Heshiiska Jabuuti “Ma fursad dahab baa mise waa shimbarayahoow
heesa?’’
Faalada Hashiiska Jabuuti 13.06.2008
Dalka Jabuuti aynu walaalaha nahay waxaa lagu qabtey oo lagu soo
gunaanaday heshiis ay wada gaareenIsbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya
iyoTFG-da, waxaana shirka maamulayey oo marti galiyey United Nation-ka
wakiilkeeda Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah.
Shirka intuu socday waxaa yimid dalka Jabuuti xubnaha Golaha Amaanka ee
Qaramada Midoobay si ay u dhagaystaan dhinacyada isku haya siyaasada
Soomaaliya.
Shirka waxaa ka soo baxay go’aamo badan oo dhamaantood muhiim u ahaa
dhinacyada is haya, iyadoo qoraalka soo baxay ee la saxiixay uu ka muuqday
in qola walba tanaasul weyn samaysay si meel dhaxe la iskugu yimaado,
arinkaas oo ah tilaabo guul ah oo horey loo qaaday mudana in la soo dhaweeyo
run ahaantii, madaama dadka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin dhibaato aad u
mug weyn.
Hasayeeshee waxaa isla markiiba soo shaac baxay in dadka Soomaaliyeed iyo
beesha caalamka ay ka muujiyaan aragtidooda ku aadan heshiiska.
Beesha caalamka dhamaantood way soo dhaweeyeen una riyaaqeen, halka
Soomaaliduaad moodo in ay u kala baxeen dhawr qaybood.
- Qayb si cad u diiday oo markii horaba
diidanayd shirka.
- Qayb soo dhawaysay una riyaaqday
goaanada labada dhinac ay qaateen.
- Qayb shaki ka qabta sida shirka u
hirgalaayo.
Waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo dhowr qodob oo dadka Soomaaliyeed muran
weyndhax dhaliyey, kuwaas oo kala ahaa.
- In Qaramada Midoobay iyadoo waafaqsan
qaraarka 1814 ee Golaha Amaanka la warsado in120 Maalmood gudahood
Soomaaliya ugu dirto ciidan caalami ah oo xasiliya dalka Soomaaliya,
ciidamadaas oo laga keenaayo wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya, oo
aysan ku jirindalalka dariska la ah Soomaaliya, sida Ethopia, Kenya,
Eritareeya iyo Jabuuti.
- In 120 Maalmood gudahood oo ka bilaabata
marka heshiiskaan la saxiixay ay TFG-da ku dhaqaaqdo sida dowlada
Ethopia hore u go’aansatey in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya,
marka tiro ku filan ciidamada Qaramada Midoobay yimaadan Soomaaliya.
- Ururka Isbahaysiga dib u xoreynta
Soomaaliya uu meel cad iska taago joojiyo isla markaana cambaareeyo
falalka hubaysan ee gudaha Soomaaliya, isla markaana iska fogeeyaan
kooxaha iyo shaqsiyaadka aan u hogaansanayn qodabada lagu heshiiyey.
Qodabka kowaad ayaa si cad u sheegaya in horeyQaramada Midoobay go’aan
ugu gaartey in Soomaaliya ay u diraan ciidamo caalami ah oo tiradoodu dhan
tahay 28500 askari balse ku xirnaa go’aankaas in dhinacyada isku haya
siyaasada Soomaaliya isla ogolaadan, waana sababta ay Jabuuti u yimaadeen
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, si arinkaas u xaqiijistaan, marka
qaraarka 1814 ayaaba si cad Ethopia dalka Soomaaliya uga saarayo bilaa
shuruud, waana qodobka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya kalsoonida weyn
ay ku qabaan ee u cadeeyay in dalka Ethopia laga saarayo.
Qodabka labaad oo ah kan mugdiga ku jira ee dadka Soomaaliyeedna
badankiis fahamsanayn waxaa weeye in Ethopia shaar been ah inta loo xiro
dalka Soomaaliya looga saaro arin ah weeye ee ma ahan sida ay u fasirteen
kuwa raba inay u marmarsiiyoodan shirka iyo waxa ka soo baxayba .
TFG-da ayaa Ethopia u yeeratey ayay aqoonsan yihiin UN-ta iyo dhamaan
caalamka, halka Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya aaminsan yihiin in
dalka Soomaaliya Ethopia ku qabsatey camiilo Soomaali muuqa ka ah, marka waa
in la fahmaa in Ethopia Mareykanka dalkeena ku soo fasaxay haatana uu rabo
inuu wadadaan ku saaro, isagoo kashanaya beesha caalamka.
Soomaalidu waxay leedahay dhaqan ku saabsan guurka kan qarsoodiga ah,
TFG-da iyo Ethopia way is masaafeesteen iyadoo shacabkii Soomaaliyeed ee
dalka lahaa arinkaasi si cad u diidan yihiin, marka hadii guurkii xaraanta
ahaa ee ka dhaxeeyay TFG-da iyo Ethopia uu soo afjarmaayo, oo ay TFG-da si
cad u waydiisanayso inay kala laabanayso arinkii hore ayna sidaasi ku soo
dhamaanayso anagaa u yeeranay Ethopia maxaa ku jaban ha na dhaafaan?
Waxaa loo fasirey ayna u fasireen kuwa raba inay dadka Soomaaliyeed
qaldaan in TFG-da awood u leedahay in ay go’aamiso waqtiga Ethopia baxayaan
ama u kordhin karaan hadii aysan ka maarmin ciidamadeeda.
