SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XABAAL IYO NINKEED LOO KALA TAG

Iyadoo ay iga guuxayso qormo loogu wanqalay la tasaaxibul ashraar oo aan tooshka hal abuurkay guray ku saari rabay in fitnadda is haysadka cullimaddu uu ka yimid wax ku darsigii isbahaysiga barlamanka xorta iyo qurba joogta ayaa rag hortay garteen meesha la iska hayo, markaas baan daah furay qormadan xabaal iyo ninkeed loo kala tag.

Inta aanan guda galin ujeedka qormadan waxaan rabaa dad badan oo ila soo xiriiray soona ban dhigay aragtiyo qormooyinkaygii hore ku saabsana inaan laba arrimood u bayaaniyo tan hore anigu shaqsiyadda Sheekh Shariif marna ma weerarin balse mabaadiida cusub oo uu la yimid ayaan ka hadlay sidda ay ila tahay iyo waxa laga dhaxli doono, aragti ka dhiibashadda masiirka umadda ka dhaxeeyana waa mid qof kasta u furan balse ma jiro qilaaf shaqsi ah oo aniga iyo isaga inoo dhaxeeya, hogaamiye iyo shacab dhaga furan baanu isu nahay. Si kale hadaan u iraahdo sidda dadka qaar oo gar iyo gardaro waxuu sheekhu la yimaad isaga sacbinayana ma dhihin ‘diidaya iyo doorataa Dinaxow Jumcaale duqaaaga waaye’, kuwa qaar oo hal mar dhinac kasta ka dilayna ma dhihin ‘Habar Jeclaaye Muuse waa kaas’, waxaanse ku iri ‘waxa jira mowduuc aan la galin lagana maansoone dibnaha marooqsama ninkii mowjadaas gale’, oo ula jeedkaygu yahay wadahadal lama diidanyane habka aad u agaasintay iyo qodobadda aad soo qaday baan ahayn kuwa gadmaya.

Dadka qaar waxay igula dirireen shirka Jabuuti waa nabad noo soo iftiintaye maxaad ka rabtaa, Hadraawi baa dhalshadii kacaanka hal abuur yar oo uu sameeyay waxuu ahaa’ tira sugan sagaal tuur, soddon goo sideed hoo , suure wixii haray waana sanad abaarad’, marka la jilciyo noqonaysa 2000-9-30+8=1969 kii , waagas dadkii joogay in warkaasi dhagahooda galo iska daaye kacaanku samadiidoow buu ku qaadi lahaa, rayidku barwaaquu naga hor taagan yahay bay dhihi lahaayeen, markiise la arkay meesha arrini ku danbaysay bilad qaran baa loo xiray, waagii shirkii Nayroobi Ceel Dooreed la isagu tagay ayaan waxaan qoray maqaaladda nuxurkeedu ahaa ragga meesha isagu tagay waa labo Idooro aan ku dille oo aan ula jeeday C/laahi iyo idooro aan ku dayacee oo raggii la tartamayey ula jeeday,rag baa waxay yiraahdeen duqu dhib badan buu u soo joogay, qabqable isaga yaqaan , nabadna waa u sal dhigin, waxaan ku iri waxaa jira dadka xeebaha degga ayaa waqtiyadda qaar waxaa ku dhaca abaar xooluhu doon noqdaan, sidday roob ay u sugayaan ayaa waxaa u da roob intii hartay xoolahana ka laaya, markaas bay waxay ku mahmaahan’ yaare soo onkodoow yaab kaa horay yaabna kaa danbey’ hadda C/laahi iska daa nabade dad iyo duunyaba waa dabargoyn, diin iyo wadaniyadna iska daa, hadda shirka Jabuuti anigu nuxur wayn kuma arko intaanan hal abuur dul dhigin aan waqtiga u daayo.

Horudhacaas ka sakow aan abaaro dulucda maqaalkan xanta iyo xogtii ugu danbays waxay leedahay dhaawicii gaaray hankii shacabka, cullimaddii isu dhabar jeedisay iyo arrinkii nin kastoo maslaxda umadda jeclaa ka nixiyay rag diin iyo daacadnimo isku darsadaa u soo baxay waxayna talo ka bilaabeen in marka hore isbahaysi meel la iska dhigo, marka xigana maxkamadihii arrin lagu galo, howshaasina Ilaah baanu ka baryeeyna inuu la garab galo oo mar dhow wax bulshaddu ku faraxdo loo sheego, tan xigtaa waa Boqortooyadii Sacuudigu waxay ka meer meertay inay casuumad u soo dirto dhinacyadii heshiiska saxiixay, waxayna tiri shalay baa heshiiskii Cali Mahdi horkacayey la igu qalday muslina laba jeer god lagama wada qaniino, ee wax loo dhan yahay la imaaad ma garanayo kaaboyga Mareykan meesha kale ee uu arrinta ku Karin doono, xan kale waxay leedahay ciidanka Q.M lama hayo balse kuwii Afrikaa lagu soo kordhin Nayjeeriya sided boqol ah iyo Burundi oo afar boqol ah, Sayid Maxamed baa laga hayaa in la ii yaabo waxaan ku garanayaa yamyam iyo qadaad wayn baa la iga kari la yahay, mana muuqato wax wayn oo ay saxadda ka badali karan.
Guuxa indheergardku waxuu leeyahay ragga howsha galay iyo kuwa la dhex dhexaadinayo labaduba Alle ka cabsi saldhig ha ka dhigteen, wax kasta oo mabaadiida asalka ee halganka ku saabsan ee heshiisku ka hor imaanayo ha iska bari yeelen, amxaaro iyo yeeydii keentay waa jabeen laakin xisaabta ha ku darsadeen inta dagaalku qodon yahay oo aan ula jeedo dowladaha iyaga ka danbeeya, saddex arrinka aan anigu xalka u arko waxaa weeye guusha manta la hayo ha la igu iibsado cadowga Itoobiyoo dalka laga saaro iyo in la dhiso dowlad aan tan ahayn oo intii Soomaali talo ka godo laga soo qayb galiyo taasoon u arko in ay tahay rayi cadowga xooga wayn laga gadi karo, maatadana lagu badbaadin karo.

Dhinaca isbahaysiga Asmara waxaan qabaa in lagu badalo laba urur oo iska garab dhisan, golihii maxkamadaha iyo golaha wadaniga oo xertii barlamanka xorta , qurba joog iyo indheergardkii kaloo danaynaya wax loogu dhiso markaa kadib dalad kulmisa ha lo dhiso wallow aan qabo iskaashi mooye yaan wax la isagu darin, sababtoo ah rag damac iyo shahaado aduun raba iyo rag shahaado aaqiro doon ah islama jaan qaadi karan
.
Gabagadii sanadihii sideetameeyadii baa magaaladda Burco 40 nin maalin lagu dilay, abwaan reer koonfureed ah oo jabhad ahaa baa gabay u tiriyey waxaa ku jiray’sahankii macnaha wayn lahaa lama marsheen baas e waad maqfira baxdeen jeer hadaad magac lahaydeene’ shucuubta waqooyi oo sugaanta hodonka ka ihi gabaygii ninka kama jawaabin ee guubaabay ka dhigteen, maalintii danbaa Snm weerartay Hargaysa waxuu tiriyey ‘ Galaas dahab ah baad mudan tihiin garashaydeysiiye, gabdho ugub ayaad mudan tihiin garashaydiye’ hadda dadkuna waa idin ducayn hadaad xaq isku raacdan, sharafkiinuna waa badbaadi, hadaadse adinku nala gaabisaaan waaba kala guure.

WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com


:::
GAR NAQSI | Caanageel

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS