SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlada Dalka Kenya ayaa ku hanjabtay in aay xirayso Xeryo Dad Qaxooti oo ka tirsan IDP

Garissa 15 June 2008

Dowlada Dalkani kenya ayaa waxa ay ku goodisay in ay xirayso xaro ay ku jiraan qaar ka mid ah IDP magaalada Naivasha ka dib markii hayadaha gargaarka bina aadinimo ay diiwaan galiyeen qoxooti cusub,

tilaabadani ayaa waxa ay sababtay jaha wareer iyo walaac ka dhax abuurmay dadka qaxootiga ah ee ku jira xarada naivasha stadium ayada oo saraakiisha dowlada iyo hayada laan qayrta cas ee dalka ee kenya red cross ay ku dhaceen,

sida laga soo xigtay gudoomiyaha gobalkaasi hayadaha gargaarka bina aadanimo ayaa waxa ay keeneen 130 IDP qof oo ah qaxooti cusub oo looga shakisanyahay in ay yihiin kuba been abuur. madaxa dagmadaasi naivasha u qaabilsan dib u dajinta Haweeneyda MS. Flornce amoit ayaa waxa aay sheegtay in dadka wadanka gudihiisa ku bara kacay ay ka niyad jabeen dadaalka dib u dajinta ee dowlada,

Ms. Flornce ayaa waxa ay sheegtay in tilaabada red cross ay ku diiwaan galinayso qaxootiga cusub uu ragaadinayo dadaalka Dowlada ay dib ugu celinayso guriyahooda,

Dhinaca kale gobalka galbeedka ee Dalka Kenya dhamaan xarooyiinka ay ku jiraan dadka ku bara kacay wadanka gudihiisa ayaa la xiri doonaa tadabaadka fooda inagu soo haya gudihii, gudoomiyaha Gobalka Galbeedka ee Dalka Kenya Mr. Abdul Mwasserah ayaa waxa uu sheegay in la soo gabagabeeyay qorshooyiin dib loogu dajinayo in ka badan 7000 oo ah IDP,

Eng. Mohamed Isse (Malaysia) Garissa 254723834419
malesia73@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS