SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

The Alliance for Re-liberation of Somalia

Shir ay isugu yimaadeen Xubnaha labada gole ee Isbaheysiga oo lagu dib loogu dhigay shirkii golaha dhexe

Shir ay isugu yimaadeen xubnaha golaha dhexe ee Isbahaysiga dib uxoreynta Soomaaliya kana dhacay xarunta Isbahaysiga kumeelgaarka ah ee Magaalada Asmara oo uu shirgudoominayay ku simaha gudoomiyaha Isbahaysiga Dr Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa waxaa looga hadlay qabsoomida shirka golaha dhexe ee isbahaysiga ka dib markii la ogaaday inay soo qulqulayaan wufuud fara badan ayaa waxaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib shirku uu go'aamiyay in mudo laba usbuuc ah shirka dib loo dhigo taas oo la isla gartay in uu shirku furmi doono July 3,2008.

Waxaa shirkaasi ka soo qeyb galay dhamman xubnaha golaha dhexe ee ku sugan magaalada Asmara waxaana ka mid ahaa Dr Cumar Iimaan Abuubakar, Sh Xassan Daahir Aweys, Sh Xassan Mahdi iyo Xubno kale.

Waxaa mar labaad loo sheegayaa dhammaan xubnaha golaha dhexe meel walba ay joogaan inay ka soo qeyb galaan kulanka golaha dhexe ee ka dhici doonaa waqtigaas magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Xafiiska ku simaha gudoomiyaha Isbahaysiga

Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Asmara 14/06/2008

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS