Ciidamada Taabacsan Golaha Maxaakiimta Islaamka Oo La Wareegay Gacan Ku
Haynta Degmada Jowhar....
Xoogaga taabacsan Golaha maxaakiimta islaamka ayaa dagaal xoogan kadib la
wareegay gacan ku haynta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe
iyo weliba degmada mahadaay ee isla gobolkaasi iyadoo Halkaasi ay ku
geeriyoodeen inta la og yahay in ka badan 2-qof halka dhaawacana lagu sheegay
7-qofood oo rayid ah .
Dagaalkan Xoogan ee lagula wareegay Gacan ku haynta Xarunta Gobolka shabeelada
Dhexe ee Jowhar ayaa la sheegay inay Xoogaga kasoo hor jeeda siyaasada dowlada
iyo Joogitaanka ciidamada shisheeye ay kasoo galeen deegaanka degmada mahadaay
islamrkaana si lama Filaan ah dagaal laysu adeegsady hubka daran dooriga u dhaca
ay gacanta ku dhigeen degmadaasi iyo deegaanada ku hareeraysan .
Sidoo Kale Xoogagan Hubaysan ayaa la sheegay inay durbadiiba gacanta ku dhigeen
Saldhiga degmada Jowhar islamrkaana kula wareegeen Dhowr baabuur oo la sheegay
inay lahaayeen ciidamada Booiska degmadasi Jowhar iyo Hubka Ka kooban Qoryaha
garbaha lagu qaato oo aan Tiradooda la shaacin.
Dhinaca kale Afhayeenka Golaha Maxaakiimta islaamka C/raxiim Ciise Cadow Ayaa
Saxaafada u xaqiijiyey In Magaalada Jowhar Iyo Mahadaay Ay Gacanta Ku Dhigeen
islamarkaana sheegay inay ku nagaan doonaan oo aysan ka Bixi doonin waa siduu
hadalka u sheegaye .
Ma Jiraan war kasoo baxay dhinaca dowlada FKMG ah ee xilagan lagala wareegay
Gacan ku haynta Qaar ka Tirsan Gobolka shabeelada dhexe.
yaasiin maxamed cali faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
LAQANYO: CASMARA
UMA SOCDO WAXAAN AHAY MASUUL KAMIDA DFKMG
Waxaan ahay masuul kamida Dowlada FKMG ah, Casmarana uma socdo shaqana kuma
lehi. Wixii ka khaldan anaga dhexdayada..............Akhri
mar 26
Hogaanka sare ee Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo marti qaad ay ka
heleen dowlada Suudaan ku jooga magaalada Khartuum. Mar 26
Faafin: SomaliTalk.com |
March 26, 2008