Arinka sidaasi ma ahanEthopia waa la saarayaa bilaa shuruud sida ku cad
qaraarka numberkiisu yahay 1814 ee horey uga soo baxay Golaha Amaanka,
marka Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ Hasha geela markii wax diidayso
waxay ka eegtaa maqaarka dulduleelada’’, waana yaab in waxaan jirin dadka
loo aqriyo madaama si cad loogu xusay heshiiska , hadii TFG-da iyo Ethopia
warqad kala qoranayaan wax ka quseeya malahan bixitaankeeda waayo mar kasta
waa inay baxdaa sida ku cad qaraarka Golaha Amaanka ee ka soo baxay Qaramada
Midoobay.
- Cambaareynta kooxaha diidan heshiiska
waa mid waajib ku ah Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya madaama meel
la saarey ka bixitaanka ciidamada Ethopia sida ku cad warqada heshiiska,
cidii diida hirgalinta arinkaasi oo wadata qorsha kale oo kabaxsan in
Ethopia ciidamadeeda dalka laga saaro waa cid aan wadin maslaxad
Soomaaliyeed oo ku xiran meelo kale sida Abdulahi Yusuf, Warlords oo
dhan, Cadde Musse, Dahir Riyaale, Hassan Dahir, Hassan Turki, Abuu
Mansuur, Yusuf Indhocade. Alshabaab iyo kooxaha Isbaarooleyda ah.
Waayo ragakani waxay si cad u shegeen inaysan aqbalaynin in xataa ciidamo
caalami ah lagu badalo Ethopia in dalka Soomaaliya la keeno, halka kuwa kale
ku dhagan yihiin in ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya sii joogto.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ Nin aan ku furi doonin yuusan ku
rarin’’ oo aan ula jeedo ninkii aan rabin in dalka Soomaaliya Ethopia
ciidamadeeda laga saarin isla markaana ciidamo nabad ilaaliyayaal ah lagu
badalin waa nin leh ujeedoo kale, waana in la iska qabtaa.
Waxaa jira shar wadayaal badan oo ka soo horjeeda heshiiska Jabuuti,
kuwaas oo siyaabo kala duwan uga soo horjeeda, waana kuwa hadalo aan
samaynaynin micno badan dadka Soomaaliyeed u aqrinaya, si ay u garaan
ujeedooyinkooda dahsoon ee ku xiran.
Nabadda waxaa diida nin dan wata, 18 sano ayay Soomaali heshiin lahayd
hadii ay garan karaan maslaxadooda waxay tahay? Marka maanta oo aad moodo in
caalamka oo dhan ay taageero noo muujiyeen in la lumiyo fursadaas qaaliga ah
ma ahan.
Ugu dambayntii waxaa weeye in la taageero hashiiska lagu gaarey dalka
Jabuuti si looga hortago inay fashiliyaan kuwa aan marnaba doonaynin in
Soomaaliya ka dhalato dowlad Soomaaliyeed oo caalamka laga aqoonsan yahay oo
wax ka qabata dhibaatooyinka Dowlad la’aanta, saboolnimada, barakaca,
dilalka, cadaalad darada, kala go’a, qabyaalada, eexda iyo faragalinta
wadamada dariska nala ah sida Ethopia iyo Eritareeya oo kale.
Shirka waxaa raba inay fashiliyaan ugu horeyn dowlada Ethopia, camiilada
ay ku shaqaysato, kooxaha fidna wadayaasha ah ee isku ekaysiiya Alqaacida
iyo kuwa 18 sano ku naaxay nidaam darada baahsan ee ka jirta Soomaaliya.
- Shirka hadii uu guulaysto oo Qaramada
Midoobay ka dhabayso inay ciidamo caalami ah ku keenaan Soomaaliya oo
Ethopia-na kaga saaraan dalka Soomaaliya oo dhan mudada lagu qorey
heshiiska, waa guul lagu gaarayo Qaranimo Soomaaliyeed oo buuxda oo aan
cidina u afduubnaan Karin.
- Balse hadii kooxaha sharwadayaasha ee
raba in Soomaaliya sida ay hada tahay sii ahaatana waxa uu heshiiska
noqonayaa ‘’ Shimbirayaaloow Heesa, hees wanaagsan heesa, halkaan soo
fariista” waayo hadalada ay ku hadlayaan iyo sida ay u rabaan in
Tigreega dalka u sii haystawaa wax lala yaabo, sababtoo ah hadii ay
xabad dalka ku xoreeynayaan yaa ka hor taagan? Hadii 4 bilood Ethopian
dalka looga saaroay heshiis ku galeen Isbahaysiga dib u xoreynta
Soomaaliya ma qalad baa? Jawaabtu waa maya balse Isbahaysiga ayaad
moodaa in dad badan inay ku dhaxdhuumanayeen , kuwaas raba inay jaakad
diin beenaad iyo mid Isbahaysi danahooda gaarka ah ku garaan.
Hadii arimahaan oo idil ummadda Soomaaliyeed fahmi waayan oo meel cad ah
wax marsiin waayan, waxay noqonaysaa in Ethopia Soomaaliya sii haysato
beesha caalamkana ay iska hilmaaman arimaha Soomaaliya.
Kow waa dib u heshiisiin, dowlad loo dhanyahay oo caadil ah kadibnna
lala xisaabtamo kuwii dadka Soomaaliyeed dhiibaatada ku hayey oo dhan.
Salaad walbana sidii u kala horeysaa loo tukudaa, Talo aan la ruugina waa
lagu rafaadaa. ayay Soomaalidii wax garadka ahayd ku maahmaahi jireen marka
xaalad jahwareer la soo gudboonaato ummadda Soomaaliyeed.
Mahadsanidiin
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
The Somali Political Columnist
mrsomalia@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2008