
Wiil Yar oo Gargaar u baahan.....
wuxuu
dhashey isaga oo mid ka mid ah Daamankiisa isku dhegen
yihiin
Wuxuu ubaahan yahay qaliin deg deg iyo gar
gaar Baniaadanimo
Inta aad nooshahay waxaa maalin kasta aad aragtaa wax aad
la yaabto mar aan dhawaan booqdey xero qaxooti oo ku taal
Deegaanka Xaawo Cabdi ayaa ku soo arkey canug Sagaal bilood
jira oo ku dhashey mid ka mid ah Daamankiisa isku dhegen
yihiin, waxayna iska dhegan yihiin laga soo bilaabo Gowska
dambe ilaa Foolka hore ee gudaha wuxuuna wiilka uu quutaa
Caano iyo biyo waxaana Masaasada laga geliyaa meel yar oo
afka ka banaan oo xigta daanka kale ee aan isku dhageneyn
Reerka oo iska danyar Qoxootina ku aha deegaanka Xaawo Cabdi
ayaa dhowr jeer isku dayey in ay wiilkooda wax u qabtaan
balse tabari u diidey iyadoo laba dhaqtar oo dooneysey in ay
si mutadawacnimo ku badbaadiyaan wiilkaas ay
suurageliweysey.
Waxayna dhaqaatiirtu sheegeen in aan waxba looga qaban
karin dalka.

waxay kaloo sheegeen dhaqaatiirtaas in aysan heysan
qalabkii fududeyn lahaa qaliin wiilkaas yar oo lagu
magacaabo Axmed Maxamed Cabdulaahi Hooyadiisna la yiraahdo
Sahro Cilmi Shiikhdoon waxayna labada waalid ka codsanayaan
dhamaan shacabka soomaaliyeed Hayadaha samafalka in ay wax
kala qabtaan wiilkooda dhibaateysan.


qofkii doonaya in uu wax u qabto ha kala soo xiriiraan
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494