SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

KARFANTII SIYAASIGA IYO KADEEDKA SHACABKA

Aden Cabdulle Cusmaan madaxwaynihii u horeeyay ee Soomaaliya ayaa markii Cabdirishid Cali Sharmaake cod barlaman oo laaluush lagu bixiyay uga adkaadey ayaa waxuu yiri’ wiil yahow wixii lagugu doortaa lagugu dilayaa’ maalmo taariikhdu ma soo wareegin markii mid ka mid ah ciidankiisi uu dilay, laba geeri baa isagu darsantay mid waa tii xaqa ahayd midna waa kaarkiisi siyaaso ee u danbeeyay.

Adan Cabdulle waxaa isna karfantiisi siyaaso tolmatey markuu raggii reer xididkiis ahaa ee uu siyaasaddooda u dhaga furaa ay mucaaradkiisi cigaal u horeeyay mugdi heshiis kula galeen uuna Cigaal yiri ‘ labadii qeerinka ku qaybsata bisaylka kuma dirirto’, waxaana xukuumadii isaga badashay madaxwayne ka noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cigaalna ra,isul wasaaru ka noqday waxuuna kaarka marsadey riwaayadii Iririisam ee isaga iyo rag Cali Jumcaalle u horeeyo jilayeen .

Dowladadi rayidka ee sanadihii lixdameeyadi caalamku waxuu u yaqiin qabuurihii mucaawanidda, shacabku dabaqad buu ahaa oo inta siyaasiyiinta iyo hantilaydu dhashay baa waxbarshada heer ka gaari jirtay, nidaamkeeda siyaasiga ihina qaab boqortooyuu ahaa eeg shiribkii laashinka reer Cadale’ mar waa Rashiid , mar waa Risaaq inta kale ma rootiyaa’ waxay runi daaha ka qaadantay markii geeridii Cabdirashiid kadib Muuse Boqor kursigii u soo istaagay, abwaanaduna waxay ugu wanqaleen’ aaminta ducadiyo Alle bariga mooye arrin kale ma haysaan’waayo dowladaas xoolaha umadda waxii ay iyagu isticmaalan mooye inta hartay guryaha cullimidda suufiyadda gayn jireen.

Dowladdii kacaanka oo ahayd tii ugu wax qabadka badnayd, uguna wax dhibaataynta badnayd madaxwaynihii hor kacayay saddex jeer buu karfantiisa siyaasiga xirtay, asaga iyo culimo waxay kala dhinteen markuu yiri’ Sulus, rubuc, waa inku shubeen, oo inku shubeen, ee waan inka shubi’ ilaa heer arrin gaartay inuu aayad quraan si cad uga hor yimid cullimadii diidayna toogtay, wadaniyadi uu gadayay waxay dhamaatay markuu inqilaab dhacay oo uu is yiri haddi beel ku inqilaabtay beel dugso taasoo keentay in nidaamkii iyo kala danbayntii gacanta ka baxdo, habkii u danbeeyay ee ahaa rabitaanka dadka xoog ku caburina waxuu fashilmay markii kaarihiisi rag kaarabiin wata ka adkaaday.

Dhanka shacabka waxay ahayd soo jireenka taariikhda dowladda ugu wax tar roonayd sanadihii u horeeyay, waxbarasho loo siman yahay, suulinta habkii boqortooyadda ahaa ee lixdameeyadii , cadaalad iyo nabadgalyo lagu naalooday sanadihii dagaalki 1977 ka horeeyay, waxaase musiibo wali raadkeedi laga soo kabsan la yahay dhacday wixii xilligaas ka dabeeyay, hantidii umaddu booba yaa wadani bay noqotay, cadaalad dil iyo caburin baa badashay, maxaa taqaan yaa tahay baa badashay, xitaa waxaa laga dhaxlay in ragii ka danbeeyay wali ku riyoonayan siyaasad qoys ama shaqsiyaad dastuurka ka sareeyan.

Inkastoo dowladaas kadib aan la dhihi Karin wali wax qaab dowlo leh way dhasheen hadana aan sooyaalka tibaaxo si wixii qalad dhacay aan uga faa,idno,xukuumaddi Cali Mahdi iyana waxay sababsatay qudbadii Carte oo ra,isul wasaare ka noqday uu ku yiri’ ciidanka xooga dalku askari kasta jabhadda reerkiisa ha ku biiro oo ha kala tageen’ iyadoo dagaal sokeeye la jaanqaadey ugu danbaytiina dagaalkii afar biloodka ee dadku u yaqaaneen Cali VS Caydiid, ama xagga faragilinta shisheeyana looga yaqaanay Mario Zeco(safiir Talyaani) VS Canoco(shirkad batroolka baarta oo Mareykan laga leeyahay), wallow dad kalana ugu magac dareen dagaalkii labadda beelood ayaa magacii dowladaasi ku dabar go,ay, kaarkii siyaasiga ahaa ee Cali Mahdina markaas buu dhintay wixii ka danbeeyay siyaasadaha uu jilayey waxay la mid ahaayeen nin filim dhamaaday tikidh u goostay, xukuumadan wax nidaam ah oo ay wax ku dhibi kartay ma dhismin , mana ahayn mid dadku isku wada raacay balse aan dhaho wadadii dowladnimadda dib loogu dhisi lahaa ayeey xitaa u sii gogol xaari waysay.

