Soomaalida UK oo ka qaybgalay Dibad-bax lagu diidan yahay Duulaanka
Maraykanka ee dunida Muslimka iyo haysashada ciidamada Ethopia ee Soomaaliya.
Dad gaaraya 10,000 oo dibad-baxayaal ah ayaa waxaa ay isugu soo baxeen fagaaraha
Trafalgar Square ee ku yaala Magaaladda London is ay u xusaan sanad guuradda
5aad ee kasoo wareegtay duulaankii dalkaasi Ciraaq lagu qaaday.
Waxaana iyana dibad baxaan si weyn uga qayb qaatey Soomaalida ku dhaqan dalka
Ingiriiska, iyagoo ka kala yimid magaalooyinka London, Bermingham, Manchester,
Leeds, iyo meelo kale, Soomaalida halkaasi timid ayaa sidatey boorar ay ay ku
muujinayaan dhibaatada ka jirta dalkooda oo uu Mareykanka horseedka ka yahay iyo
xasuuqa ciidamada Ethopia ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Dibad-baxayaashu waxaa ay ku dhawaaqayeen ama ay codsanayeen in Ciidamada
dalalkaasi jooga ay isaga baxaan Ciraaq Afqaanistan, Soomaaliya iyo xuduuda
qaza-na in dib loo furo.
Inkastoo dadka intooda badan ay ahaayeen Dadyowga dalkan u dhashay ee sida wayn
u diidan duulaankii ciraaq hadana waxaa si wayn uga qaybgalay Jaaliyadaha
Ciraaq, Afqaanistaan, Falastiin iyo Soomaali.
George Galloway oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka dalkan ayaa waxaa uu
halkaasi uga hadlay dhibaatooyinka ay Maraykanka iyo Britain ku hayaan dalalka
Ciraaq iyo Afqaanistaan iyo duulaanka lala damacsan yahay dalka iiraan, isagoo
si weyn u dhaleeceyey wasaarada gashaandhiga dalka Britian , madaxda dalalka
Mareykanka iyo Ingiriiska, isagoo ku tilmaamay daanyeero iyo dameero aan caqli
lahayn,wasiirka gashandhiga dalka Ingiriiska waxa u yiri dareeska ciidamadeena
kuma qadan karaan magaalooyinka wadanka Ingiriiska iyagoo ka baqaayo in la
waxyeelo hasayeshee Goerge Gallaway ayaa yiri dambiyada ay ka gaysanayaan dunida
in dadka Britian ku nool raali ka aheyn bay ku tusaysaa madaama aysan halkaan
labiska ku xiran Karin, waxaan leeyahay soo laabto kana soo baxa dambiyada aad
gacanta kula jirtaan, waan idin soo dhaweynaynaa, guryihiina iyo dariiqyada
magaalooyinka Ingiriiska ku xirta labiskiina idinkoo nala jooga si aan idin
xushmayno ayuu yiri mudanahaan oo ah ninka sida weyn looga yaqaan dalka
Ingiriiska ee diidan siyaasadaha dagaalka ee ay garwadeenka ka yihiin Mareykanka
iyo Ingiriiska.
Sakariye Xaaji Maxamuud oo kamid ah Isbahaysiga dib u xoraynta ee lagu soo
dhisay Asmara ayaa kamid ahaa Dadkii Soomaalida ee aan goobta kula kulmay isagoo
si wayn uga hadlay Burburka ay Ciidanka Ethiopia iyo Maraykanku ka wadaan dalka
Soomaaliya.
Peer Baroness oo ka tirsan Liberal Democraat ayaa isna kamid ahaa Mas’uuliyiinta
sida wayn u qeexay in ay jireen waxyaabo la is daba mariyay ka hor dagaalka
intii aan lagu qaadin ciraaq.
Waxaa iyana meesha ka hadashay gabar ka tirsan xisbiga Respect Salma Yaqoob oo
ah ku xigeenka xisbiga Respect ayaa cambaareyn xoogan dusha u huwisay kuwa raba
inay sii wadaan colaadaha ka aloosan dunida, waxayna soo hadal qaaday duqayntii
ciidamada Mareykanka ay u gaysteen magaalada Dhoobley asbuuci hore,iyadoo ku
tilmaamtey in Soomaaliya waxa ka jira ay yihiin dagaalka aamusan” Silent War”
loona baahan yahay in ciidamada Ethopia Soomaaliya laga saaro, Mareykankana uu
joojiya xasuuqa u xasuuqayo dadka Soomaaliyeed ee xaafadahooda hurda ee aan
waxbo galabsan.
Dibadbaxayasha ayaa socod dheer ku soo marey wadooyinka dhaxmara bartamaha
magaalada London,iyagoo socodka ka bilaabay Trafel Square hormaranay aqalka
xafiiska raisal wasaaraha Britian ilaa ay garaan aqalka Baarlamaanka dalka
Ingiriiska.
