Donald Payne: Al-Qaacida ma joogto Soomaaliya!
March 18, 2008.
Minneapolis, MN – Mudane Donald Payne oo ah Madaxa gudi-hoosaadka Afrika iyo
Caafimaadka Guud ee Dunida u qaabilsan Congress-ka Mareykanka ayaa waxuu si
qeexan u sheegay ineeysan Soomaaliya joogin wax la yiraahdo Al-Qaacida, Ururkii
Midowga Maxaakiimtuna eeysan aheeyn argagixiso.
Mudane Donald Payne waxuu hadalkan jeediyay mar uu ka qaybgalay galabnimadii
Isniinta shir loogu magac daray East African Forum kaasoo lagu qabtay Jaamacadda
Minnesota.
Donald Payne waxuu qudbadiisa kaga hadlay dhibaatooyinka ka taagan Geeska Afrika
kuwaasoo ku tilmaamay ineey masuul ka yihiin hogaamiyayaasha goblka sida midda
Tigreega ee Addis Ababa ka amar taagleeysa iyo taageerista qalda ee Aqalka Cad
siiyay xukuumadaas. Waan ka soo horjeeday waana diidanahay duulaanka gardarradda
ah ee Itoobiya Soomaaliya ku gashay ayuu yiri Mudane Payne.
Waxuu Mudane Donald Payne ku dheeraaday safarkii u ku tagay Geeska Afrika iyo
kulimaddii u la soo yeeshay madaxda Kenya, Itoobiya iyo Eritereya iyo siduu ugu
dalbaday ineey u hogaansamaan dhowrida xeerarka caalamiga iyo xaquuqda aadanaha.
Mudanaha ayaa ka hadlay kulankii uu Asmara kula yeeshay madaxda Ururka
Dib-u-Xoreeynta Soomaaliya iyo gaar ahaan madaxa ururkaas Sheekh Sharif Axmed.
Donald Payne ayaa mar uu ka hadlayay Soomaaliya dhibka ka taagan, qiray ineey
Maxkamaduhu intii lixda bil aheeyd ee Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliya ka
talinayeen ee ku guuleeysteen ineey nabadgelyo buuxdo hirgeliyaan. Nasiib daro,
qaladaad yar yar baa dhacay kuwaas oo uu sheegay mudanaha in laga qanciyay.
Sawir qaldan ayaa laga bixiyay buu yiri qaladaadkaas hasa yeeshee maaha sida loo
buunbuuniyay.
Dawladda Ku Meel Gaarka ayuu Mudane Donald Payne ku sheegay ineey ka kooban
tahay Qabqablayaashii dagaalka Soomaaliya burburiyay waxuuna sheegay in badan oo
iminka isku sheega hogaamiyayaal eey tahay in la horgeeyo maxkamad sidii
Milošević-kii Serbia.
Mudanaha ayaa carabaabay inuu jiro qorshe ah in dib loo soo celiyo ururkii
maxaakiimta la hishiisiiyo dawladda ku meel gaarka ah intooda aanan gacmahoodu
dhiig laheeyn iyo iyaga. Xalka Soomaaliya waxuu ku jiraa Soomaalida oo dhexdeeda
ka hishiisa kana hormariya danta qarankooda mida qabiilka iyo is qaybqaybinta ku
dhisan jufo jufada hoose ayuu ku booriyay Soomaalidii shirka fadhiday.
Waxuu Mudane Donald Payne ku guubaabiyay soomaalida ineey garato in qabyaalad
iyo is qoloqoleeysiga jahliga ah aaneey wax u qaban doonin, dalna u dhisi
doonin.
Xiligii Su'aalaha iyo jawaabaha ayaa laga wareeystay arinta gooni-u-istaaga
Somaliland, waxuuna Mudane Donald Payne sheegay ineeysan taasi dhici doonin
balse Somaliland eey gaartay horumar xagga nabadda iyo is-maamulka loona baahan
yahay in Koofurta Soomaaliya ku dayato Somaliland si aaneey u xanibin horumarka
Soomaaliya.
Shirkan oo ku dhacay jawi degan kana soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee
jaaliyaddaha Geeska iyo Bariga Afrika ayaa waxaa warbixino ku saabsan
qadiyaddaha dadka dulman sida Soomaalida la barakiciyay , kuwa Ciidanka
Itoobiyaanku gowraceeyn, dadka Soomaaliyeed ku dhaqan gobalka Ogaden ee
gumeysiga ku jira, kuwa Gambellaha iyo qowmiyadda Oromia.
Mudane Abdulkadir Abdirahman (utah) oo ah madaxa Somali Cause ayaa isna ka
hadlay gardarradda iyo duulaanka Itoobiyaanka, dhibaatada lagu hayo shacabka
Soomaaliyeed ee masaakiinta ah iyo sida kaliya ee Soomaaliya nabad loogu soo
celin karo ineey tahay in Soomaalida loo daayo ka tashiga aayahooda,
Itoobiyaankuna ka baxo gebi ahaan cariga Soomaliyeed.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Sheekh Xasan Jaamici, iyo Zainab oo iyagu
sheegay ineey dawladda Mareeykanka iyo inta daneeysa arimaha Soomaaliya eeysan
iska indha tiring xadgudubka iyo gefefka xaga bini aadan ee loo geeysanayo
hooyooyinka, caruurta iyo masaakiinta Soomaaliyeed. Waxeey codsadeeyn in si deg
deg ah qaxootiga tabaaleeysan loo gargaaro lagana qabto dagaal oogayaasha iyo
ciidamadda Itoobiyaanka ah ee ka hor taagan deeqda cunto ee loo wado in lagu
badbaadiyo dadkaas.
Maxamed Saalax ayaa isna ka hadlay sida dadka masaakiinta ah ee gobolka
xabashidu gumeeysato ee Ogadeniya xaqooda loogu tunto iyo weli xasuuqa ba'an ee
Itoobiya ka wada gobolkaas.
![](19mar01.jpg)
Bidix: Keith Ellison, Donald Payne:
Sawirada oo dhan daalaco halkan
Donald Payne waxaa Minnesota ku casuumay Mudane Keith Ellison oo ah ninka u
fadhiya Congresska Xaafadda Shanaad ee Minneapolis, si uu warbixin iyo wada
tashi ula yeesho jaaliyaddaha kala duwan ee ka soo jeeda Geeska iyo Bariga
Afrika ee kuna dhaqan gobolka Minnesota. Keith Ellison ayaa Soomaalida ka
codsaday ineey bilaabaan olole eey kaga dalbanayaan madaxda Mareykanka ineey
Soomaaliya arinteeda wax ka qabtaan, dadka mareeykanka iyo warbaahintana ka
dhaadhiciyaan ineey halaaga iyo naxdinta ka socota Soomaaliya.
Agaasinka Forum-kan waxaa gacan ka geeystay dhowr urur oo Soomaaliyeed sida
Somali Cause iyo Somali Action Alliance.
Abdulkadir Mohamed (Ato)
abaadir@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2008
March 18, 2008:
United
States Designates Somalia's al-Shabab as a Terrorist Group
Soomaali Argaggaxiso ahi ma jirto-
Soomaaliya ma joogaan Soomaali Argaggaxiso ah
Sidaas waxaa yiri Safiirkii DFKMG u fadhiyi jirey Itobiya xilligii ay ku
duushey somalia
Dhegeysi/Akhri
|