SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga dib u xoreynta Somaliyeed  Yaasiin Baynax oo oo saaray Baaq ka duwan baaqyadii beryahan looga bartay xubnaha isbahaysiga.

Waxaan shacbiga Soomaaliyed meelkasta ay joogaan uga mahad celineynaa bacdal Rabi aniga oo ah Xoghaya guud ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed, Yassin Baynax iyo Cumar Shukri oo ah xubin ka tirsan golaha dhexe ee isbahaysiga-ba sidii aan hagarta laheyn ee uga dagaalameen markii sida xaqdarada nalugu xirey dalkan Sweden, waxaana Ilaahey uga baryeynaa in uu miisaanka xasanaadka ugu daro intii ka qeyb qaadatey dadaalkii balaarnaa ee bacdal Rabi keeney in ay ku guuleystaan in aan xoriyadeenii nosoo noqoto. 

 Marka xiga waxaan salaan khaas ah u direynaa Mujaahidiinta Soomaliyeed ee naftoodii iyo maalkoodiiba ugu hurey, dib u xoreynta dadka  Soomaliyed iyo dalka Soomaaliyeed-ba, waxaana leenahay "Nasriga waa dhowyahay ee ku samra". 

 Intaas kadib waxaan aniga iyo walaal Cumarba aad iyo aad uga xunahay mad madowga soo kala dhaxgaley walaalihii Isbaheysiga, taasoo dhaawac u geysan karta hurumarka ah in dalka uu ka xaroobo gacanta gumeysiga madow. Waxaan aad uga naxaney ugana xunahay in shacbiga Soomaliyeed ay warfaafinta caalamiga iyo kuwa maxaligaba ay ka maqlaan hadalo farax gelin kara cadowga dalka kusoo duuley, oo ah kala qeybsami Isbaheysiga  isla markaana murugo,iyo naxdin galin karta dadka gobanima doonka ah ee Soomaaliyeed, Sidaa awgeed waxaan u direynaa baaqan deg deg ah . 

    1.      In loo joojiyo sida ugu dhaqsaha badan isu adeegsiga warfaafinta iyo hadalada aan waxba kordhineyn ee kala geynaya Isbaheysiga, niyad xumana u keeni karta shacbiga nadiifta ah ee Soomaliyeed.

    2.      In la ilaaliyo midnimada walaalaha Isbaheysiga, waxaan shareecada ka hor imaaneyn.

    3.      Inaan lagu xadgudbin sharafka iyo moralka Mujaahidiinta Soomaliyeed .

    4.      In Ilaah looga baqo balankii umadda loo qaadey, ee ahaa in dalka lagu xoreeyo cadowga madoow.

    5.      In 4-tii urur ee gundhiga u ahaa isbaheysiga ay urur walba dib isula hadlo, si degdeg ahna lagu keeno xaluul lagu badbaadiyo midnimada ummadda Soomaaliyed iyo tan isbaheysiga.

    6.      In dalalka maalintaan baahneyn ee firxaney gacanta wanaagsan noo geystey, abaalkooda lagu xadgudbin, walow ay meelaha qaarkood ku qal dami karaan.

    7.      In Ilaah loo noqdo oo Ilaah laga baryo sugnaansho.

  Ugu danbeyn waxaan Ilaahey ka baryeyenaa in culeyska iyo dhibka ka dulqaado shacabiga Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee gurigoodii lagu xasuuqayo, laguna gumeysanayo.

Waxaan leenahay dowalada kaligii taliska Adisababa ee ku caan baxdey xasuuqa iyo cadaadiska shacabka soomaliyeed meelkasta ay joogaanba iney kala baxdo ciidamadeeda sharuud la,aan. Lana soo taago maxakamad xakumada Adisababa saraakiisheeda inta ka qeyb qaadatey xasuuqa shacabka Soomaliyeed. 
 Ugu danbeynbtii waxaan markale uga mahadcelineynaa dadkii dareenkooda kalgacal inoo muujiyay ee somalida iyo ajnabiba lahaa mudadii aanu sida xaqdarada ah ku xirneyn. 

Xafiiska Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaliyeed 
 GUUL IYO GOBANIMO
Yassin Baynax
###

Waxaa soo tebiyey: Amiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.