Caydiid inkastoo xitaa Salbalaartu dhisay aysan aqoonsi arag hadana bal aanu xusno qaladadki keenay in kaarkii siyaasiga gubto ilaa uu isagii xitaa ku baxo, dhimashadii Cali wardhiiglay kadib xarigii uu u gaystay Xuseen Cali shido oo ahaa gudoomiyihii sidda ku meelgarka xilka u qabtay waxay keentay in isna halgankiisi hubaysnaa shirqool loo maleego , diidmadii xukuumadii Cali Mahdi oo fitnadii ka dhalatay dalka dhan saameysey iska daa isagee xitaa raad ku yeelatay fashilka ku yimid hankii in la doorto uu ka qabay Cabdulaahi Cadow, Abshir Bacadle gabay uu tiriyaa waxaa ku jiray’ iska daaya labadaas sanay nagu huruufeene, waxba lagama helin aan ahayn hilib walaalka cun’, dagaalkii UNSOM uu la galay Soomaalidda waa u fiicna oo waxuu fashiliyay nidaamka wajiga cusub ee gumaysiga ee dalka looga hirgalin lahaa balse isaga shaqsiyadiisa iyo guud ahaan dalkaba dakano caalami bay ku reebtay oo waa kaas Mareykan dabinkuu dhigay Caydiidna ku baxay , wadani qabqabla qaxiyay, cullimadda badbaada umadda u soo baxdayna waa kaas miduu dilo, miduu magacyo u bixiyo iyo miduu maatada kuwii laayey wax la qaybso yiraa ka dhigay.

Cabdiqaasim isagu kala diristii ciidankii maxkamadaha oo xitaa kala dirkoodi aysan bulshadda caalamku ugu soo joogsan, Itoobiya oo qaab siyaasi ah iyo mid ku hubayn qabqable ah ula diriraysay, qabqablayaashi oo u qaab nabad ah wax uga doonay oon ahayn rag mudnaa casharkii maxkamaduhu siiyeen in la siiyo iyo isagoo siyaasadda waji koowaad qalday waayo xukuumaduu soo dhisay golaheedi wasiiradu waxay boqolkiiba 75% ahaayeen xisbigii ka soo horjeeday taasoo aaqirkii ku keentay in raggii dhisayna uu waayo kuwii isagu dhisay ee Xasan Abshir u horeeyana ay karfantiisa tolaan, wixii dhacay baa dhacay washamsigii Nayroobi , waliba qalad taariikh ah iyo jilicsanaan aan loo meel dayin waxa ahaa in shir uu og yahay in Itoobiya geed fadhi u tahay inuu ka qayb galo, dhamaan kaararkii siyaaso ee soo jireenkiisa taariikhiga ka gubtayse maantuu asturay markuu sanad iyo bar dadka dhibka cadowgu ku hayey la qaybsadey isagoo mowqif wadani ah ka taagnaa.

Cabdulaahi Yuusuf siyaasadii hor iyo haatanba waa cawro, doraad dalkoo nabad ah buu inqilaab iyo jabhad qabiil ka shaqeeyay, jabhadii uu dhisayna iyadii baa inta u taagwaysay iska xirtay, Puntland hanaan doorasho caadil ah waa u diiday oo waasagi Jaamac Cali Jaamac xabad ugu jawaabay, maanta oo uu madax yahay dalkii cadow buu u dhiibay Itoobiya, dhowrka xaafadood oo uu baladka ka joogo waxaa ka furan saddex xabsi oo dadka lagu kala gato(cimrigiisa soo gaabtay buu maatadii cunaye), tagtadada , taaganta iyo timaadaba madaxnimadiisa wadaniyad la,aan, diin la,aan iyo dad la,aan baa laga macaashi.
Kaarkii qabqable waxuu gubay mashruucii la dagalanka argagixsadda dib danbana umadda u soo hor istaagi maayan, wixii dhib dal , dad iyo diin ay u gaysteena qiyaamo ka hor aduunka lagu ciqaabay xabad muqaawamo,Mareykanoo calaamadda cas siiyey markii la jabiyay oo xiriirki ka goostay iyo mujtamacii oo bartay in fitnadda dalku ka dagi la yahay iyaga tahay.

Haatan waxaa miiska saran kaarki Sheekh Shariif oo horay u sameeyay taariikh baal dahab ah ku qoran , balse mugdi iyo madow soo galay kadib markuu ka leexday mabaadiidi diinta iyo wadaniyadda ku dhisnayd una leexday been bulshadda caalamka aliftay , hadaan rag daba qabana kaarka dhani waa guban waayo maatalaysadii baan xukun la qaybsan, mujaahidintiina waan cambaareyna waa danbi, waxaase rajo laga qabaa in dabinka lagu riday looga nasteexeeyo, haddiise Sheekhu sidaas ku galbado fitno culus baa dalka iyo dadkaba ku soo kordhi.

WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com
 

:::SHEEKH SHARIIF TAARIIKHDA DIB U XASUUSO | Caanageel

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS