SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

Xafiiska Qaramadam Midoobay u Qaabilsan Arimaha Siyaasadda Soomaaliaya (UNPOS)

Warqad ku socota Soomaalida Qurbaha ku nool

Nairobi, 12 June 2008

Marka hore, waxaan rabaa in aan idiinkaga mahad celiyo sida wadaniyada leh ee aad u taageerteen Heshiiskii Nabada Soomaaliyeed ee lagu saxiixay dalka Jibuuti 9 Juun 2008. Waxaan helay teleefoono iyo iimeelo badan oo dhamaantood muujinaya sida aad u taageersantihiin heshiiska iyo isu tanasulka ay isu sameeyeen Garabyada Siyaasadda Soomaaliyeed. 

Wali howlo badan ayaa qabyo ah. Waddankiina waxuu maantay si dhab ah ugu baahan yahay kaalmadiina ku aadan in laga dhaadhiciyo Bulshada Caalamka inay hada si ficil ah ay u muujiyaan una bixiyaan taageerraddii la ballanqaaday. Ballanqaadkani wuxuu rumoobi karaa oo kaliya marka aannu xaqiijino in Garabyada Siyaasadda Soomaaliddu ay dhowraan balantii ay galeen kuna aadanayd hellitaanka ciidamada nabad ilaalinta & fulinta arimaha bini’aadnimo ee uu dalku u baahanyahay. Garabyada Siyaasadda  Soomaaliyeed waxay bulshada caalamka ka codsadeen in ay ugu deeqaan dhaqaale ku filan taabo galinta ama meelmarinta heshiiska la gaaray. 

Waxaan aad ugu dadaalaynaa sidii aannu u abbaabulilahayn Gudigii Wadaaga (eeg Qodobka 8aad ee heshiiska) ee Arimaha Nabadgalyada, Gudigii Heerka Sare (eeg Qodobka 9aad ee heshiiska) iyo Shirkii ku saabsanaa is-kaashiga Arimaha Siyaasada, Cadaalada, Dib u Heshiisiinta (eeg Qodobka 9aad ee heshiiska),  Dib u Dhiska iyo Horumarinta (eeg Qodonka 11aad ee heshiiska), sida ku cad heshiiska. Arimahani waxaay muhiim u yihiin taabo-galinta dadaallada ku aadan nabadaynta. 

Waxaa aad loo rajaynayaa in talaabadani ay noqoto bilowgii dib u soo celinta Karaamadii, Madaxbannaanidii iyo Sharaftii Umadda Soomaaliyeed. 

Sida badankiin aad  xasuusataan Soomaaliya ayaa doorwayn ka cayaartay dhexdhexaadintii Bangaladhesh iyo Bakistaan, ka dib markii u dhacay dagaalkii 1971 lala galay Sheekh Mujiibu Raxmaan, kaasoo lagu keenay Lahoor Diyaaradii Wasiirka Arimaha Dibada Soomiliyeed,  si Sheekh Mujiibu uu uga qayb galo shirkii kulan Madaxeedka Ururka Islaaamka kana dhacayay Bakistaan. Soomaaliya waxaa kaloo ay qayb ka qaadataay nadadayntii Tanzaaniya iyo Ugandha. Sidaas darteed waxaanu rajaynaynaa in aannu aragno Soomaaliya oo dib u hannata doorkeedii Qaranimo ee ku dhisnaa Sharafta iyo xurmada kuna aaddana nabadsamaynta. 

Waxaa na soo maray waqti dheer oo Sideed iyo Toban Sano oo mugdi ah, hadaba dhamaanteen waa inaannu kartideena isugu gaynaa sidii aannu waqtigii mugdiga ahaa isaga illoobi lahayn una bilaabi lahayn nolol cosub. 
 

Wallaalkiin 

Ahmedou Ould Abdallah 

###

La xiriir: Susannah Price
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office - 254 20 7621192
Mobile - 254 733 902020
Email: Susannah.Price@unon.org


United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

Letter to the members of the Somali Diaspora  
 

Nairobi, 12 June 2008  
 

Asalaam Aleikum 

At the outset, I would like to thank you all for your patriotic support for the Somali peace agreement which was initialed in Djibouti on 9 June 2008. I received many phone calls and emails expressing backing for the agreement and the consensus that was reached between the Parties. 

There is still much work to be done. Your country would sincerely appreciate your help in persuading the international community that they will now need to provide full practical support as promised. This is especially true if we are to ensure that the Parties keep to their promises particularly for setting up an international stabilization force and ensuring humanitarian access. The Parties themselves called for the international community to provide adequate resources for the Agreement. 

We will be working hard to organize the Joint Security Committee and the High Level Committee as well as the conference on political cooperation, Justice and Reconciliation and the one on Reconstruction and Development outlined in the Agreement. These are crucial for the success of the peace efforts. 

There are high hopes that this will be the beginning of Somalia regaining its sovereignty, independence and pride. 

As many of you will recall, in the past it was Somalia that was instrumental in helping reconciliation between Bangladesh and Pakistan after the 1971 war with Sheikh Mujibur Rehman being brought to Lahore in the Somali Foreign Minister’s plane to attend the Organization of Islamic Conference summit in Pakistan. It also helped to broker peace between Tanzania and Uganda. We would like to see Somalia regain its role as a responsible, respected nation that can act as peace maker. 
 

We have had a long dark night which has lasted 18 years. We must now all do our best to put this nightmare behind us and look forward to a new beginning.  
 
 

Yours Faithfully 
 
 

Ahmedou Ould-Abdallah

Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS