Banaanbax shalay ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee Brussels
Dec 30, 2008: Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee qaarada Yurub ayaa
si wada jir ah u qabtay Banaanbax weeyn si heer sare ahna loo soo
agaasimay shalay oo aay taariikhdu ahayd 28ka bishan Maarso ee sanadkan
2008. Dibad baxan ayaa ka dhacay ka soo horjeedka xarunta Midowga
Yurub ee Brusselles iyadoo halkaasi fadhi u tahay heeyadaha ugu sareeya
maamulka wadamada ku bahoobay midowgan. Ujeedada banaanbaxan ayaa ahayd
sidii indhaha caalamka guud ahaan gaar ahaana midawga Yurub loogu soo
jeedin lahaa dhibaatada xad dhaafka ah oo uu gumeysiga itoobiya ku hayo
shacbiga aan waxba galabsan ee Soomaalida Ogaadeenya.
Tirada banaanbaxayaasha ayaa ku dhaweyd sadex boqol oo qof oo isugu
jira haween, caruur, dhalinyaro iyo dad da’ah oo qaarkood soo galay
safaro dhaadheer oo xaga dhulka ah kana kala yimid wadamada: UK,
Finland ; Germany, Holland, Sweden, Norway, Denmark, Italy iyo
Switzerland.
Inta uu banaanbaxani socday ayey xubnaha jaaliyadaha Ogaadeenya ee
Yurub ku qeeylinayeen erayo ka dhan ah gumeeysiga itoobiya iyagoo is la
markaana muujinayay garab istaagida shacbiga dulman iyo taageerada eey u
hayaan halganka xalaasha oo aay umada Ogaadeenya ugu jirto sidii eey uga
hoos bixi lahayd gacanta gumeeysiga madoow.
Waxeynu halkan u joognaa maanta in aan ku dhiiri galino masuuliyiinta
Midowga Yurub sidii aay wax uga qaban lahaayeen xad gudubyada
badheedhka ah oo uu ku kacayo taliska gumeeysiga itoobiya is la markaana
u guntadaan ka samata bixinta umada dulman ee Ogaadeenya waxyeeleeynta
kale taliskani la damacsan yahay shacabka Ogaadeenya, ayuu yiri oday
da’diisu kor udhaaftay 80 jir oo ka mid ahaa banaanbaxaya. Isagoo
hadalkiisa raaciyay in maanta umada Soomaalida Ogaadeanya gudaha iyo
dibadada u guntadeen sidii eey u heli lahaayeen xuquuqdooda aas-aasiga
ah oo aay ugu horeeysa xaqa aayo ka talinta.
Waxaa xusid mudan in taliska arxanka daran ee itoobiya, ka sokoow
dilka, dhaca iyo kufsiga uu la soo baxay cadowtinimo aan ayadoo kale
la’arag oo aay cuno qabateeyntu ka mid tahay. Intii lagu guda jiray
dibad baxan ayeey ka soo qeeyb galayaashu qeeybinayeen qoraalo ku xusan
yihiin dhibaatooyinka kala duwan oo aay ciidamada cadowga u geeystaan
muwaadhiniinta Ogaadeenya.
Xubnaha jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub ayaa wacad ku maray in eey
dhiciseeyaan qorshayaasha cadawga ka wado Ogaadeenya iyagoo u guntaday
sidii qadiyada Ogaadeenya ugu dhigi lahaayeen mid dunidu wax ka
qabadkeeda u soo jeesato, is la markaana muujiyay muujin doonana in
xasuuqa shacabku uusan ahaaneeyn mid aanay xisaab ka danbeeyn. Shaleeyto
iyo fashilna uu ku danbeeyn doono taliska gumeeysiga itoobiya iyo u
adeegayaashiisa.
Ugu danbeeyntii masuul ka socday Midowga Yurub ayaa la gudoon siiyay
qoraaladii cabashooyinka rasmiga ahaa isagoo u gidbin doona masuulka
lagu magacaabo Mr.Louis Michel oo midowga Yurub u qaabilsan iskaashiga
iyo gargaarka. Waxaa xisid mudan in isla qoraaladan goor hore loo
gudbiyay ninka ugu sareeya midowgan. Dalabyadii laga dalbanay bulshada
caalamka ayaa waxaa ka mid ahaa :
- In midawga Yurub hadh cad canbaareeyaan dhaqan xumada dowlad ku
sheegta itoobiya.
- In dowlad ku sheegta itoobiya cadaadis lagu saaro in eey shuruud
la’aan qaado xayiraada ula kaca ah oo aay ku soo rogtay shacbiga
Ogaadeenya.
- In midawga Yurub u diraan Ogaadeenya ciidamo nabad ilaalineed oo
shacabka ka difaaca waxashnimada gumeeysiga itoobiya.
- In midawga Yurub dirto gudigii xaqiiqo raadinta ahaa oo eey kal
hora ku baaqeen wufuudii QM ka socotay ee booqotay Ogaadeenya
dhamaadkii sanadkii tagay.
- Iyo ugu danbeeyntii in midawga Yurub ku kaalmeeyaan umada
Ogaadeenya in badaxbanaanidooda helaan taas oo waafaqsan qawaaniinta
caalamiga ah iyo dastuur ku sheega itoobiya.
A.M.
Brusselles/Belgium
Email :
communauteogaden@net2000.ch