SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka Dib U Xoraynta Oo Sheegay Imaatinta Maraakiibta Dagaalka Ee Xeebaha Soomaaliya Ay Tahay Mid Dano Gaar ah Laga Leeyahay.

Ururka Dib U Xoraynta soomaaliya Ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara Ee wadanka Eretariya ayaa shaaca ka qaaday Inay si weyn Uga soo Horjeedaan Marakiibta dagaalka ee kusoo marmarsiinyoonaya Budhcad badeeda islamarkaana aysan biyaha Soomaaliya U Ogolaan doonin Xad Gudub

Xoghayaha Maaliyada Ururka Dib U Xoraynta soomaaliya Cabdi fataax maxamed cali oo Habeenkii Xalay ahaa saxaafada U waramayey ayaa gaashaanka ku dhuftay Hadalka kasoo yeeray Beesha caalamka gaar ahaan golaha amaanka ee Oranaya In wadanka soomaaliya xeebtiisa ay Geli karaan Maraakiibta dagaalka iyagoo la dagaalmaya Budhcad badeed islamrkaana carabka ku adkeeyey In beesha caalamku ay dano gaar ah ka leedahay dalka soomaaliya iyadoo uu Si weyn Uga soo hor jeestay arintaas Oo Uu sheegay Inaysan Hadii ay Yihiin Ururka aysan Aqbali doonin

Sidoo Kale Xoghayaha Ururka dib U xoraynta soomaaliya C/fitaax maxamed Cali ayaa arintaasi ku macneeyey in maraakiibta dagaalka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya aysan daacad Ka ahayn Inay budhcad badeed raadinayaan Baasle ay doonaayaan Inay kheyraadka bada soomaaliya si yar Ula wareegaan .

C/fitaax ayaa sidoo kale xusay dagaalkii 1992-dii ka dhacay magaalada Muqdisho ee uu Hogaaminayey wadanka maraykanku islamrkaana dagaalka kula Jiray Hogaamiyihii gen,caydiid oo uu sheegay inaysan marnaba Ciidamo ka socda QM aysan xal U ahayn wadanka soomaaliya taasina ayuu Yiri ay sii ragaadinayso xaalada colaadeed ee adanka soomaaliya ku Jiro .

Dhinaca kale xoghayaha oo la weydiiyey inay wadaan mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Ururka dib U xoraynta Sh,shariif inay xilka kaga Qaadaan ayaa sheegay inay arintaasi u taalo golaha dhexe balse ay iminka kala Maqan yihiin waa siduu Hadalka U dhigaye oo uu baaqday shir la doonayey inay isugu Yimaadaan taasoo ay sabab u tahay Dhinaca diyaaradaha soo gala asmara .

Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
Muqdisho Somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.