GAR NAQSI
Markaan arkay in qalinmaal badan, rijaalu
saban(siyaasiyinta xilligan) iyo doodaha shacabkuba ay
xaaladda shirka Jabuuti soo kordhiyay ay xalka arrinta
meel aysan ahayn ka raadinayan ayaan goostay inaan
qormadan gar naqsi mowjadaha socda ku daro.
Abwaan Khaliif Sheekh Maxamud maansooyinkiisa mid ka mid
ah waxaa ku jiray ‘ nin dudumo u qaylinahayoo daalan
baan ahaye’ hadda inkastoo aan ogahay inaan dadka laga
dawayn Karin waxay barteen hadana waxaan gar naqsiga
koowaad ka dhigayaa qadiyad umadded iyo mid diineed oo
laga dhigay mid u dhaxaysa Sheekh Xasan Daahir iyo
Sheekh Shariif, marka hore halganka lagu jiray ma ahan
mid maqluug raali galintiis iyo raacistiis midna ku
salaysnaa ee waxuu ahaa mid Alle dartiis ah, tan labaad
halganka xitaa qowmiga ihi ma ahan mid qof ama kooxi
leedahay masuuliyad kasta ha hayee balse waa mid umadeed
oo ka wayn sidda hadda loo dhigayo, heshiiska la
saxiixay marna waa in loo bandhigaa kitaabka iyo sunnada
marna caqliga saliimka oo caadifadda iyo lab la kaca ka
sareeya waa in lagu cabiraa.
Abwaan da yar oo dhinaca maansada hide raac ka ah oo uu
dhalay Yam Yam ayaa hal abuur uu sameeyay waxaa ku
jiray’ dabkaan shiday lugaha gali inaad gubatana ha
qiran’ , marxuum Saciid Gacamey ayaa gabay uu tiriyey
waxaa ku jiray’ surka qabo ha sii dayn , hadaad xarig u
soohaysay, ogow siddigta way diidan tahay sulub
hasheeniye’ hadda markaan eegay inta ay qodon tahay
qodobka oranaya ciidanka Itoobiya halagu badalo ciidan
shisheeye waxaan ku gar naqdasey Itoobiyoo joogta
dhaanta sababahan soo socda awgood:-
1- ciidanka Itoobiya waa jabey xagga cududda iyo
niyadaba tiiyoo ay wehliso dhinaca qalabka iyo
taakulayntaba waa ka tabar yar yahay kan caalamiga.
2- qodobka ugu darani oo ciidamada shisheeye uga dhibka
badan yihiin waxay dalka iyo dadkaba u afduubayan xerta
C/laahi oo ah suuliyaasha wanadiyada iyo diinta.
3- waxay la imaanayan caadooyin ka xun kuwa Itoobiya
waayo dalalka ay ka socdaan dadku Alle kuma xirnee waxay
ku xiran yihiin xidiga ciyaaraha iyo xidiga fanka
kuwaasoo sunada laga bartaahi tahay niman dhago leh iyo
waxaan afkuba Karin.
4- Ciidanka shisheeye waxay meesha ka saarayan Soomalidu
inay iyaddu is xalin karto siddii waagii Xamar
qabqablayasha laga saarey umaddu isu xaliysay baana
dalkana inta xun haddii laga saaro la isu xalin.
Barduuro oo ka mid ahaa 13 SYL mar aan 1998 ku
waraysanay Qoryoolay waxuu yiri’ dad dhalaan is lahaye
dugaag baan dhalnay’ isagoo u jeeday raggii
mas,uuliyadda qaranka dhaxlay hadda umaddii waxay ku
jahwareersan tahay hadiiba rag cullimo ihi qaladkan
taarikhiga galeen tolow xagee loo fakan ,qaarkood waxay
hal qabsi ka dhiganayan eraygii caamadu adeegsan jirtay
ee ahaa duul cullimo waashay baan nahay tiiyoo ay
wehliso rag wadaniyad loogu xil hayey oo magacyo
Professer iyo wax la mid sitay iyagoo og gunta
heshiiskan inaan wax nuxur ihi ku jirin ay u raaceen
dalalka xooga lihi waa danaynayan, tan cullimada Sheekh
waa qaldami karaa laakiin sunnada iyo kitaabkan qaldamin
marka Sheekh ha raacinine sunnada raaca, markaan arkay
dadka shakiga iyo cabsidda gashay ayaan xasuustay oday
reer miyi ah baa deegaanku beeldaajaha ka ahaa 129 hal
maalin xukuumadii kacaanku ku dishay, dadkii taladu ka
goday markay isu yimaadeen ayaa rag waxay yiraahdeen
qalab aan kula dirirno ma haynee aan iyaga iska raacno,
nin raggii ka mid ah baa yiri asalka ma madluumin baan
nahay mase daalimin , markaas la yiri madluumin , hadaan
madluun nahay aan dirirno Alle wuu noo gargaariye maalmo
ma qaadan inta heeryadii iska dul qaaden, hadda
dagaalkan oo mid diini ah ma jirto sabab looga shakiyaa
waayo hadaad dhimatana shahaado aaqira rajayn hadaad
nooshahayna sidii aad xaqa u difaaci lahayd baad u
joogi.
