SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hay’adda UNHCR waxay dib-u-soo-cusboonaysiisay baaqii ku wejahnaa in si deg-deg ah oo aan wax shuruud ah ku xidhnayn loo sii daayo madixii xafiiska Muqdishu

Nairobi, Arbaco 25th June 2008

Hay’adda UNHCR waxay dib-u-soo-cusboonaysiisay baaqii ku wejahnaa insi deg-deg ah oo aan wax shuruud ah ku xidhnayn loo sii daayo madixiixafiiska Muqdishu Hassan Mohammed Ali “Keynaan”, oo ahaa xubinshaqaalaheeda Soomaalida ah, iyadoo ka soo hoorjeedda af-duubkiisa,kaddib markii dabley hubaysan ay si xoog ah kuhaystaan imminka muddoafar maalmood ah.

muddaharaadyo looga soo horjeedo af-duubkaas ayaa ka dhacay nawaaxigaMuqdishu si lo cambaareeyo af-duubkaas, iyadoo lagu cadaadinayo in sibadbaado leh loo sii daayo shaqaalaha samafalka.

“waxay Soomaalidu si cad u dareensantahay in ficilkaasi uu saamaynxun ku yeelan karo habsami u socodka gargaarka la garsiinayo dadkatabaalaysan ee dalkooda ku sugan,iyadoo dad fara badan oo maata ah ayimminka gargaar u baahan yihiin”, sidaas waxaa yiri, GuillermoBettocchi, Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya.

sagaal qof oo ah shaqaalaha samafalka ayaa ilaa imminka lagu haystaadalka oo dhankuwaas oo ay uu ka mid yahay; Ali Keynaan. Inkastoo uutelefoon kula soo xiriiray qoyskiisa habeennimadii Axadda, uunau sheegayinuu xaalad wanaagsan ku sugan yahay, haddana hay’adda UNHCR ma aysanhelin wax xog ah oo la xiriirta af-duubayaasha, sababta af-duubka,hadafkooda ama meesha uu ku sugan yahay saxiibkeen toona.

Wuxuu Cali soo gebegebeynayey qorshaha raashin qaabintii ugu dambaysayee toddobaadkan, kaas oo ahaa raashiikn gargaarka asaasiga ah oo lagaarsiiyey ilaa 40,000 qof oo ah dadka cusub ee soo bara-kacay, kuwaasoo ku nool goobaha isku-raranta ah oo ku teedsan masaaafo dhan ilaa30km min Muqdishu ilaa afgooye. Waxayna wadarta guud gaaraysaa in kabadan 300,000 dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku bara-kacay, taas oo laisku dayayo in lagu badbaadiyo agagaarka waddada Afgooye.

Catherine WeibelAssociate Information OfficerUNHCR Somalia - Nairobi
Tel: (Office) + 254 20 422 2211(Mob) + 254 720 017 671.
e-mail: weibel@unhcr.org

UNHCR oo ku dhawaaqday in si deg-deg ah oo aan wax shuruudah ku xidhnayn loo sii daayo xubin ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ah... Akhri - Jun 24

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS