CEEBTII DJIBUTI
Djibuuti:-Wada hadalku iyo in
bani aadamku uu ka wada xaajoodo waxa dhexyaal waa mabda’ caalami ah, waxaana ku
dhisan nolosha. Isla markaasna waxaana la oron karaa waaba meelaha aynu
xayawaanka intiisa kale kaga duwan nahay. Intaa waxaa dheer in innaga Diinteenna
Islaamku ayba inaku dhiirri gelisay mabda’aas intaba uusan ka hor imanayn
shareecada Islaamka.
Haddaba, marka aynu mabda’aas
kaduulno iyo in la wada hadlo oo kaliya, waxaan leenahay shirka djibuti manta
kasocdaa waa la aqbali karaa. Laakiin wada hadalku hadaf isagu ma ahan ee waa
wasiilad lagu gaarayo himilooyin dani/faa’ido ugu jirto dhinacyada wada hadlaya.
Haddiise faa’ido la hubo aysan ku jirin sidaba ka muuqata kan Djibuuti ma ahan
in laga qayn galo. Maxaa jira, waxaa isla markaba isa soo mutaxaya su’aalo fara
badan oo jawaabo lagu qanco in loo helaa aysan sahal ahayn oo ku xeeran jawiga
shirka iyo dhinacyada kawada qayqaadanaya.
Waa marka 1aade shirkan yaa qolyaha is haya u qabtay oo xakam iyo dhexdhexaadiye
ka ah!! Maxaase laga filan karaa!!. Ma qolo inagu cusub baa, mise waa qolo kamid
ah kuwii ina soo daaliyey dhibka ina haystana qayb ka ah. Horay waxay doonaanba
ha ahaadeene hadda ma daacad maka yihiin xal Soomaaliyeed, danta ugu jirtaase
maxay tahay xalkeenna!!!!.
Marka 2aad, yaa loo qabanayaa shirka oo is haya: ma Soomaaliya iyo Itoobiya,
mise “bulshada caalamka” iyo Maxkamadaha, mise Isbahaysiga dib u xoraynta
qaybtiis iyo Embagathi. Mise mise mise-----------.
Sida aynu uga baranay siyaasadaha reer galbeedku hadba waxay diiradda saaraan
kolba meesha ay isleeyihiin khatar ayaa idiinka soo wajahan. Muhiimna ma ahan in
khatartaasi ay tahay mid dhab ah iyo in kale midna, ee waxaa iyaga agtooda
muhimmaddu tahay tuhmo iyo tolow meel hebla maxaa laga filan karaa. Sidaas
awgeed, ayaad arkaysaa iyaga oo meelo aan waxba ka jirin innaga (sida loo
badanyahay) sida ay inoogu muuqato aad u buun-buuninaya.
Taa macnaheedu ma ahan in ay wax bilaash ah ka cararayaan ama bilaash faytayaal
yihiin, laakiin waxaa ka dhab ah oo aysan marna ogolayn in cid ay si sahlan meel
ugaga soo baxdo oo markaas intay doontaba ha le’ekaatee ay lumiyaan waxyar oo ka
mid ah caalamka ay ku amar kutaagleeyaan. Taasaa keentay in Taalibaan la
rido oo dalkoodii la qabsado. Taasaa keentay in Ciraaq
la qabsado Saddaamna la dal-dalo. Waa midda dhalisay in Xamaas ayaad doora teen
loo ciqaabayo 1,5 milyan Falastiiniyiin maato iyo dad jilicsan ah oo ku nool
Qaza. Waana isla tan sababtay in Maraykan uu baadiyaha Kismaayo Thomahock iyo
cruzz misileska kala dul kici la’yahay.
Golaha Amaanka oo dhab ahaantii istaahila in loogu yeero Golaha Rucbiga iyo
argagaxa ee Quruumaha midoobay (riddoobay) ayaa isugu yeeray qolyahan shirsan
baa la yiri. Isla iyaga oo fadhiyana golahan ayaa go’aamiyey in Xeebtii dheerayd
( in ka badan 3000 mile dhere ah + 300 mile ballac) ee Soomaaliya Maraykan hibo
loo siiyo. Shirka oo aan wali soo gaba gaboobinna waataa maraakiib dagaal la
ciir-ciirtay. Waa yaabe ma iyagaa marna xakam ah marna muddaci. Yeelkoode dadku
waxay isweydiinayaan, xaqna wey uleeyihiin in ay isweydiiyaan, ma taxaalufkii
dib u xoraynta aan ku ogeyn ayaa dib u gumeyn qayb ka noqday, oo sandareertadii
ay iyagaoo intan ka awood liita iska diideen shacabkuna ku garab istaagey ayey
maanta oo guushaba ay saacad adkaysi ihi naga xigto u hanqal taageen.
Hashu maankayga gaddaye ma masaar bay liqday,
waxaan u deynayaa Sh. Shariif iyo Dr. Geelle bal isu kaaya waafajiyaan.
Dhnaka kale, tanaasulku iyo wax isu ogolaanshuhu isna waa mabda’ asaasi u ah
wada hadalka iyo wada xaajoodka, la’aantiisna aanay macno lahayn in la wada
hadlaa. Hase yeeshee, waxaan illaa iyo hadda caddayn cidda la wada hadalsiinayo
iyo barnaamijka laga wada hadlayo toona, dood iyo halxiraale ayaana ku xeeran.
Haddiibase aan kusoo ururinno Isbahaysiga iyo qolada embgathi ay wada hadlayaan
(walow aysan sidaas sax kuwada ahayn), barnaamijkuna yahay sidii Xabashida dalka
looga saari lahaa waa sida heestu u dhacaysee, Waxaa muuqata in ay jiraan arrimo
intaa kabadan oo keenaya horseedayana shaki iyo walwal laga qabo xubnaha
Isbahysiga madasha shirka ka jooga iyo qorshahooda .
Akhristaha sharafta lahow waxaad bal inyar dib u jalleecdaa shirarkii noocan
ahaa (in kastoo wadcigu sidan ka badalnaa) ee lagu qaban jirey Khartuum iyo
shuruudihii labada kooxood ay kala wateen (Embgathi iyo Midowgii maxkamaduhu).
-
Kooxda Embegathi Khartuom:- Waxay kudoodayeen in MMIdu marka hore Aqoonsat,
kana mid noqoto “Xukuumadda” , kadibna laga wada hadlo arrimaha amniga la
xiriira, sida saarista ciidamada Xabashida.
- Maanta
(Djibuti) oo ay kasoo wareegtay sannad iyo bar ku dhowaadna shuruudaha ay
Djibuti keeneen waa isla kuwii. Sidaa awgeed, dhankooda wax is badal ahi
kuma iman, marka laga reebo hebellada hadda jooga oo qaarkood aanay Khartuum
joogin.
Bal dhanka Isbahaysigana aan eegno, Shalay:-
§ Wax wada hadal ah ma jiraan inta ay
ciidamada xabashidu dalka joogaan.
§ Maanta iyo jibuuti:- war kale ayaa
jira. Oo Isbahaysigii qaybta shirka joogtaa waxay maraysaa in ay aqbalaan wixii
ay sannad ka hor diidanaayeen sababuhu waxay doonaanba ha ahaadeene.
Si kastaba ha ahaatee, isabadalka noocan oo kale
ah ee xagga mabda’a dadka kuma yimaaddo iyaga oo wali niyad wanag iyo ka duulaya
xeerinta danta guud. Probabilityga ay ku dhacdaana waa mid aad iyo aad u liita.
Waxaana lagu tilmaami karaa oo kaliya marka la adeegsado luqadda casriga ah: is
miidaamin siyaasadeed (political suicide) iyo gobonimada oo la iibsado Waxaana
ka dhalanaya raad iyo natiijooyin aad u xanuun badan. Haddaba inta aanan u galin
natiijooyinka ka dhalan kara waxa kasocda Djibuti. Bal aan yara milicsanno
faqrooyin ka mid ah xeerka Isbahaysiga oo isbadal yaab badani uu ka muuqdo, in
ka yar muddo sannad ah.
1. Dib u xoreynta dalka iyo dib u
heshiisiin dhab ah oo u danaynaysa shacbiga soomaaliyeed. Waxay ahayd
ujeedooyinkii Ururka (waxaa lasameeyey 13/09/2007) sida uu qeexayo Qodobka 6aad
ee xeerka ururku.
2. Xoojinta
muqaawamada iyo la dagalaanka cadowga si looga xoreeyo dalka.
QODOBKA. 7aad Sida Isbaheysigu ku Gaarayo Ujeeddooyinkiisa.
Waxaynu barbar dhigaynaa
mowqifkii uu Shariifku ka akhriyey Djibuti 26/05/2008:-
1.
Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waa urur Siyaasi ah oo nabadeed oo la
dhisay in uu fagaarayaasha caalamiga ah ku metelo bulshadda Soomaaliyeed, isla
markaana Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Soomaaliyeed ee dolman.
2.
Ujeeddooyinka Isbahaysiga waxaa ka mid ah ka shaqeynta sidii ciidanka Ethiopia
waddanka looga saari lahaa dariiq kasta oo suurto gal ah, sida ku cad xeerka
Isbahaysiga qodobadiisa 6,7,8. Dariiqooyinkaas waxaa ka mid ah in Beesha
Caalamka laga fahamsiiyo aragtida Isbahaysiga ee ku aaddan xal u helidda
mushkiladda Soomaaliya.
Labadan qodob ee dambe waxay ka mid ahaayeen hadaladii uu baaq ahaanta usoo
jeediyey Sh. Shariif isaga oo suuq u doonaya qorshaha garabkiisa iskana indha
tiraya waxa dhabta ah ee jira. Walibana isku dayaya in uu taageero iyo garab
istaag kaga helo Bulshada Soomaaliyeed ee muqaawamada iyo halganka dhimashada,
dhaawaca iyo burburka faraha badan ugu kacay ee ay kaga soo horjeedaan gumeysiga
Xaba shida iyo daba dhilifyadooda soomaalida ah. Nasiib xumo Shariifku waxaa uu
illowsanyahay ama is ilowsiinayaa in Bulshadu aanay maanta rag u dagaalamayn ee
ay mabda’ iyo caqiido u dagaalamayso. Sidaa awgeed, aysan kala jeclayn isaga iyo
Max’ed dheere ama isaga iyo C/hi yuusuf marba haddii dhufayskoodu mid yahay. Si
kastaba ha ahaatee, marka laga yimaado Shariifka ixtiraam la’aanta iyo sida
foosha xun ee uu u yasay Bulshada Mujaahidadda ah, (inkasta oo Alle mahaddii ay
ku hungoobeen) waxaa uu si cad been uga sheegay qodobadii u dhignaa Ururka uu
sheeganayo in uu ku hadlayo magaciisa. Kaasoo aanay meelna kaga jirin xeerkiisa
inuu yahay “Urur siyaasi ah oo nabadeed” iyo in loo dhisay sida uu sheegay in
uu fagaarayaasha caalamiga ah ka dhaadhiciyo qaddiyadda Soomaaliyeed. Dhab
ahaantii waa hadal aad u jaban kana turjmaya niyad xumo iyo u hanqal taagid wax
aan jirin.
Waliba waxaa intaa dheer oo sii
qeexaya heerka sakhifnimadu ka marayso kooxdan waraysiga Shariif Xasan ee uu ku
muujiyey ilaa xadka ay diyaarka u noqdeen in ay qaddiyadda Ummadda ka
dhillaystaan, markii uu ka hadlayey in xitaa ay qabaan/doonayaan in aan waxba
laga soo qaadin oo la iska illoobo wax alliyaale iyo wixii xasuuq, burburin iyo
gumeysiba leh ee ka taagan Dalk eennii hooyo.
Haddaba, marka aad isu akhrido
afarta qodob ee laba labada isula socda waxaa isla markaba kuusoo baxaya
xawaaraha uu jaray isbadalka ku yimid Shariifka iyo bahdiisa. Sidaa awgeed,
niyad wanaag, danta guud iwm. waa waxa ugu dambeeya ee lagu sheegi karo.
Sababkuna sida qorraxdaas oo kale ayuu u muuqdaa, umana baahna in qofku cabqari
siyaasi ah noqdo si uu u fahmo waxa jira.
Nin meeli u caddahay meeli kamadow waa dhab.
Maxay tahay waxa ku kallifaya in ay raggii ay “Cadowga” isu ahaayeenna ilaa
xadkaas u tanaasulaan, ilaa ay yiraahdeen waan iska cafinay. Isla markaasna
kuwii ay dhufayska kuwada jireenna iska daa tanaasule ay in la wada fariisto oo
la wada hadlo boqolaalka mayl uga fogaanayaan. War hoy timir laf
baa ku jirta.
Haddiiba sidaas xaal yahay, oo Sh. Shariif iyo
Dr. Geelle iyo inta wehelisaaba ay hadda ku hawllan yihiin, kana doodayaan
jagooyinkii ay xukuumadda Embgathi ka kala qaban lahaayeen, waa sida muuqata e,
isla markaasna ay turxaan bixinayaan siiqadii iyo habkii Gabre reportka aroor
iyo galabba ay u siin lahaayeen iyo meesha
Waxaase laga yaabaa in dadka qaar
is leeyihiin nimaka waa lagu xad gud bayaaye sow kuwan shuruudda ka dhigay in
120 maalmood gudahood Xabashidu kaga baxaan Dalka (laga bilaabo marka
hesshiiskan lakala saxiixdo). Laakiin, waxaysan inoo sheegeyn in aysan dalka ka
baxayn illaa ay yimaaddaan ciidamadii badali lahaa.
Taasina qofkii wax kala garanaya waa u caddahay in aanu shardigaasi suurto gal
ahayn. Haddii ay jiraan cidamo imaanayaa ay jiraan mar hore ayey iman lahaayeen.
Tan kale, sow tii aan (yaa Shariif) ku luuqaynaynay in aanay inoo kala duwanayn
ciidammo ajnabi ahi. Waxaan leenahay shakliyaadka iyo waxyaalaha aan aasaaska
ahayn oo la buunbuuniyaa inta badan waxay dad fara badan ula ekaataa mabda’ iyo
asal. Waana hadafka qoladani iyo ujeedada ay ka leedahay kooxdani marka tooshka
ay inoogu iftiiminyaan dhalanteed iyo wax aan meelna sii jirin.
Arinta manta taagan waxaa asal iyo asaas u ah wada hadalka laftigiisa. In
la ogolaado wadahadal lala galo Xabashida iyo daba dhilifyadooda inta ay ciidda
Soomaaliya meel kamid ah ay joogaan, waana mowqifkii aan ku ogeyn Ururka dib u
xoraynta intii aanay qaybta Shariif garabkeenna ka bixin.
Miraha haddaba laga guran doonaa
mowqifkan gurracan haddii uu hirgalo, marka laga hadlayo Soomaaliya guud ahaan
gaar ahaanna Muqaawamada iyo meelaha ay ka jirto waa kuwo dhadhan xun oo aan
marna marayn jidiinka Bulshada Mujaahidadda ah.
Waxaanse si aan sawir qumman oo
dhammays tiran u helno doonayaa in aan isku xirno dhowrka shay ee kala ah:-
Muqaawamada, Maraakiibtan dagaalka ee badda Soomaaliya iyo natiijada wada
hadalkan Djibuuti oo sida lagu wado laba mid uun kasoo baxayso.Aqoonsiga kooxda
Embgathi ay qoladani aqoonsato kana mid noqoto oo isaga waqti uun inaga xigo.
Amabase in ay ka faa’ideystaan fursadda kale ee kali ah ee loo soo bandhigay
(waa haddii ay wax qaybsiga iska diidaan) Shariifkuna uu Bayaankiisa u dam
beeyey ugu gogol xaarayey waa aqoonsiga kooxda Embegathi iyaguna ay noqdaan urur
“siyaasi ah” oo nabadeed oo mucaaradna ah, dibadahana meeraystana ay noqdaan.
Isku soo duuboo aqoonsiga kooxdani waxaa uu Rupper stamp/tiimbare u noqon
doonaa, gacanna bannaanaynayaa, waji gabaxii iyo kalsooni xumadii caalamka ka
haysatayna kasaarayaa Maraykanka iyo xulafadiisa Nato guud ahaan oo muddaba
raadinayey kuna taamayey wax uun shaciyad ah oo ay ku xasuuqaan inta ka hartay
Ummadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan dhaqdhaaaqyada (Alle kama dhigee)
Muqaawamada oo loogu marmarsoon doono in ay xalka iyo nabaddaba diidan yihiin,
maadaama ay ka bari noqdeen shirkan iyo qolyaha ka qayb galayanba. Sidoo kalena
ay sheegeen in aysan u hoggaansami doonin waxa kasoo baxa iyadoo waliba
“madaxdoodii” ay ogolaatay. Sidii aan bilowgii soo tilmaamayna Maraakiibta
dagaalka oo gaalada reer Yurub ee soo buux dhafiyey Badda Soomaaliya shaqo
la’aani mahayso. Sikastaba ha ahaatee, inkastoo aan Bulshada Soomaaliyeed aysan
marnaba ka filanayn in hoggaamiyhii ay aamintay iyo ururkiisii ay k aga timaaddo
dhagartii ugu weynayd ee taariikhda Bulshada Soomaaliyeed ee qoran.
Su’aasha ugu dambaysa ee aan
qoraalkeennan isku weydiinaynaa waxaa weeye:-
Waa maxay sababka ku kalifaya Sh.
Shariif isbaddalka intaa le’eg ee xagga mabaadii’da ah. Ma cabsi iyo baqdin
baa, oo waxaa lasoo hordhigay filmkii daldalaaddii Saddaam Xuseen, oo baryahan
dambe noqotay isha cali kalulata.
Mise markii hore ayuu waalnaa, Mise hadduu waallan yahay, mise waa maadays
adduunyadu dadkuna wey matalayaan. Mise-------
Anigu qof ahaan Sharrif wax
badan ayaan is maqalnay oo aan telefoon kuwada hadalnay wada shaqaynna way na
dhex martay intii ay socdeen howlihii la dagaallanka Qab-qablayaasha iyo intii
ka dambaysayba oo lagu jirey dib u xoraynta Dalka, inkasta oo aannaan marna is
arkin.
Sidaa awgeed mowqifkani ma ahan kuwii aan Shariif ku aqaannay kuna ogaa sida
Bulshada inteeda kaleba. Sikastaba ha ahaatee, waxaanan u rajeynayaa in ay
dhabta usoo noq daan isaga iyo inta markii horeba diinta lagu aaminay. Haddise
ay sidaa ku adkaystaan, waxay ogaana yaan marka danta manta laga leeyahay ay
meesha ka baxdo
Waxaa qoray:
C/karim Xirsi Salaad
abduulkaariim@hotmail.com