SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ku: Raysal Wasaare Nuur Xassan Xuseen
Ku: Kooxaha Islaamka ee Soomaaliya
Ku: Ummadda Soomaaliyeed
Ku: Waxgaradka Soomaaliyeed
Ku: Odayaal Dhaqmeedka Soomaaliyeed

Tariikh: 03/29/08

Mudanyaal iyo Marwooyin

Ujeeddo: War Heshiiya oo Badbaadiya Qarankiina


Waxaan ummadda Soomaaliyeed ogeysiinayaa in aynan jirin sharci caalami ah oo ay adduunyada tixgeliynayso waayo waxaa si cad u jabiyey waddamaddii horeyba u hirgeliyey kuwaasoo ku tumtay sharciyadii caalamiga ayagoo fiirinaya danahooda dhaqaalaha iyo siyaasada.

Aniga waxaa aad ugu farxay inuu raysal wasaare Nuur Xassan Xusseen inuu si waadax ah u qaabilo kooxaha Islaamka ee ka soo horjeeday dowladda isu-tagga ku-meel-gaarka ee Soomaaliya asagoo raba inuu soo af-jaro siyaasaddaha guracan ee lagu qabsan rabo waddanka iyo xeebtiisa dheer ee ay Itoobiya danaha dhaqaalaha ka leedahay!.

Tallaabada siyaasadeed ee uu fulinayo raysal wasaare Nuur Xassan Xuseen waa tallaabooyin muwaadinimo isla-markaasna waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu u haggaajiyo hawlahaas siyaasaddeed.

Aniga waxaa kooxaha Islaamka ka codsanayaa inay la heshiiyaan wixii ka shaqaynaya danta guud ee qaranka ayagoo marnaba aanan isku wadda dhiibin dad siyaasiyiin daniista ah sida kuwa had iyo jeerba doonaya haddii ay waayaan kursi inay qaska siyaasadeed sii wadaan.


Sharaf darro waa waxa maanta na haysta waayo agoon aanu naasnuujin jirnay ayaa ku tumanaya birimageydadeena asagoo waliba sammeeya faraxummayn rag iyo dumarba ah.

Soomaaliyeey Soomaaliya waa dal xornimo qaatay 1960kii, ha ku celinina, hana u ogolaanina gummaysi Itoobiyaan ah oo raba meel ay uga soo degto cunno iyo waxyaabaha la xiriira nolol maalmeedka!!!

Gummaysiga Itoobiyaan wuxuu naggu billaawaday markii Janaraal Gabre uu si qayaxan u dharbaaxay Mudane madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo aan ka mudnayn inuu Janaraal shisheeye ah waddankiisa ku dhex aflagadeeyo balse waa waxuu horay u galabsaday asaga waayihii uu ka soo horjeeday dowladdii militariga ahayd ee uu hoggaaminayey NNKH Janaraal Maxamed Siyaad Barre.

Maxaa ka lifay inuu Janaraal shisheeye ah ku dharbaaxo madaxweyne Soomaaliyeed dalka gudihiisa? Maxuuse Janaraalku Gabre ula murmayaan madaxweynaha qaranka?

Run ahaantiiba waxay jawaabtu noqonaysaa waxaannu ka haynaa kiisas waaweyn oo fawaaxish ah taasoo lagu sammeeyey markii uu ku xirnaa Xabsiga Alanbaqo balse waxaa fawaaxishadaas mid lamid ahana ku sammeeyey xukuummada Meles Senawi taasoo wali rahmad ahaan u haysata inay madaxweyne Soomaaliyeed u disho dadka una saxeexo waddanka iyo khayraadkiisa!!!


Waad Mahadsanid,

Amb. Cabdiqaadir Ismaaciil S. Warfaa (Janno-gale)
somaliauthor@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2008

qaasimWasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka..

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com