhan
aysan iska Qorin xafiiska Hay'adda Qaxootiga Aduunka, wasiirku mar uu ka
hadlaayay Dhaqaalaha Dowladda Yemen kasoo Gaar Dhanka UNCHR-TA ayuu
waxuu sheegay in sanadkii lasiiyo Dowladda Yemen lacag gaareyso Hal
millyan oo Doolar asigoo sheegay in sanadaha soo socdo laga yaabo in
Lacagtaasi kor u kacdo
Waxaa soo baxay Maalmaahan Danbe Ururo iyo Kooxo Yamaniyiin ah oo kasoo
Horjeedo Joogitaanka Qaxootiga African ah Gaar ahaan Qaxootiga
Soomaalidda ayigoo ku eedeeyay Qaxootiga soomaalidda in ay u gudbiyaan
dadka reer Yemen Cudurka HIV Aids-ka arinkaas oo Qaxootiga Soomaalidda
ku dhaliyay Cabsi.
Haddaba waxaan shaki ku jirin in Dadka Soomaaliyeed meel walboo ay
joogaan dhibaato ku heysato waxaana lugu tiriyaa Qaxootiga Yaman ku nool
in ay yahiin kuwa dhibaatadda ugu badani heysato waxaana loo baahanyahay
dadka Soomaaliyeed ee wax heesta meel walboo ay joogaan in ay Gargaaraan
walaalahooda Daruufaha adag ku heysato Dalka Yemen, waxaana Nasiib daro
ah in maamulka Cadde muuse uusan waxna ka qaban kooxaha dadka sida
naxariis daradda ah dadka ugu daadiyo badda ayna xur yahiin ayidoo aysan
jirin cid cadaaaladda la hor keenay oo Ka tirsan Kooxahan Dadka ka
Ganacsadda, Arinkaas oo dad badani u arki karaan arin qorsheysan oo uu
lug ku leeyahay Maamulka Cadde muuse, Waxaa la hubaa haddii uusan Maanta
Cadde Muuse kooxahan Cadaaladda hor keenin in La hor keeni Doono Maalin
Dalka Soomaaliyeed ay jirto Dowladda Cadaaladda ku Dhisan oo la
xisaabtami karo loona qaadi Doono Masaakiinta kamamka Yemen ku jiro
Xaqoodda
Mar hadii aysan wax ka qabaneyn xakuumadda Cadde muuse arintaas oo la
hubo in ay wax ka qaban karto waxaa looga baahanyahay Dadka Soomaaliyeed
in aysan naftooda Haligin oo aysan isku dayin in usoo Tahriibeen Dalka
Yemen ayigoo u jeedo dhibaataddan heysata kuwii hore usoo Tahriibay,
waxaa cad Nolosha Yemen oo xitaa Soomaalidda loo diiday in ay tuugsadaan
in aysan dhaamin Nolosha Adag ee Soomaaliya oo ka jirta oo hadii wax
kale la waayo anan Tuugsi luguu xireyn.
Waxaa Hubaal ah in ay joojin doonaan Dagaaladda Kooxaha Kursi doonka ah
ee ku Dagaalamaayo Soomaaliya Hadii ay leeyihiin Qalbi Naxariista Marka
ay arkaan dhibaatadda heysata dadka Daradood Baddaha usoo maray oo intii
ay heli lahaayeen Nolol wanaagsan loogu bedelay Rafaadkii Soomaaliya in
Qaarna la Adoonsado Qaarna lugu eedeeyo in ay jirkooda gataan Qaarna loo
diido xitaa in ay Tuugsadaan
Ugu Danbeyntii Maamulka Puntland ayaa la dhahi karaa waxuu Dusha saaran
doonaan mas'uuliyada tahriibinta dadkaan Masaakiinta ah hadii uusan wax
ka qaban arintaan waxaana ugu dambeyn wanaagsan in laga wacyi geliyo
dadkaan nafsadooda halista Badweynta kusii daynayo ayagoo galaya nolol
ka dhibaato iyo xanuun badan tii dalkooda ay ugu soo Qaxeen
Ismaaciil Saxaaf
saxaaf@hotmail.com
Xigasho:Maqaaladda dhacdooyinka isbuuca jariiradda Sharqel Awsat