Hal ninkii kicin lahaa ku fadhiyo ma kacdaa la yiraa
ayeey Soomaalidu tiraahda, abwaanaduna waxay yiraahdan
meel aan quraanyaddu galayn yaa far ku qaloocshay,
waxaan ka gar naqdasay qodob ku jiray heshiiska ee ahaa
waxaan ugu baaqayna dowladda ku meel gaarka ah inay ka
shaqayso siddii loo bixin ciidanka Itoobiya, taasi
macnaheedu waa Cabdulaahi Utanga subax ha iska xaadiriyo
ileen cudud kale oo mashruuca dilaa sarre ee uu madaxda
ka yahay kala shaqaysa ma hayee, xitaa kuwa caalamiga
iyaguu ka door bidaya.
Waxaan ka gar naqsadey fullinta heshiisku ma qudbadaha
hoteelada mase waa hirgalinta wixii la gaarey oo xabad
joojintu ugu horayso, waxaa ii soo baxday mid ka mid
hogaamiye kooxeedyadii Soomaalida ayaa gabay uu tiriyay
waxaa ku jiray’ hadaan waayey Soomaali idil oo ii muraad
qumisa , ma waxaan waayey mudanyaal aan maalmo la
qaxweeyo’ hadda heshiiska ma qurba joogta laga gadi mase
cududa gudaha ka dagaalamaysa, runtu waxay tahay hadalki
Axmed Saciid Samater uu shirarka ku tilmaami jiray’
shimbirayahow heesa’,waxaan xasuustay mid ka mid
hogaamiye kooxeedyadii Soomalida baa isagoo dal qurba ah
jooga la yiri , maxaad u saxiixi heshiiskan la
gudoomiyaha gobolka Banaadir waxuu yiri ‘ ma rabo
heshiiska ee lacagta lagu bixinyan rabaa’ hadda ma laha
rag Shariif Xasan ka mid yahay ayaa tii Sanca ka
dhamaatay oo raba soorayadda Sacuudiga ileen way arkaan
inaan waxan gadmayne.
Hadraawibaa maanso uu tiriyey waxaa ku jiray’ nin
dhukani hadduu jiro anba maan is dhaga maro’hadda ka gar
naqso nin ku dilay daawo waydii waa Mareykan iyo
Itoobiya xal soo wada, nin ku dayacay dugso waa Q.M,
oday Siyaad baa qudbadi ugu danbaysay oo uu idaacadda
qaranka ka jeediyo iyadoo xabaddu Xamar ka socoto waxay
ahayd ‘ Beeraha fasha’ hadda qudbadii u danbaysaey
C/laahi raga u tahriibaya dhinaciisa oo raba qol iyo
barsad Xamarwayne, Xamarjajab iyo C/casis inay la
camiraan waxuu ku yiri’ dastuurka aqbala’ maxuu rag bah
dilay ,shaatiga diinta banaanka isaga soo siib weeye.
Mar siyaaso loo howlgalaad hoos u hogotaane, bal ka gar
naqso qadiyad cadow iyo cullimo wadani oo isku dhinac oo
diriraya ahayd raga manta u fasiri raba Sheekha reer
hebel ha la hadleen, qiso aad u qosol badan xaqiida
manta jirtana la mid ah ayaa dhacday dagaalkii Soomalidu
u taqaan afar biloodka nin dadka dega waqooyi bari
Soomaaliya, ayaa dhinaca waqooyi ee magaaladda Muqdisho
inuu ka soo gudbo oo dhinaca koonfur u soo gudbo damcay,
markuu marayo halkii la oran jiray qadka cagaaran ayuu
maleeshiyo beeleed fadhiya u yimid , yaa tahay ayeey
yiraahdeen waxuu sheegtay reerkisa, xageed jirtay 1991
markii reerkas la raadinayay ayeey ku yiraahdeen, hadda
mugaagi maahane meeshad u socotay aad, hadda arrinka
jufo, qabiil labadda xuduudihiisu talaabeen qofna yuusan
isku dayin inaad hoos u soo celiso.
WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com
:::KARFANTII SIYAASIGA IYO KADEEDKA
SHACABKA | Caanageel