Dadka Soomaaliyeed ee dhigayey dibad baxa ayaa si weyn u soo jiitey dadyoowgii
meesha isugu yimid ee ka midaysnaa aragtida dagaal diidka ah, ayaa muujinayey
erayo ka dhan ah siyaasada dowlada Mareykanka iyo xasuuqa ay ka wadaan ciidamada
Ethopia ee Soomaaliya, dadkii meesha yimid ayaa loo qaybiyey waraaqo ka hadlaya
waxa ka jira Soomaaliya, suxuufiyiinta meesha yimid ayaa sawiro iyo warar ku
saabsan arimaha Soomaaliya ka qaaday dibad baxayayaasha,waxaa xusid mudan in
sawirada kartoonka ee Amiin Caamir ay soo jiiteen indhaha dadkii meesha iskugu
yimid iyo kuwii daganaa meelaha socodka lagu marayey,tusaale ahaan sawirka
cartoonka Amiin Caamir ee duqaynta Dhoobley iyo sawirka Meles Zenawi ee u eg
bahalka dhiiga ka cabaya dadka maatada ah ayay ka qaateen sawiro badan,
suxufiyiinta ajanabiga ah qaarkood ayaa ka codsaday mudane Zakariye xaaji
Mohamud inay u raacan Soomaaliya si ay xaqiiqda jirta indhaha caalamka ugu soo
jeediyaan,madaama ay ku qanceen waxyaabihii ay ka cabanayeen dadka Soomaaliyeed.
Waxaa dibad baxaan ka soo qayb galay oo hogaaminaayey Mudane Zakariye Xaaji
Mohamud oo ah ku xigeenka kowaad ee gudiga fulinta ee Isbaheysiga Dib u xoreynta
Soomaaliya ayna wehliyaan Mohamud Abdi Gaab, Advocaate Qaareey, Cabdi Weli SH,
Mohamed,Amina Ahmed Warsame oo dhamaantood ka tirsan golaha dhaxe ee Isbaheysiga
Dib u xoreynta Soomaaliya, Dr. Abdi Aydiid oo ah gudoomiyaha midnimada
Soomaaliweyn, Xildhibaan Bilaal iyo dadwayne Soomaaliyeed oo dagan wadanka
Ingiriiska oo diidan gumaysiga dalka qabsaday.
Ugu dambayntii waxaa fagaaraha ka soo horjeeda Baarlamaanka dalka Ingiriiska ka
hadlay mudane Zakariye Xaaji Mohamud, Xildhibaan Bilaal,iyo qaar ka tirsan
dhalinyarada Soomaalida UK,iyagoo dhamaantood muujiyey sida ay ugu faraxsan
yihiin inay ka soo qayb galaan dibad baxaan oo kale iyo sida loogu baahan yahay
in qadiyada Soomaaliya iyo waxa ka jira dunida looga dhaadhicin lahaa,waxaana
lagu balamay 10 May in laga soo qayb galo dibad bax weyn oo iyana ka dhici doono
magaalada London.
Dibad baxaan waxaa soo qabanqaabiyey dhalinyarada Soomaaliya ku dhaqan United
Kingdom iyo ururka Stop the War coalition,iyagoo gacana ka helay dadka
Soomaaliyeed ee diidan gumaysiga dalkooda haysta ee xasuuqaya maatada
Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan ee dalkooda loogu yimid iyo Isbaheysiga Dib u
xoreynta Soomaaliya.
Hadaan nahay isku taga midowga dhalinyarada Soomaaliyeed ee United Kingdom
waxaan ku faraxsan nahay inaan dunida tusno waxa ka jira dalkeena, dibax baxaana
waxaan kala soo tagnay anagoo dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed ku soo
jeedinay waxa ka jira oo xasuuq iyo tacadiyo dagaal ah,waxaana ka helnay Stop
the War inay hada kadib arimaha Soomaaliya ka hadalkooda ay diirada saari
doonaan,waxaana isla gaarnay heshiis buuxa oo ah wada shaqayn iyo is wargalin.
Dadka Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqeynaa inay ka qayb qaataan halganka dib u
xoreynta Soomaaliya iyo sidii cadaalada loo horgayn lahaa dambilayaasha dagaalka
iyo xasuuqa ka waday Soomaaliya muda dhan 18 sanadood iyo ragime Melas Zenawi ee
xasuuqa ka wada Soomaaliya.
Waxaa goobta dibad baxa si toos ah uga tabinayey ideecada BBC-da suxufi Ridwaan
Haji Abdiwali ,isagoo wareysi ka qaaday Gudoomiye ku xigeenka golaha fulinta ee
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya mudane Zakariye Xaaji Mohamed.
Halkan ka dhagayso Waraysiga British Broadcasting Corporation ee afka Somaliga
http://youtube.com/watch?v=lzOdC6LxHWg
Waxaana u ku dhamaaday dibad baxaas guul iyo farxad qadiyadii aan u tagnay
meeshana waxaan gaarsiinay dad ka badan 10.000 qof.
Waxaa soo diyaariyey warbixinta soona qaaday sawirada : Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
iyo Mohamed Abdulkadir Abdulahi,
London, UK
Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2008
Halyeey
Faarax Macalin Mohamed “ Dawaara” ahna ku xigeenka
afhayeenka Baarlamaanka Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay London.
Akhri.. Mar 11
|